Shabeelaha dhexe iyo Banaadir

Turkiga oo Mashaariic ka hirgelinaya Shabeelaha dhexe iyo Banaadir

Raisul wasaaraha waqtigiisu dhamaaday Xamze Cabdi ayaa xaqiijiyey in Turkigu Deked 4 bilyan oo doolar ah uu ka dhisayo War sheekh oo ka tirsan gobolka shabeelahadhexe ee beesha Madaxweynuhu degto

Madaxda Beesha Daarood iyo Bahdilka Muqdisho

Beesha Digil iyo Mirifle oo qaadatay Madaxweyne ku xigeenka Soomaaliya

Dhowaan ayeey ahayd markii umadda Soomaaliyeed ay arkeen arin aad uga yaabisay oo ahayd in wafdigii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Culusoow u raacay shirkii Qaramada midoobay ayna la socon hal qof oo ka soo jeeda Beesha Daarood.

Inkastoo dawladda Federaalka Soomaaliya ayna Beesha Daarood ku lahayn Wasaaraddaha Arimaha dibadda, Gaashaandhiga, Qorshaynta, Caafimaadka, Macdanta , Khayraadka Badda, Hawlaha guud iyo dib u dhiska, hadana marna laysma lahayn waxay ku dhiiranaanayaan in kooxda Culusoow ay soo bandhigaan sawir muujinaya in beesha Daarood ayna dalka wax ku lahayn, sidoo kalena ayna jirin Cabsi ay ka qabeen fal celinta ka dhalan doonta in beesha Daarood laga tegay ama laga maarmay

Sidoo kale waxa jiray in dhowaan ay is qabteen labada nin ee madaxweyne Xasan Culusoow u kala magcaabay Gudoonka Barlamaanka Soomaaliya iyo Gudoonka golaha wasiirada, kuwaas oo kala ah Abu jihaad oo dhowaan loo magcaabay Gudoonka Baarlamaanka iyo RW. Xamze oo ah Ra’isu wasaaraha Soomaaliya.

Xame oo ka soo jeeda beesha Daarood ayaa siyasiyiinta Hawiye iyo dawladda Turkigu ku khasbeen inuu Abu jihaad ugu tago gurigiisa oo raali geliyo, muuqaalna soo duubo, isaga oo ay ka muuqato farxad.

Intaas loogama harin Bahdilkii lagu waday siyaasiyiinta ee waxa la raadiyey Firdhiye, oo isaguna Xasan Culusoow u magcaabay hogaanka maamulka wax loogu yeedho “Waqooyi Bari”. Isagiina muuqaal ticktock ah ayuu la galay Abu jihaad. Iasaga oo muujinaya inuu ku faraxsan yahay la kulankiisa

Screenshot

Ugu danbayntii sida muuqata waxa hirgalay Dastuurkii cusbaa ee madaxweyne Culusoow samaystay ee ahaa in Soomaaliya yeelato madaxweyne ku xigee oo laga guuro Raisal wasaare . Abu jihaad ayaa maanta Soomaaliya ka ah madaxweyne ku xigeen

Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Bangiga Adduunka oo uu hoggaaminayo Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Mr Hideki Matsnaga.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, ayaa looga hadlay dhameystirka mashaariicda World Bank ka wado Puntland iyo dardargelinta qorsheyaasha cusub iyadoo lagu saleynayo Qorshaha 5-ta sano ee horumarinta Puntland.

Tuugad Dahab xaday

Talafishanka CTV News ee dalka Canda ayaa soo bandhigayTuugad si xirfadaysan Dahab uga xadaysa qof waayeel ah oo 78 jir oo u soo baxday inay goor galab ah soo luga baxsato.

Dhacdadan ayaa waxay ka dhacday xaafadda magaalada Brampton ee ku xigta magalada Toronto.

Dahabkan laga furtay Islaanta waayee;ka ah ayaa qiimihiisu ahaa $20,000

Masoud Pezeshkian oo laba jeer la kulmay Mojtaba Khamenei tan iyo markii uu aabihiis badalay

Masoud Pezeshkian oo laba jeer la kulmay Mojtaba Khamenei tan iyo markii uu aabihiis badalay

Masoud Pezzekian ayaa u sheegay shabakadda wararka ee CBS News ee dalka Mareykanka inuu laba jeer la kulmay Mojtaba Khamenei muddo toddoba bilood ah gudahood tan iyo markii uu xilka qabtay.

Mudane Pezzekian ayaa yiri, “Intii lagu jiray toddobada saacadood ee aan la qaatay Hogaamiyaha Sare ee Kacaanka, wax dhaawac ah kama muuqan. Dhulka ayaan fadhinay oo aan wada hadlaynay. Annaga [isaga ayuu ula jeedaa] caado nooma ahayn fadhiga noocaas ah, sidaa darteed si joogto ah ayaan lugaha u beddel-beddelaynay oo aan u dhaq-dhaqaaqaynay, balse isagu si deggan ayuu u fadhiyay muddadaas, caafimaadkiisuna wuu wanaagsanaa oo wuxuu u adkaysan karay xaaladdaas.”

Qoraalka wareysigan ayaa lagu daabacay bogga rasmiga ah ee madaxtooyada Iran.

Madaxweynaha Iran ayaa sheegay in Mojtaba Khamenei uu “caafimaad ahaan aad u wanaagsan yahay,” wuxuuna intaas ku daray, “Waxaad tan ka maqlaysaan aniga oo ah dhakhtar, waana inaad rumaysataan; wax dhibaato caafimaad ah ma qabo.”

Tan iyo markii uu beddelay aabihiis, oo lagu dilay weerar isku-mar ah oo ay fuliyeen Israa’iil iyo Mareykanka 29-kii Maarso, Mojtaba Khamenei kama soo muuqan dadweynaha, mana uusan soo saarin wax muuqaal ama cod ah tan iyo markii loo doortay hoggaamiye.

Isagoo ka jawaabaya su’aal ay weydiisay CBS oo ahayd, “Markii aad la kulantay Mojtaba Khamenei, ma weydiisay inuu ku siiyay ogolaansho aad ku tagto Mareykanka?”, waxa uu Mudane Pezzekian ku jawaabay, “Joogitaankeenna Mareykanka daruuri kama dhigayso inaan u baahanahay ogolaansho. Waanu u sheegnay inaan imaanayno, balse safarradeennu waxay ku xiran yihiin go’aanka dowladda.”

Wuxuu horey ugu sheegay Fox News in hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah uu ku sugnaa xaalad caafimaad oo “aad u wanaagsan” isla markaana uu awood u lahaa inuu dalka maamulo.La wadaag, Masoud Pezeshkian oo laba jeer la kulmay Mojtaba Khamenei tan iyo markii uu aabihiis badalay

Tacsi: Caaqil Warsame Aadan Geesood

Bahda Allsanaag oo diraysa tacsidan loo dirayo Qoyska iyo qaraabada Caaqil Warsame Aadan Geesood mid la mid ah.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee π‚πšπšπͺ𝐒π₯ π–πšπ«π¬πšπ¦πž π€πšππšπ§ π†πžπžπ¬π¨π¨π, oo ku geeriyooday Degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan.

Guddoomiyuhu wuxuu tacsi u diray qoyskiisa, ehelkiisa, qaraabadiisa, cuqaasha iyo waxgaradka Puntland, iyo dhammaan bulshada uu ka baxay Marxuumku.

Marxuum Caaqil Warsame Aadan Geesood wuxuu ka mid ahaa cuqaasha iyo dhaqanka Puntland, isagoo ahaa oday talo iyo tusaale ku lahaa bulshada, kanaalin mug lehna ka qaatay arrimaha bulshada, nabadaynta iyo isku-xirka bulshada. Waxa uu si gaar ah uga qayb qaadan jiray talooyinka iyo go’aannada muhiimka ah ee la xiriira danta guud.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu wuxuu Alle uga baryay Marxuumka inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, qabrigiisana u waasiciyo, qoyskiisa, ehelkiisa iyo dhammaan bulshada uu ka baxayna uu ka siiyo samir iyo iimaan.

Sayid Axmed Madoobe oo ku dayday Culusoow

Maamulka Jubbland oo lacag baad aah waydiistay shacabka Kismaayo

Maamulka Jubbaland ee uu madaxweynaha ka yahay Sayid Amed Madoobe ayaa shacabka Jubbland, gaar ahaan reer Kismaayo waydiistay lacag baad ah OO U eg tii Kooxda Muqdisho ee Xasan Culusoow hogaamiyo waydiisteen shacabka reer Muqdisho, markii ay awoodi waayeena inay lacagtaas bixiyaana Cagad cagaf la geliyey guryahoodii. waana kuwa maalin walba warbaahinta ka hadlaya ee caddalad ka dhex raadinaya Soomaali dhexdeeda.

Maamulka Jubbaland ee lacagtan baada ah ee aan sharciga ahayn ku doonaya boqolkiiba Sodon hantida shacabka Kismaayo, waa mid ku khasbi doonta shacbka inay mid daran doortaan oo u gacan haadiyaan kooxdii Β Isbahaysiga Dooxada Jubba

Ciidanka Puntland

Ciidanka Puntland oo ka wada dagaalamaya Badda, Cal miskaad, Cal Madow iyo la dagaalanka argagixisada