
4th October 2026 admin Category :
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Bangiga Adduunka oo uu hoggaaminayo Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Mr Hideki Matsnaga.
Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, ayaa looga hadlay dhameystirka mashaariicda World Bank ka wado Puntland iyo dardargelinta qorsheyaasha cusub iyadoo lagu saleynayo Qorshaha 5-ta sano ee horumarinta Puntland.







