5th October 2026  admin  Category :

Masoud Pezeshkian oo laba jeer la kulmay Mojtaba Khamenei tan iyo markii uu aabihiis badalay

Masoud Pezzekian ayaa u sheegay shabakadda wararka ee CBS News ee dalka Mareykanka inuu laba jeer la kulmay Mojtaba Khamenei muddo toddoba bilood ah gudahood tan iyo markii uu xilka qabtay.

Mudane Pezzekian ayaa yiri, “Intii lagu jiray toddobada saacadood ee aan la qaatay Hogaamiyaha Sare ee Kacaanka, wax dhaawac ah kama muuqan. Dhulka ayaan fadhinay oo aan wada hadlaynay. Annaga [isaga ayuu ula jeedaa] caado nooma ahayn fadhiga noocaas ah, sidaa darteed si joogto ah ayaan lugaha u beddel-beddelaynay oo aan u dhaq-dhaqaaqaynay, balse isagu si deggan ayuu u fadhiyay muddadaas, caafimaadkiisuna wuu wanaagsanaa oo wuxuu u adkaysan karay xaaladdaas.”

Qoraalka wareysigan ayaa lagu daabacay bogga rasmiga ah ee madaxtooyada Iran.

Madaxweynaha Iran ayaa sheegay in Mojtaba Khamenei uu “caafimaad ahaan aad u wanaagsan yahay,” wuxuuna intaas ku daray, “Waxaad tan ka maqlaysaan aniga oo ah dhakhtar, waana inaad rumaysataan; wax dhibaato caafimaad ah ma qabo.”

Tan iyo markii uu beddelay aabihiis, oo lagu dilay weerar isku-mar ah oo ay fuliyeen Israa’iil iyo Mareykanka 29-kii Maarso, Mojtaba Khamenei kama soo muuqan dadweynaha, mana uusan soo saarin wax muuqaal ama cod ah tan iyo markii loo doortay hoggaamiye.

Isagoo ka jawaabaya su’aal ay weydiisay CBS oo ahayd, “Markii aad la kulantay Mojtaba Khamenei, ma weydiisay inuu ku siiyay ogolaansho aad ku tagto Mareykanka?”, waxa uu Mudane Pezzekian ku jawaabay, “Joogitaankeenna Mareykanka daruuri kama dhigayso inaan u baahanahay ogolaansho. Waanu u sheegnay inaan imaanayno, balse safarradeennu waxay ku xiran yihiin go’aanka dowladda.”

Wuxuu horey ugu sheegay Fox News in hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah uu ku sugnaa xaalad caafimaad oo “aad u wanaagsan” isla markaana uu awood u lahaa inuu dalka maamulo.La wadaag, Masoud Pezeshkian oo laba jeer la kulmay Mojtaba Khamenei tan iyo markii uu aabihiis badalay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*