4th October 2026  admin  Category :

Beesha Digil iyo Mirifle oo qaadatay Madaxweyne ku xigeenka Soomaaliya

Dhowaan ayeey ahayd markii umadda Soomaaliyeed ay arkeen arin aad uga yaabisay oo ahayd in wafdigii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Culusoow u raacay shirkii Qaramada midoobay ayna la socon hal qof oo ka soo jeeda Beesha Daarood.

Inkastoo dawladda Federaalka Soomaaliya ayna Beesha Daarood ku lahayn Wasaaraddaha Arimaha dibadda, Gaashaandhiga, Qorshaynta, Caafimaadka, Macdanta , Khayraadka Badda, Hawlaha guud iyo dib u dhiska, hadana marna laysma lahayn waxay ku dhiiranaanayaan in kooxda Culusoow ay soo bandhigaan sawir muujinaya in beesha Daarood ayna dalka wax ku lahayn, sidoo kalena ayna jirin Cabsi ay ka qabeen fal celinta ka dhalan doonta in beesha Daarood laga tegay ama laga maarmay

Sidoo kale waxa jiray in dhowaan ay is qabteen labada nin ee madaxweyne Xasan Culusoow u kala magcaabay Gudoonka Barlamaanka Soomaaliya iyo Gudoonka golaha wasiirada, kuwaas oo kala ah Abu jihaad oo dhowaan loo magcaabay Gudoonka Baarlamaanka iyo RW. Xamze oo ah Ra’isu wasaaraha Soomaaliya.

Xame oo ka soo jeeda beesha Daarood ayaa siyasiyiinta Hawiye iyo dawladda Turkigu ku khasbeen inuu Abu jihaad ugu tago gurigiisa oo raali geliyo, muuqaalna soo duubo, isaga oo ay ka muuqato farxad.

Intaas loogama harin Bahdilkii lagu waday siyaasiyiinta ee waxa la raadiyey Firdhiye, oo isaguna Xasan Culusoow u magcaabay hogaanka maamulka wax loogu yeedho “Waqooyi Bari”. Isagiina muuqaal ticktock ah ayuu la galay Abu jihaad. Iasaga oo muujinaya inuu ku faraxsan yahay la kulankiisa

Screenshot

Ugu danbayntii sida muuqata waxa hirgalay Dastuurkii cusbaa ee madaxweyne Culusoow samaystay ee ahaa in Soomaaliya yeelato madaxweyne ku xigee oo laga guuro Raisal wasaare . Abu jihaad ayaa maanta Soomaaliya ka ah madaxweyne ku xigeen

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*