
5th October 2026 admin Category :
Bahda Allsanaag oo diraysa tacsidan loo dirayo Qoyska iyo qaraabada Caaqil Warsame Aadan Geesood mid la mid ah.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee ππππͺπ’π₯ πππ«π¬ππ¦π πππππ§ ππππ¬π¨π¨π, oo ku geeriyooday Degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan.
Guddoomiyuhu wuxuu tacsi u diray qoyskiisa, ehelkiisa, qaraabadiisa, cuqaasha iyo waxgaradka Puntland, iyo dhammaan bulshada uu ka baxay Marxuumku.
Marxuum Caaqil Warsame Aadan Geesood wuxuu ka mid ahaa cuqaasha iyo dhaqanka Puntland, isagoo ahaa oday talo iyo tusaale ku lahaa bulshada, kanaalin mug lehna ka qaatay arrimaha bulshada, nabadaynta iyo isku-xirka bulshada. Waxa uu si gaar ah uga qayb qaadan jiray talooyinka iyo goβaannada muhiimka ah ee la xiriira danta guud.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu wuxuu Alle uga baryay Marxuumka inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, qabrigiisana u waasiciyo, qoyskiisa, ehelkiisa iyo dhammaan bulshada uu ka baxayna uu ka siiyo samir iyo iimaan.







