Dhammaan ardayda dooneysa in ay ku soo biiraan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Faraca Puntland-Badhan, waxaa la ogaysiinayaa in qabashada codsiyada ardayda cusub ay bilaabatay.

Dhammaan ardayda dooneysa in ay ku soo biiraan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Faraca Puntland-Badhan, waxaa la ogaysiinayaa in qabashada codsiyada ardayda cusub ay bilaabatay.
Guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya oo shaqadii laga joojiyey orodkii Nasro awgii
Guddiga Olombikada Soomaaliya ayaa fuliyey amar kasoo baxay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Soomaaliya, kaas oo ahaa in shaqada laga joojiyo guddoomiyha xiriirka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya marwo Khadiija Aadan Daahir.
Tani waxay daba socotay fadeexad hadal hayn dhalisay oo Soomaaliya kasoo gaartay tartan orod oo ka dhacay Shiinaha, kaas oo ay ka qayb gashay gabar la sheegay in aysan lahayn wax taariikh orodyahannimo ah isla markaana aysan ahayn ciyaaryahanad orodka ka tirsan.
Khadiijo Aadan Daahir oo horaan BBC la hadashay ayaa sheegtay in Nasro Abuukar aysan lahayn taariikh orodyahannimo balse ay qaadatay layli usuurta galinaya in ay ka qayb gasho orodka 100ka mitir.
Waxaa la arkayey Nasro oo aan u ordeyn sidii qof yaqaan orodka isla markaana waxay gashay kaalinta u dambeysa ee gabdhihii halkaas ku ordayey.
Siyaasiyiinta Koonfurta Soomaaliya oo wada dafiray Musuqmasaqii ceebta u keenay Soomaaliya
Muxuu Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyaradda uu ka yiri natiijada tartankii orodada ee Soomaaliya Shiinaha ugu qeybgashay laacibada Nasra Abuukar oo kaalinta ugu danbeesa Tartankaasi ka gashay.
“Arin aad u foolxuma badan ayeey aheyd ee tartankii shinaaha magaca Soomaaliyeed iyo calanka meel uusan istaahilin ayaa la dhigay gabadha ka qeybgashay tartankaasi orodka sida loo soo xulay waan baareenaa
HADAL JEEDINTA MADAXWAYNAHA DOWLADDA PUNTLAND MUDANE SICIID CABDULLAAHI DANI EE XUSKA SANNAD-GUURADA 25AAD EE ASAASKA DOWLADDA PUNTLAND .
Magaalada Laascaanood oo colaad ay ka taagnayd tan iyo dabayaaqadii sannadkii tagay ayaa maanta lagu doortay hoggaanka Dhexe ee maamulka loogu magac daray SSC Khaatumo.
Muxuu yahay, yaase leh dhulka Casa d’Italia?
Dawladda Soomaaliya ayaa ku amartay dadka ku dhaqmayey dhulka Casa d’Italia inay ka baxaan maadaama uu dhamaaday “wakhtigii loo qabatay”. Dhulkan oo ku yaal degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho ayaa soddonkii sano ee lasoo dhaafay waxaa degenaa dad soo barakacay, iyo meelaha qaar laga dhigay goobo ganacsi.
Dadka mudada dheer degenaa dhulkaas ayaa ka cago jiidaya inay baneeyaan halkaas, oo ay ku tilmaameen in uu yahay ‘dhul dowlo’ oo ay tahay in aan laga saarin.
Haddaba, muxuu yahay dhulka Casa d’Italia, yaase iska leh dhulkan, ma dowlad, ma dad shacab mise cid kale?
Meel aan ka fogeyn taallada xusaska lagu qabto ee Mudisho – Daljirka dahsoon – waxaa ku yaalla dhisme fac weyn oo la dhisay xilligii gumeysiga.
Casa d’Italia waxay ahayd xarun jaaliyadeed oo uu Talyaanigu lahaa, waxayna ku taallaa faras-magaalaha Muqdisho, meel aad ugu dhow halkii uu ku oolli jiray Hotel Shabeelle oo iminka gabi ahaanba burburay, waxayna dhabarka ku haysaa dhismihii safaaradda Shiinaha.
Waxyaabaha xaruntaas ay lahayd waxaa ka mid ah meelo lagu cunteeyo, goobo lagu cayaaro, meel filimada lagu daawado iyo xarunta dhaqanka Talyaaniga.
Xaruntaas dadka aadka u yaqaanna waxay aamnisan yihiin in la furay xilligii gumeysiga Talyaanigu haystay Muqdisho iyo gobollada Koofureed, waxaana isugu imaan jiray maamulayaashii Talyaaniga, xaasaskooda, carruurtooda, baadariyadii, soorooyinkii, macallimiintii iyo dadkii Talyaaniga ahaa ee Soomaaliya ka shaqayn jiray ama soo booqan jiray. Waxaa kaloo loo ogolaa askarta Talyaaniga.
Waxaa xusid mudan in xarunta dhaqanka ee Talyaaniga (Centro culturale Italiano) xilligii dawladda kacaanka loo raray meel aad uigu dhow madaxtooyada Soomaaliya.
“Qof kasta looma ogolayn inuu soo galo. Marka laga reebo muwaadiniinta Talyaaniga ah. Dadka Soomaalida ah ee halkaa tagaya waxay ku tegi jireen martiqaad ay u soo diraan muwaadiniinta Talyaaniga oo kaliya” ayey tiri Shukri Siciid oo ah saxafiyad deggan Talyaaniga.
Xilligii dawladdii kacaanka waxaa aad isku beddelay nidaamka Casa d’Italia. Bacdamaa uu dalku dawlad lahaa waxaa aad loola socday dhaqdhaqaaqa gudaha dhismahaas, laakinse lama fara gelin jirin, maadaama Casa d’Italia ay hoos imaanaysay safaaradda Talyaaniga, ayadoo xiriirka Soomaaliya iyo Talyaanigana uu aad u wanaagsanaa.Xaruntaas dadka aadka u yaqaanna waxay aamnisan yihiin in la furay xilligii gumeysiga Talyaanigu haystay Muqdisho iyo gobollada Koofureed, waxaana isugu imaan jiray maamulayaashii Talyaaniga, xaasaskooda, carruurtooda, baadariyadii, soorooyinkii, macallimiintii iyo dadkii Talyaaniga ahaa ee Soomaaliya ka shaqayn jiray ama soo booqan jiray. Waxaa kaloo loo ogolaa askarta Talyaaniga.
Waxaa xusid mudan in xarunta dhaqanka ee Talyaaniga (Centro culturale Italiano) xilligii dawladda kacaanka loo raray meel aad uigu dhow madaxtooyada Soomaaliya.
“Qof kasta looma ogolayn inuu soo galo. Marka laga reebo muwaadiniinta Talyaaniga ah. Dadka Soomaalida ah ee halkaa tagaya waxay ku tegi jireen martiqaad ay u soo diraan muwaadiniinta Talyaaniga oo kaliya” ayey tiri Shukri Siciid oo ah saxafiyad deggan Talyaaniga.
Xilligii dawladdii kacaanka waxaa aad isku beddelay nidaamka Casa d’Italia. Bacdamaa uu dalku dawlad lahaa waxaa aad loola socday dhaqdhaqaaqa gudaha dhismahaas, laakinse lama fara gelin jirin, maadaama Casa d’Italia ay hoos imaanaysay safaaradda Talyaaniga, ayadoo xiriirka Soomaaliya iyo Talyaanigana uu aad u wanaagsanaa.
Xarunta Casa d’Italia waxay u dhow dahay ama masaafo loo socon karo u jirtaa meelaha ay dadka Talyaaniga ah ka hawlgali jireen ama u badnaayeen.
Meelahaas waxaa ka mid ah Kaniisadda weyn ee Muqdisho (Cattedrale di Mogadiscio), Xaruntii maamulka Talyaaniga (Ufficio governo), Iskuulka hoose dhexe ee XaawoTaako oo markii hore la oran jiray (Scuola Regina Elena), Dugsiga sare ee xisabaadka iyo cabiraadda (Scuola ragioneria), Collegioi Nuova Somalo, dugsiga Bartama (Scuola medio centrale) iyo makhaayadihii talyaaniga u badnaa sida Croce del Sud iyo Café nazionale.
Waxaa kale oo aad ugu dhaw xarumihii safaaradaha sida safaaradaha Talyaaniga, Ameerikaanka, Faransiiska, Shiinaha iyo Ruushka.
Dhulka uu ku yaallo dhismaha Casa d’Italia waxaa milkiyadiisa leh dawladda Talyaaniga, waxaa dagaalladii sokeeye markii ay dalka ka qarxeen loo gaystay boob, ka dibna waxaa galay dad soo barakacay.
“Talyaanigu wuxuu daba socday in dhulkaas loo soo celiyo muddo 10 sano ka badan” ayey tiri Shukri oo aad ula socotay xiriirka uu talyaanigu ku doonayey soo celinta dhulkaas.
Maamulka gobolka Banaadir wuxuu iminka shaaca ka qaaday in codsi uu ka soo gaaray dawladda Talyaaniga “kaasoo ay u soo direen guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayagoo soo mariyey wasaaradda arrimaha dibadda, sida ku cad dukumentigan horteenna yaalla, waxayna codsiga ku caddeeyeen in ay doonayaan dhulkoodii Casa d’Italia, ayna doonayaan inay mashaariic horumarineed ka fuliyaan” ayuu yiri Saalax Xasan Cumar, Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.
Afhayeenku wuxuu sheegay in dhuilkaas qayb ka mid ah ay dad deggan yihiin, qaybna ay tahay geerash, halka labada qaybood ee kalena ay kala yihiin Makhaayad iyo meel gaadiidka la dhigto.
“25/4/2023 ayuu guddoomiyuhu warqaddan qoraywaad dareemi kartaa muddada ka soo wareegtay, dadki deganaana waxaa la siiyey muddo ay halkaas kaga guuraan, muddadiina waa dhamaatay” ayuu yiri Afhayeenka gobolka Banaadir Saalax Dheere.
Ma cadda waxa Talyaanigu uu ka samayn doono dhulkaas, iyo goorta uu la wareegi doono.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Ergeyga gaarka ah ee UNHCR u qaabilsan Geeska Afrika
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR u qaabilsan Geeska Afrika, Danjire Maxamed Cabdi Affey.
Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Danjire Affey ayaa ka wada hadlay xaaladda qaxootiga iyo barakacayaasha ku nool dalka iyo sidii daruufahooda nololeed loo hagaajin lahaa.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa soo dhaweeyey iskaashiga ka dhexeeya dowladda iyo hay’adda UNHCR ee ku aadden daryeelka qaxootiga iyo barakacayaasha, gaar ahaan taageerada dhanka ilaalinta iyo nooliga ah.
Danjire Affey ayaa dhankiisa dowladda Soomaaliya ku ammaanay dadaalka ay ugu jirto sidii dalka loogu soo dabbaali lahaa amni iyo xasillooni, taas oo wax weyn ka tareysa xaaladaha qaxootiga iyo barakacayaasha dalka ku nool.
Xawayaan lagu murmay in uu aadmi yahay iyo in kale
Beer xaywaanaad oo ku taal bariga Shiinaha ayaa u xaqiijisay dadka soo booqday in waxa ay arkeen ay yihiin Madaxkuti run ah ee aysan ahayn qof iska dhigaya madaxkuti, ka dib markii la arkay hal xayawaan oo u taagan sida qof biniaadmi ah kaas qabsaday internetka.
Isagoo ka jawaabaya muuqaal madaxkuti/oorso faafay oo ku taagan lugaha dambe, maamulka beerta xawayaanka Hangzhou ayaa yiri dadku “ma fahmaan” noocyada. Isticmaalayaasha baraha bulshada ayaa qiyaasayay in bahashu noqon karto qof lebisan.
Beerta ayaa haysa qaar ka mid ah noocyada orso ee ugu xajmiga yar adduunka, waxay la egtahay noocyada eyga ee weyn. Waa nooc dabar go’aya oo u dhashay kaymaha roobka ee Koonfur Bari Aasiya.
Fiidiyowga, waxaa lagu arkayaa orso nooca sun loo yaqaan ah oo ku taagan cidhifka xayndaabkeeda, calaacalahana dhinaca ku haya oo u muuqda mid laftiisu u kuur galaya dadka soo booqda beerta xayawaanka.
WATCH: 🐻 A viral video of a black sun bear at the Hangzhou Zoo in China’s Zhejiang province has some netizens convinced that it is a human in disguise. The zoo has since spoken out to quell the rumours, maintaining that it is “definitely a real animal”. pic.twitter.com/hzHOZSnLPT
— TODAY (@TODAYonline) July 31, 2023
Bangiga adduunka ayaa sheegay in Soomaaliya la siiyey kaalmo lacageed oo gaadhaysa illaa $75 million, taas oo ah deeqdii labaad ee la siiyo Soomaaliya, si ay gacan uga geysato koboca awoodda hay’adaha dawliga ah, sida lagu sheegay warsaxafaadeed ka soo baxay Bangiga Adduunka.
Lacagtan ayaa qayb ka ah, kaalmooyin xidhiidh ah oo la siinayo Soomaaliya, taas oo Bangiga Adduunku uu sheegay inay ka taageerayso Soomaaliya, inay horumar ka samayso hiigsigeeda ku aaddan, inay noqoto mid si rasmi ah ugu qalanta, deyn cafinta.
Bangiga Adduunka ayaa sheegay in Soomaaliya ay waddo hirgelinta barnaamijkeeda dib u habaynta, si loo kobciyo awoodda hay’adaha dawliga ah, loona soo jiito maalgashadayaasha isla markaana loo gaadho koboc dhaqaale oo loo dhan yahay iyo shaqo abuur, kuwaas oo ku lingaxan qorshaha horumarinta qaran ee sagaalaad.
Barnaamijka horumarinta qaran ayay ku jiraan qodobo kala duwan oo mudnaan u leh, in Soomaaliya ay horumar samayso, waxaana Bangiga adduunku uu sheegay in qodobadaas qaybo ka mida ay ka taageereen Horumarinta Siyaasadda Maaliyadda ee loosoo gaabiyo DPF.
Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in dalka Itoobiya ay tahay ineey hesho deked ay iyadu leedahay, sida ay ku helli kartaana ay tahay in la siiyo ama xoog ay ku raadsadaan. Hadalkan ayaa lagu micneeyay mid doqonimo weeyn ay ku dheehantahay.
Itoobiya ma waxa ay ka qiimo badan tahay dalalka adduunka ee aan badda lahayn? ma jiro dal ka mid ah dalalkaas aan badda lahayn oo xoog wax ku raadinaya, balse waxa ay aqbalayn dalkooda sida uu yahay. Hase ahaatee sababta Itoobiya deked ay u hadal hayso ayaa ah in mar kasta ay u muuqanayso hilibka bisil ee la yiraah Soomaaliya ee badda dheer iska haysta, iyagiina aan la filayn in ay dib dal u noqon doonaan.
Adduunka aan ku nool nahay waxaa jira in ka badan 40 dal oo aan bad lahayn, marka tirada dadkooda la isku darana waa 500,000,000 shan boqol oo milyan oo qof. Waxaana ka mid ah dalalka aan badda lahayn wadamadan soo socda:
Zimbabwe Mongolia Switzirland
Zambia Uzbekistan Czech Republic
Botswana Tajakiztan Hungary
Austria Burkino Faso Serbia
Armenia Laos Moldova
Paraguay Malawi Slovakia
Nepal South Sudan Turkuminstan
Rwanda Central Africa Republic
Kazakhstan Chad Azerbajan
Uganda Bolivia Itoobiya
Afghanistan Mali Bhutan
Niger Belarus Burundi
Kyrgistan Luxembourg Macedonia