26th July 2024  admin  Category :

Guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya oo shaqadii laga joojiyey orodkii Nasro awgii

Guddiga Olombikada Soomaaliya ayaa fuliyey amar kasoo baxay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Soomaaliya, kaas oo ahaa in shaqada laga joojiyo guddoomiyha xiriirka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya marwo Khadiija Aadan Daahir.

Tani waxay daba socotay fadeexad hadal hayn dhalisay oo Soomaaliya kasoo gaartay tartan orod oo ka dhacay Shiinaha, kaas oo ay ka qayb gashay gabar la sheegay in aysan lahayn wax taariikh orodyahannimo ah isla markaana aysan ahayn ciyaaryahanad orodka ka tirsan.

Khadiijo Aadan Daahir oo horaan BBC la hadashay ayaa sheegtay in Nasro Abuukar aysan lahayn taariikh orodyahannimo balse ay qaadatay layli usuurta galinaya in ay ka qayb gasho orodka 100ka mitir.

Waxaa la arkayey Nasro oo aan u ordeyn sidii qof yaqaan orodka isla markaana waxay gashay kaalinta u dambeysa ee gabdhihii halkaas ku ordayey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*