19th May 2024  admin  Category :

Xawayaan lagu murmay in uu aadmi yahay iyo in kale

Beer xaywaanaad oo ku taal bariga Shiinaha ayaa u xaqiijisay dadka soo booqday in waxa ay arkeen ay yihiin Madaxkuti run ah ee aysan ahayn qof iska dhigaya madaxkuti, ka dib markii la arkay hal xayawaan oo u taagan sida qof biniaadmi ah kaas qabsaday internetka.

Isagoo ka jawaabaya muuqaal madaxkuti/oorso faafay oo ku taagan lugaha dambe, maamulka beerta xawayaanka Hangzhou ayaa yiri dadku “ma fahmaan” noocyada. Isticmaalayaasha baraha bulshada ayaa qiyaasayay in bahashu noqon karto qof lebisan.

Beerta ayaa haysa qaar ka mid ah noocyada orso ee ugu xajmiga yar adduunka, waxay la egtahay noocyada eyga ee weyn. Waa nooc dabar go’aya oo u dhashay kaymaha roobka ee Koonfur Bari Aasiya.

Fiidiyowga, waxaa lagu arkayaa orso nooca sun loo yaqaan ah oo ku taagan cidhifka xayndaabkeeda, calaacalahana dhinaca ku haya oo u muuqda mid laftiisu u kuur galaya dadka soo booqda beerta xayawaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*