13th April 2024  admin  Category :

Muxuu yahay, yaase leh dhulka Casa d’Italia?

Dawladda Soomaaliya ayaa ku amartay dadka ku dhaqmayey dhulka Casa d’Italia inay ka baxaan maadaama uu dhamaaday “wakhtigii loo qabatay”. Dhulkan oo ku yaal degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho ayaa soddonkii sano ee lasoo dhaafay waxaa degenaa dad soo barakacay, iyo meelaha qaar laga dhigay goobo ganacsi.

Dadka mudada dheer degenaa dhulkaas ayaa ka cago jiidaya inay baneeyaan halkaas, oo ay ku tilmaameen in uu yahay ‘dhul dowlo’ oo ay tahay in aan laga saarin.

Haddaba, muxuu yahay dhulka Casa d’Italia, yaase iska leh dhulkan, ma dowlad, ma dad shacab mise cid kale?

Maxaan ka ognahay xaruntan

Meel aan ka fogeyn taallada xusaska lagu qabto ee Mudisho – Daljirka dahsoon – waxaa ku yaalla dhisme fac weyn oo la dhisay xilligii gumeysiga.

Casa d’Italia waxay ahayd xarun jaaliyadeed oo uu Talyaanigu lahaa, waxayna ku taallaa faras-magaalaha Muqdisho, meel aad ugu dhow halkii uu ku oolli jiray Hotel Shabeelle oo iminka gabi ahaanba burburay, waxayna dhabarka ku haysaa dhismihii safaaradda Shiinaha.

Waxyaabaha xaruntaas ay lahayd waxaa ka mid ah meelo lagu cunteeyo, goobo lagu cayaaro, meel filimada lagu daawado iyo xarunta dhaqanka Talyaaniga.

Yaa tegi jiray

Xaruntaas dadka aadka u yaqaanna waxay aamnisan yihiin in la furay xilligii gumeysiga Talyaanigu haystay Muqdisho iyo gobollada Koofureed, waxaana isugu imaan jiray maamulayaashii Talyaaniga, xaasaskooda, carruurtooda, baadariyadii, soorooyinkii, macallimiintii iyo dadkii Talyaaniga ahaa ee Soomaaliya ka shaqayn jiray ama soo booqan jiray. Waxaa kaloo loo ogolaa askarta Talyaaniga.

Waxaa xusid mudan in xarunta dhaqanka ee Talyaaniga (Centro culturale Italiano) xilligii dawladda kacaanka loo raray meel aad uigu dhow madaxtooyada Soomaaliya.

“Qof kasta looma ogolayn inuu soo galo. Marka laga reebo muwaadiniinta Talyaaniga ah. Dadka Soomaalida ah ee halkaa tagaya waxay ku tegi jireen martiqaad ay u soo diraan muwaadiniinta Talyaaniga oo kaliya” ayey tiri Shukri Siciid oo ah saxafiyad deggan Talyaaniga.

Xilligii dawladdii kacaanka waxaa aad isku beddelay nidaamka Casa d’Italia. Bacdamaa uu dalku dawlad lahaa waxaa aad loola socday dhaqdhaqaaqa gudaha dhismahaas, laakinse lama fara gelin jirin, maadaama Casa d’Italia ay hoos imaanaysay safaaradda Talyaaniga, ayadoo xiriirka Soomaaliya iyo Talyaanigana uu aad u wanaagsanaa.Xaruntaas dadka aadka u yaqaanna waxay aamnisan yihiin in la furay xilligii gumeysiga Talyaanigu haystay Muqdisho iyo gobollada Koofureed, waxaana isugu imaan jiray maamulayaashii Talyaaniga, xaasaskooda, carruurtooda, baadariyadii, soorooyinkii, macallimiintii iyo dadkii Talyaaniga ahaa ee Soomaaliya ka shaqayn jiray ama soo booqan jiray. Waxaa kaloo loo ogolaa askarta Talyaaniga.

Waxaa xusid mudan in xarunta dhaqanka ee Talyaaniga (Centro culturale Italiano) xilligii dawladda kacaanka loo raray meel aad uigu dhow madaxtooyada Soomaaliya.

“Qof kasta looma ogolayn inuu soo galo. Marka laga reebo muwaadiniinta Talyaaniga ah. Dadka Soomaalida ah ee halkaa tagaya waxay ku tegi jireen martiqaad ay u soo diraan muwaadiniinta Talyaaniga oo kaliya” ayey tiri Shukri Siciid oo ah saxafiyad deggan Talyaaniga.

Xilligii dawladdii kacaanka waxaa aad isku beddelay nidaamka Casa d’Italia. Bacdamaa uu dalku dawlad lahaa waxaa aad loola socday dhaqdhaqaaqa gudaha dhismahaas, laakinse lama fara gelin jirin, maadaama Casa d’Italia ay hoos imaanaysay safaaradda Talyaaniga, ayadoo xiriirka Soomaaliya iyo Talyaanigana uu aad u wanaagsanaa.

Istaraatijiyadda goobta

Xarunta Casa d’Italia waxay u dhow dahay ama masaafo loo socon karo u jirtaa meelaha ay dadka Talyaaniga ah ka hawlgali jireen ama u badnaayeen.

Meelahaas waxaa ka mid ah Kaniisadda weyn ee Muqdisho (Cattedrale di Mogadiscio), Xaruntii maamulka Talyaaniga (Ufficio governo), Iskuulka hoose dhexe ee XaawoTaako oo markii hore la oran jiray (Scuola Regina Elena), Dugsiga sare ee xisabaadka iyo cabiraadda (Scuola ragioneria), Collegioi Nuova Somalo, dugsiga Bartama (Scuola medio centrale) iyo makhaayadihii talyaaniga u badnaa sida Croce del Sud iyo Café nazionale.

Waxaa kale oo aad ugu dhaw xarumihii safaaradaha sida safaaradaha Talyaaniga, Ameerikaanka, Faransiiska, Shiinaha iyo Ruushka.

Yaa iska leh dhulkan?

Dhulka uu ku yaallo dhismaha Casa d’Italia waxaa milkiyadiisa leh dawladda Talyaaniga, waxaa dagaalladii sokeeye markii ay dalka ka qarxeen loo gaystay boob, ka dibna waxaa galay dad soo barakacay.

“Talyaanigu wuxuu daba socday in dhulkaas loo soo celiyo muddo 10 sano ka badan” ayey tiri Shukri oo aad ula socotay xiriirka uu talyaanigu ku doonayey soo celinta dhulkaas.

Maamulka gobolka Banaadir wuxuu iminka shaaca ka qaaday in codsi uu ka soo gaaray dawladda Talyaaniga “kaasoo ay u soo direen guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayagoo soo mariyey wasaaradda arrimaha dibadda, sida ku cad dukumentigan horteenna yaalla, waxayna codsiga ku caddeeyeen in ay doonayaan dhulkoodii Casa d’Italia, ayna doonayaan inay mashaariic horumarineed ka fuliyaan” ayuu yiri Saalax Xasan Cumar, Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.

Afhayeenku wuxuu sheegay in dhuilkaas qayb ka mid ah ay dad deggan yihiin, qaybna ay tahay geerash, halka labada qaybood ee kalena ay kala yihiin Makhaayad iyo meel gaadiidka la dhigto.

“25/4/2023 ayuu guddoomiyuhu warqaddan qoraywaad dareemi kartaa muddada ka soo wareegtay, dadki deganaana waxaa la siiyey muddo ay halkaas kaga guuraan, muddadiina waa dhamaatay” ayuu yiri Afhayeenka gobolka Banaadir Saalax Dheere.

Ma cadda waxa Talyaanigu uu ka samayn doono dhulkaas, iyo goorta uu la wareegi doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*