Guryaha ay Rwanda u diyaarisay muhaajiriinta ay Muslimiintu ka mid yihiin ee UK laga soo celinayo
Toddobaadkan, Rwanda ayaa udub-dhexaad u ahayd dood ka dhex taagneyd siyaasadda UK oo ku aaddan inuu shaqeyn karo isku daygii ugu dambeeyay ee dowladda ay ku dooneyso in qaar ka mid ah magan-galyo doonka la geeyo dalkan Bariga Afrika ku yaalla. Balse sidee ayay dadka Rwanda u arkaan barnaamijkan, waana sidee guryaha loo diyaariyay muhaajiriinta?
Deegaanka ay ku yaallaan guryahan Hope Hostel waa meel doog ah.
Qolalkeeda ka kooban 50-ka si joogto ah ayaa loo nadiifiyaa, suuliyo iyo dacas ayaa loo sii diyaariyay dadka aan weli imaan. Waxay ku yaallaan deegaanka qurxoon ee Kagugu oo ka tirsan caasimadda Rwanda ee Kigali, aqalka madaxtooyada waxaad ka daawan kartaa balakoonnada qolalka.
Sanadkii lasoo dhaafay, ayaa lasoo jeediyay inay martigeliso maganglyo-doonka laga soo celinayo Britain.
Qur’aan iyo salliyada lagu tukado ayaa ku diyaarsan qol walba.
Ismail Bakina, oo ah maamulaha guryahan, ayaa sheegaya in loo sheegay in qaar badan oo ka mid ah dadka cusub ay ahaan doonaan Muslimiin kasoo jeeda Bariga Dehexe ayna doonayaan inay gutaan waajibaadkooda diimeed.
Dhammaanba calaamadaha ku xardhan hareeraha guryaha waxaa lagu qoray luqadaha Ingiriiska iyo Carabiga.
Maqaayadda waxaa ku dheggan boor ay ku qoran tahay Xalaal. Labo qol oo lagu tukado ee ku yaalla dabaqyada korkooda waa meel qurxoon oo laga daawan karo buuraha cagaaran ee Kigali.
Qoraalka sawirka,Qeybta soo dhoweynta oo isu diyaarinaya martida ugu horreysa
Shaqaalaha BBC ayaa booqday guryahan sanad kahor iyadoo loo diyaarinayay inay qaabilaan dadka ugu horreeya ee laga keenayo UK. Haatan, sanad iyo bar kaddib, weli waa cidlo.
Waxay qeyb ka yihiin waxa aan haatan ognahay ee £240m ($300m) oo ah bixisay UK qeybna ka ah heshiiska dib u dejinta magan-galyo doonka ee ay la gashay Rwanda.
Qaxootiga ayaa lakala dooransii doonaa inay sii joogaan Rwanda amaba dal kale dib u dejin loogu sameeyo.
Weriye Providence Uwase oo 25 jir ah way ku faraxsan tahay arrintan waxayna u maleyneysaa in heshiisku uu u wanaagsanaan karo Rwanda.
“Lacag ayaa lagu harqiyay dalka. Xusuusnow UK waxay hore u bixisay qeybtii ugu horreysay, taasoo gacan ka geysan karta koboca dhaqaalaha halkan,” ayay u sheegtay BBC.
“Xaqiiqda ah in Rwanda ay aqbaleyso magan-galyo doonka, waxay wax ka beddeli kartaa fekerka taban ee laga qabo dalkan.”
Balse qof walba oo kale kuma raacsa ra’yigan.
Qoraalka sawirka,Xoghayaha Arrimaha Gudaha UK James Cleverly iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Rwanda Vincent Biruta ayaa sheegay in dalalkooda ay iskaashi sameysteen
Qaar badan oo ka mid ah dadka aan la hadalnay ma aysan cambaareyn dowladda. Waxayse ka walwalsan yihiin inay jiri karaan caqabado maaddaama dalkan ay kooxaha xuquuqda aadanaha ku cambaareeyeen inuusan oggoleyn xoriyatul-qowlka.
Nin 42 jir ah oo maqaayad ku leh Kigali, oo BBC la hadlay isagoo qariyay magaciisa, ayaa sheegay inuu ka shakisan yahay in barnaamijkan uu dalka ka faa’iidi karo iyo in kale.
“Waxaan filayaa inay labo dhinac leedahay.
“Dhanka wanaagsan, haddii dadkan halkan la keeno, muddada dheer… waxaan noqon doonnaa dad dhaqamo kala duwan la qabsaday. Balse dhanka kale waa in dalkan uu yar yahay, dal ciriir ah oo aan fursado badan laga helynin. Maxaa ku dhici kara haddii ay ajaanibta halkan yimaadaan si ay ugu tartamaan isla fursadahan?”
Sidoo kale ma cadda in haddii sharcigan cusub lagu meel mariyo Westminster, uu muddo ku sii jiitami doono maxkamadda.
Bishii lasoo dhaafay Maxkamadda ugu Sarreysa UK ayaa makrii hore barnaamijka xukmisay inuu sharci darro yahay iyadoo ku saleysay inaan la hubin karin in Rwanda ay tahay dal saddexaad oo ammaan ah oo la geeyo magan-galyo doon nugul.
Victoire Ingabire oo ka tirsan mucaaradka ayaa arrintaas ku raacsan.
“Waxaan la yaabay in dowladda Britain ay dooneyso inay hore u riixdo heshiiskan. Waxay saxiixeen heshiis cusub, balse sida ka muuqata taariikhda xuquuqda aadanaha Rwanda waxay ka mid tahay dhibaatooyinka ay carrabaabtay Maxkamadda ugu Sarreysa. Haddii arrimaha xuquuqda aadanaha aanan lasoo hadal qaadin waxaan filayaa in heshiiskan uu wajihi doono caqabad kale oo sharciyeed,” ayay tiri.
Dowladda Rwanda ayaa sheegtay in iyada iyo UK labadaba ay muhiim u ahayd in iskaahsigooda uu ku saleysnaado Meesha ugu sarreysa ee sharciga caalamiga ah.
Waxay sidoo kale ka falcelisay sida loogu tilmaamay dal aan ammaan ahayn, iyadoo sheegtay in lacagta ay bixisay dowladda UK loo adeegsan doono hubinta in magan-galyo doonka loo dirayo Kigali si fiican loo daryeelo.
Shir jaraa’id oo Xoghayaha Arrimaha Gudaha UK James Cleverly uu Talaadadii ku qabtay Kigali, goobjoogna uu ka ahaa wasiirka arrimaha dibadda Rwanda Vincent Biruta ayaa wuxuu ku sheegay in dalkiisa uu taariikh dheer u leeyahay soo dhoweynta qaxootiga caalamka ka imaanaya, oo ay ku jiraan kuwa Afrikaanka ah eek u xannibnaa Libya haatanna ay ku sugan yihiin Rwanda si loo eego kiisaskooda magangalyo doonka.
Wuxuu ka hadlayay xerada ku meel gaarka ah ee Gashora, oo aan booqannay Khamiistii oo cimiladu ay aad u kululeyd.
Qoraalka sawirka,Berenice Nonga oo kasoo jeedda Cameroon ayaa sheegtay in Rwanda uu dal wanaagsan u yahay qaxootiga balse ay dooneyso in dib u dejin loogu sameeyo Mareykanka
Halkan way ku faraxsan tahay, balse Mareykanka ayay dib u dejin ka codsatay. Codsigeeda way ku guuleysatay waxayna rajeyneysaa inay dhaqso u tagi doonto dalkaas.
“Rwanda dhabtii way fiican tahay, waxay hoy u tahay dhammaanba qaxootiga, si fiican bay noo daryeelaan. Balse maaddaama aanan ku talogelin inaan nolosheyda ku dhammeysto Rwanda, taasi waa sababta aan u doonayo in meel kale dib u dejin la iigu sameeyo si aan cunuggeyga ugu sameeyo nolol wanaagsan.”
Iyada maaha keligeed. Ku dhowaad 2,000 oo qof oo la geeyay xerada Gashora tan iyo intii la aasaasay sanadkii 2019, midkoodna ma doonayo inuu joogo Rwanda marka la weydiiyay, waxayna doonayaan in dal kale la geeyo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Culusoow ayaa u magacaabay in uu noqdo Lataliyaha Madaxweynaha JFS ee arrimaha Dib u heshiisiinta, Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow oo horay u ahaa Lataliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Dastuurka.
Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow ayaa ka soo jeeda Xaafadda Madaxweynaha oo dawladda hadda joogtaa ay inta badan xilalka dawladda u magcaaabay beesha uu ka soo jeedo ee Hawiye
Madaxweyne Culusoow, ayaa mar uu mucaarad ku ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay Beelnimadu, isaga oo ku farxsanaa sida beel ahaan loo garab istaagay ayaa markii uu ku guulaystay hogaanka Soomaaliya wuxuu xialkii dawladda u wada magcaabay oo ilaa hadda wadaa Soomaalida ka oo jeeda Xaafaddisa ama beesha uu ka oo jeedo ee Hawiye
Waa kuma Cabdiraxmaan Kulmiye oo sirdoonka SNMsheegay ‘inuu yahay basaas ay gacanta ku dhigeen’?
Qoraal ay hay’adda ku soo daabacday boggooda X ee horay loo oron jiray Twitter, ayaa lagu sheegay in ragaasi hore u fuliyeen falal ka dhan ah jiritaanka Somaliland. Labada nin ayay ku sheegtay hay’addu magacyadooda Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye iyo Sahal Axmed Cabdilaahi.
Wax faahfaahin ah oo intaas dhaafsiisan kama aysan bixin hay’addu laba nin ee ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen.
Maxaan ka naqaan Cabdiraxmaan Kulmiye?
Cabdiraxmaan ayaa ah nin ku takhasusuay cilmiga noolaha badda iyo dhammaan kuluumeysiga.
Ciise Maxamud Dhollowaa oo saaxiib la ah isla soo shaqeyeen oo ku sugan magaalada Melbounre ee dalka Australia ayaa BBC u sheegay in uu si wanaagsan u garanayo Cabdiraxmaan.
Wuxuu sheegay in uu aqoon dheer u leeyahay Dr. Cabdiraxmaan warbixino ku saabsan cilmiga noolaha baddana uu qoray.
“Axadii la soo dhaafay ee labada bisha ayaa iigu dambeysay, waxaan ka hadalnay arrimo shaqsiyadeed, wuxuuna ii sheegay in uu hay’ado caalami ah uu la shaqeeyo”. ayuu BBC da u sheegay Ciise.
Sidoo kale wuxuu sheegay aqoonta uu u leeyahay in ay uga filan tahay inuu ku qiimeeyo shaqsiyadiisa.
“Muddo ayaan is naqaan, waxaan wada deggannahay magaalada Melbourne, Puntland waa ka soo wada shaqeynay, shaqsi ahaan ayaan u aqaan, ma ahan nin waxaas aqoon u leh,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Mar aan weydiinay waxa ay kala socaan xaaladiisa markii la xiray wuxuu Ciise noo sheegay.
“Dad aan ehel nahay oo u tagay ayaa noo sheegay in uu fiican yahay oo aysan ka muuqan wax dhibaato ah”.
BBC Somali waxay la xiriirtay hay’ada NISA ee Soomaaliya si aan wax uga waydiino kiiska loo haysto labada nin ee ay Sirdoonka Somaliland ku eedeeyeen inay basaasiin ahaayeen, balse waxay si hor dhac noogu sheegen “in aysan ragaasi ku jirin galka hay’adda NISA, baaritaanna ay ku wadaan kiiska,”
Sidoo kale xiriir aan la sameynay hayadda sirdoonka Somaliland ayaan suuragalin inaan helno.
Dadka ay qabatay hay’adda NIA
Waxaa jira dad badan oo loo haysto eedeymo kala duwan oo bishii u dambeysay ay ha’yadd NIA sheegtayt in ay soo qabatay. Qabashada Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye iyo Sahal Axmed Cabdilaahi ayaa tii ugu dambeysay ee baahisay hay’adu.
Marar kala duwan oo ay BBC isku dayday inay wax ka waydiiso qabashada dad ay ajnabi kamid yihiin oo ay sheegtay hay’addu inay gacanta ku dhigtay ayaa guul darro ku dhamaaday.
Isniitii afarta bishan December ayey sheegtay ha’yadda in ay qabatay saddex nin oo lagu eedeeyay in ay xogaha amniga Somaliland siin jireen khaatumo.
Saddaxda nin ayey magacyadoodu ku sheegtay hay’adda Cabdifitaax Cali Cabdi, Cabdifitaax Xasan Cilmi iyo Cabdirashiid Muxumad Ibraahim.
Hay’adda waxay kaloo hore u sheegtay in ay gacan ku dhigtay labo boqol oo taayar oo u badan noocyada gaadiidka dagaalka kuwaas oo loo waday dhinaca Laasacaanood.
Warar kale ee hay’adda hore u sheegtay waxaa ka mid ahaa in laba gaari oo u rarnaa Khaatumo iyo darawaldooda ay qabatay. Waxyaabaha saarnaa ma aysan faahfaahin hay’ddu.
Sidoo kale waxay hore u sheegtay in saanad militeri oo ay kamid yihiin kabo ciidan ay ku qabteen gobolka Togdheer waxayna ku sheegtay in loo waday Khaatumo.
Waxyaabaha kale ee hay’adda dhawaan ay sheegtay waxaa ka mid ah in 18 gawaari ahoo aan nambarka taarikada laheyn oo waday falal qorsheyn ay qabteen.
Baarlamanka Denmark oo ansixiyay sharci lagu mamnuucayo gubista qur’aanka
Baarlamaanka Denmark ayaa Khamiistii meel mariyay sharci dambi ka dhigaya in kitaabka Qur’aanka Kariimka ah lagu gubayo goobaha fagaarayaasha ah, si loo dejiyo carada dalalka Muslimiinta ah, kadib markii ay Denmark ka dhaceen dibadbaxyo rabshado wata, kadib markii la gubay kitaabka qur’aanka kariimka ah.
Denmark iyo Sweden ayaa sanadkan la kulmay mudaaharaadyo is daba joog ah, halkaas oo dadka uu ku jiro Islaam Naceybka ay gubeen ama si kale u dhaawaceen nuqullo ka mid ah Quraanka Kariimka, taasoo dhalisay in dawladaha Waqooyiga Yurub ay mamnuucaan dhaqankaas.
Sida uu sheegay wasiirka caddaaladda Peter Hummelgaard, in ka badan 500 oo mudaaharaadyo ah oo ay ku jiraan gubista qur’aanka kariimka ah ama calanka ayaa la diiwaan geliyay tan iyo bishii July.
“Bannaanbaxyadan oo kale waxay dhaawici karaan xiriirka Danmark la leedahay dalalka kale, danahayaga iyo ugu dambeyntii badbaadadayada,” ayuu yiri Hummelgaard.
su dheellitirto xoriyatul qawlka ee uu dastuurku ilaalinayo, oo ay ku jirto xaqa dhaleecaynta diinta, iyo amniga qaranka iyada oo laga cabsi qabo in qur’aanka la gubo ay horseedi karto ‘weerarro kaga yimaada Islaamiyiinta.’
Ugu dambeyn, waxaa Golaha loo qeybiyey Miisaaniyadda sanadka 2024, taas oo lagu wareejiyey Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada, ka dib markii Goluhu ku sameeyey akhriska 1-aad si Guddigu ugu soo sameeyo akhriska labaad, Golahana u soo gudbiyaan warbixintooda maalinta khamiista 14th Diseembar, 2023
Bahda ALLSANAAG, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan Caruurtii, Qoyskii iyo qaraabadii ay ka geeriyootay Allah ha u naxariistee eedo Saynab Maxamed Xaaji Faarax oo maalintii shalay ku geeriyootay dalka Hindiya . Waxaan si gaar ah tacsi ugu diraynaa Adeer Maxamed Warsame Awaare oo ay ahayd Xaaskiisa
Waxaanu Marxuumadda Allah uga baryayanaa inuu Janaddii Fardowsa ka waraabiyo, Qaraabadii iyo ehelkiina ay ka tagtayna samir iyo iimaan uu ka siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.
Tacsidan mid la mid ah waxa diraya Qoyska reer Cabdulaahi Uurcad
Waxaa magaalada Laascaanood ka dhacay dhacdo hadal hayn dhalisay oo ku saabsan haweeneey da’ ah oo la sheegay in Minid lagu lagu dilay.
Dhacdadaan ayaa horseedday muran ku saabsan in haweeneyda loo dilay aano qabiil sida dadka qaar ee baraha bulshada ku andacoonayeen halka kuwa kalana ay sheegeen in waxaasi aysan waxba ka jirin.
Haddaba BBC-da oo la hadashay qaar ka mid ah ehelka haweeneyda da’ada ah ee la dilay iyo qaar ka mid ah dad goobjooegyaal ku sugnaa goobta ay wax ka dhaceen ayaa waxaan isku daynay inaan wax badan ka ogaano sida ay arrintaan u dhacday.
Cilmi Baashe waxaa ayeeyo u ah haweeneyda dhimatay, waana qofkii ugu horeeyay ee ka soo gaaray ninka tooreyda ku dhuftay.
Waxa uu sheegay in dhacada xanuunka badan ay ka dhacay magaalada Laascaanood gaar ahaan guri ku yaalla xaafad lagu magacaabo Daami, dilkana uu geystay walaalkii oo sannadkii 1998-dii xanuunsaday oo dhanka dhimirka laga galay.
“Wiil aniga ila dhaashay oo waalnaa muddana ku xirnaa xarun dadka aan miyirka qabin lagu hayo oo ku taalla Laascaanood oo la yirahdo Manhal ayaa mindi meel taalay soo qaatay oo uu ku dhuftay, Marka qadartan ayaa dhacay”. ayuu Cilmi u sheegay BBC da.
Wuxuu sheegay in tooreyda uu uga dhuftay garabka, kadibna ay ku dhimatay isla goobta markii ay dhiig baxday.
“Markii ay dhacaday ayaanu ku soo orodnay goobta kadib ninkii waalnaa ee walaalkay ahaa ayaanu gacanta ku dhignay oo xirnay. Hadda xabsiga ayuu ku jiraa. Waxaan qorsheyneynay in aan dib ugu celino xarunta ,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cilmi.
Feysal Jaamac oo ah wariye madaxbanaan oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaa BBC da u sheegay inuu kamid ahaa dad ku baxay goobta markii uu falkaan dhacay.
Laba haween ah oo mid kamid ah dhashay wiilka falka gaystay ayuu sheegay inuu ugu tagay guriga iyaga oo murugeysan. Sidoo kale wuxuu sheegay in ninkaan dhimirka ka xanuunsanaa.
Xarunta Manhal oo ahayd meel lagu dabiibo dadka dhimirka ka xanuunsan ayuu sheegay inay shaqadii joojisay markii ay bilowdeen dagaaladii Somaliland iyo dadka deegaan Laascaanood u dhaxeeyay, maadaama dhismihii xarunta uu ku burburay madaafiic ku soo dhacday.
Ninkaan dilay ayeeydiis iyo dadkii lamid ka ahaa ayaa waxaa la wareegay qoysaskoodii.
Cilmi waxuu sheegay inay qorshaynayaan sidii ay xarunta oo dib loo furayo ugu celin lahaayeen.
Dhanka kale dad goob-joogeyaal ah oo daris la ahaa guriga ay dhacadu ka dhacday ayaa BBC-da u sheegay in markii ay arrinta maqleen ay ku soo kala ordeen guriga.
“Aad ayaan u aragagaxnay markaan dhacdadaan la kulanay.” Waxaa siddaas BBC-da u sheegay qof ka mid ah dadkii goobta ay dhacdadu ka dhacay tagay.
Qoyska ayaa iyaguna sheegay in xaalad aysan qiyaasi karin ay galeen marka arrintan ka dhex dhacday qoyskooda.
“Markii ay dhacdadan dhacday aad ayaan u naxay oo laba maalmood cunto way iga degi weysay marka inaga unbaa xanuunkaas dareemi karno haddii aan nahay qoyska ay dhacdadan ku dhacay ee dadka baraha bulshada wax ku qoraya ma dareemi karaan.”
Balse waxay wax laga xumaado oo niyad jabiyay ku tilmaameen wararka tibaaxaya in haweeneyda da’ada ah ee ah ayeeyo hooyadii dhashay loo dilay aano qabiil oo dadka qaar ay ku baahiyeen baraha bulshada.
“Dadka waxaas wareejinaya, ma dareemayaan dhibaatada aan mareyno oo ma damqanayaan, waxay ahayd qof ka mid ah qoyskeena ee naga dhintay marka sidee ayaad qof qoyskaaga ah aano qabiil loogu dilayaa? Waa wax aan macquul ahayn.” ayuu BBC da u sheegay Cilmi
Cilmi Baashe ayaa sidoo kale sheegay in qof waalan uusan cidna garaneyn oo hooyo, aabe iyo walalna kala aqoon marka uu wax sameynayo ama qof dilayo.
Sababta dad badan arrintaan ugu maleeyeen aano qabiil ayaa ah, in dagaalo dhexmaraan ciidmada SSC iyo Somaliland, ayeeyada dhimatayna ay ka soo jeeda Somaliland.
Haweeneydaan ayaa sid auu noo sheegay wiilka ay ayeeyada u tahay waxay dhashay laba wiil iyo afar gabdhood, oo ay kamid tahay gabadha dhashay wiilka iyada dilay. Wuxuu sheegay inay iyaga la noolayd muddo dheer oo ay hooyadood hayn jitya.
Maxaa sababay ololaha ka dhanka ah Biden ee ay wadaan Muslimiinta iyo Soomaalida Mareykanka?
Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta Maraykanka oo ka kala socda lix gobol ayaa wacad ku maray inay abaabuli doonaan bulshooyinka Islaamka si ay uga soo horjeensadaan dib u doorashada madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.
Waxaa ay sheegeen in go’aankan ay qaateen kadib markii ay arkeen in Joe Biden uu taageero u fidinayo dagaalka Israa’iil kadib dagaalka ay ku qaadday Marinka Qasa .
Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta Maraykanka sidoo kale ma aysan shaacin musharrax ay codkooda siin doonaan doorashada soo socota ee dalkaasi ee 2024-ka.
Mucaaradnimada ka imaanaysa bulshooyinkooda Muslimka ah iyo kuwa Carabta Maraykanka ah ayaa caqabad ku noqon kara waddada dib u doorashada madaxweynaha Mareykanka doorashada sanadka soo socda.
Jaylaani Xuseen oo ah Guddoomiyaha Golaha Xiriirka Maraykanka iyo Islaamka ee Minnesota (CAIR), ayaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Michigan, mar wax laga weydiiyay go’aanka ay ka qaateen ayuu ku sheegay inay “haystan qorshayaal badan oo miiska u saaran si uusan dib ugu guuleeysan Joe Biden.
“Ma taageereyno Madaxweynihii hore Donald Trump,” ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in bulshada Muslimiinta ay go’aan ka gaari doonaan musharraxa ay dhisi dooonaan doorashada soo socota .
Ololaha loogu magacdaray #AbandonBiden- ama katag Baden) ayaa billowday markii Muslimiinta Mareykanka ee Minnesota ay dalbadeen Madaxweyne Biden inuu ku baaqo xabbad-joojin, balse ololaha ayaa ku fiday gobollada Michigan, Arizona, Wisconsin, Pennsylvania iyo Florida.
Qoraalka sawirka,Dad ku baaqay in la joojiyo dagaalka Israa’iil ay ka waddo Qasa
Dowladda Maraykanka ayaa diidday in Israa’iil ay cadaadis ku saarto in ay joojiso dagaalka ay ka waddo Marinka Qasa, iyadoo Madaxwyne Biden iyo ku xigeenkiisa Kamala Harris ay ku celceliyeen in Israa’iil ay xaq u leedahay inay is difaacdo.
Mar wax laga waydiiyya xafiska Biden ololah ka dhanka ah dib u doorashadiisa ee bulshada Muslimiinta ah ay bilaabeen kama uusan jawaabin .
Muslimiinta Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in aysan fileyn in Trump uu si wanaagsan ula dhaqmi doono bulshadooda haddii dib loo doorto balse ay u arkaan diidmada Biden mid siinaysa awood muuqata oo kaalin ay kaga qaadan karaan siyaasadda Mareykanka.
Ra’yi ururin dhowaan la sameeyay ayaa muujisay taageerada Biden ee Muslimiinta iyo Carabta Ameerikaanka 17% marka la fiiriyo doorashadii hore ee uu ku guuleystay .
Waxaa jir gobollo si weyn loogu xisaabtamo codadka bulshada Muslimiinta ah waxaana ka mid ah Michigan oo doorashiidii hore dhibco fiican Biden kaga guuleystay ,waxan halkasi jaaliyadda Carabtu ka tahay 5% boqolkiiba codadka laga filayo.
Gobolka Wisconsin waxaa daggan ku dhawaad 25,000 codbixiyeyaal Muslimiin ah, waxaana doorashadii hore uu Biden ku guuleystay ku dhawaad 20,000 oo cod sida uu sheegay dhakhtar matalaya bulshada Muslimiinta ah ee gobolka.
“Waan beddeli doonnaa codka aan markii hore siinnay Joe Biden” ayuu hadalkiisa sii raaciyay
Gobolka Arizona, oo uu Biden ka helay ku dhawaad 10,500 oo cod, waxaa ku jira in ka badan 25,000 oo codbixiyeyaal Muslimiin ah sida ay shaacisay Xarunta Siyaasadda Socdaalka Mareykanka ee Jaamacadda California San Diego.
Tan iyo markii uu biloowday dagaalka Israa’iil iyo Xamaas bulshada Muslimiinta ee ku sugan Mareykanka ayaa waday qorshah ay kaga soo horjeedaan dagaalka ka dhan ah israa’iil oo ay ku dhinteen dad ka badan 10 kun oo qof reer Falastiin ah .