27th July 2024  admin  Category :

Guryaha ay Rwanda u diyaarisay muhaajiriinta ay Muslimiintu ka mid yihiin ee UK laga soo celinayo

Toddobaadkan, Rwanda ayaa udub-dhexaad u ahayd dood ka dhex taagneyd siyaasadda UK oo ku aaddan inuu shaqeyn karo isku daygii ugu dambeeyay ee dowladda ay ku dooneyso in qaar ka mid ah magan-galyo doonka la geeyo dalkan Bariga Afrika ku yaalla. Balse sidee ayay dadka Rwanda u arkaan barnaamijkan, waana sidee guryaha loo diyaariyay muhaajiriinta?

Deegaanka ay ku yaallaan guryahan Hope Hostel waa meel doog ah.

Qolalkeeda ka kooban 50-ka si joogto ah ayaa loo nadiifiyaa, suuliyo iyo dacas ayaa loo sii diyaariyay dadka aan weli imaan. Waxay ku yaallaan deegaanka qurxoon ee Kagugu oo ka tirsan caasimadda Rwanda ee Kigali, aqalka madaxtooyada waxaad ka daawan kartaa balakoonnada qolalka.

Sanadkii lasoo dhaafay, ayaa lasoo jeediyay inay martigeliso maganglyo-doonka laga soo celinayo Britain.

Waxay leedahay 50 qolal ah waxayna qaadi karaan ilaa 100 qof.

Qur’aan iyo salliyada lagu tukado ayaa ku diyaarsan qol walba.

Ismail Bakina, oo ah maamulaha guryahan, ayaa sheegaya in loo sheegay in qaar badan oo ka mid ah dadka cusub ay ahaan doonaan Muslimiin kasoo jeeda Bariga Dehexe ayna doonayaan inay gutaan waajibaadkooda diimeed.

Dhammaanba calaamadaha ku xardhan hareeraha guryaha waxaa lagu qoray luqadaha Ingiriiska iyo Carabiga.

Maqaayadda waxaa ku dheggan boor ay ku qoran tahay Xalaal. Labo qol oo lagu tukado ee ku yaalla dabaqyada korkooda waa meel qurxoon oo laga daawan karo buuraha cagaaran ee Kigali.

Rwanda
Qoraalka sawirka,Qeybta soo dhoweynta oo isu diyaarinaya martida ugu horreysa

Shaqaalaha BBC ayaa booqday guryahan sanad kahor iyadoo loo diyaarinayay inay qaabilaan dadka ugu horreeya ee laga keenayo UK. Haatan, sanad iyo bar kaddib, weli waa cidlo.

Waxay qeyb ka yihiin waxa aan haatan ognahay ee £240m ($300m) oo ah bixisay UK qeybna ka ah heshiiska dib u dejinta magan-galyo doonka ee ay la gashay Rwanda.

Qaxootiga ayaa lakala dooransii doonaa inay sii joogaan Rwanda amaba dal kale dib u dejin loogu sameeyo.

Weriye Providence Uwase oo 25 jir ah way ku faraxsan tahay arrintan waxayna u maleyneysaa in heshiisku uu u wanaagsanaan karo Rwanda.

“Lacag ayaa lagu harqiyay dalka. Xusuusnow UK waxay hore u bixisay qeybtii ugu horreysay, taasoo gacan ka geysan karta koboca dhaqaalaha halkan,” ayay u sheegtay BBC.

“Xaqiiqda ah in Rwanda ay aqbaleyso magan-galyo doonka, waxay wax ka beddeli kartaa fekerka taban ee laga qabo dalkan.”

Balse qof walba oo kale kuma raacsa ra’yigan.

Rwanda
Qoraalka sawirka,Xoghayaha Arrimaha Gudaha UK James Cleverly iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Rwanda Vincent Biruta ayaa sheegay in dalalkooda ay iskaashi sameysteen

Qaar badan oo ka mid ah dadka aan la hadalnay ma aysan cambaareyn dowladda. Waxayse ka walwalsan yihiin inay jiri karaan caqabado maaddaama dalkan ay kooxaha xuquuqda aadanaha ku cambaareeyeen inuusan oggoleyn xoriyatul-qowlka.

Nin 42 jir ah oo maqaayad ku leh Kigali, oo BBC la hadlay isagoo qariyay magaciisa, ayaa sheegay inuu ka shakisan yahay in barnaamijkan uu dalka ka faa’iidi karo iyo in kale.

“Waxaan filayaa inay labo dhinac leedahay.

“Dhanka wanaagsan, haddii dadkan halkan la keeno, muddada dheer… waxaan noqon doonnaa dad dhaqamo kala duwan la qabsaday. Balse dhanka kale waa in dalkan uu yar yahay, dal ciriir ah oo aan fursado badan laga helynin. Maxaa ku dhici kara haddii ay ajaanibta halkan yimaadaan si ay ugu tartamaan isla fursadahan?”

Sidoo kale ma cadda in haddii sharcigan cusub lagu meel mariyo Westminster, uu muddo ku sii jiitami doono maxkamadda.

Bishii lasoo dhaafay Maxkamadda ugu Sarreysa UK ayaa makrii hore barnaamijka xukmisay inuu sharci darro yahay iyadoo ku saleysay inaan la hubin karin in Rwanda ay tahay dal saddexaad oo ammaan ah oo la geeyo magan-galyo doon nugul.

Victoire Ingabire oo ka tirsan mucaaradka ayaa arrintaas ku raacsan.

“Waxaan la yaabay in dowladda Britain ay dooneyso inay hore u riixdo heshiiskan. Waxay saxiixeen heshiis cusub, balse sida ka muuqata taariikhda xuquuqda aadanaha Rwanda waxay ka mid tahay dhibaatooyinka ay carrabaabtay Maxkamadda ugu Sarreysa. Haddii arrimaha xuquuqda aadanaha aanan lasoo hadal qaadin waxaan filayaa in heshiiskan uu wajihi doono caqabad kale oo sharciyeed,” ayay tiri.

Dowladda Rwanda ayaa sheegtay in iyada iyo UK labadaba ay muhiim u ahayd in iskaahsigooda uu ku saleysnaado Meesha ugu sarreysa ee sharciga caalamiga ah.

Waxay sidoo kale ka falcelisay sida loogu tilmaamay dal aan ammaan ahayn, iyadoo sheegtay in lacagta ay bixisay dowladda UK loo adeegsan doono hubinta in magan-galyo doonka loo dirayo Kigali si fiican loo daryeelo.

Shir jaraa’id oo Xoghayaha Arrimaha Gudaha UK James Cleverly uu Talaadadii ku qabtay Kigali, goobjoogna uu ka ahaa wasiirka arrimaha dibadda Rwanda Vincent Biruta ayaa wuxuu ku sheegay in dalkiisa uu taariikh dheer u leeyahay soo dhoweynta qaxootiga caalamka ka imaanaya, oo ay ku jiraan kuwa Afrikaanka ah eek u xannibnaa Libya haatanna ay ku sugan yihiin Rwanda si loo eego kiisaskooda magangalyo doonka.

Wuxuu ka hadlayay xerada ku meel gaarka ah ee Gashora, oo aan booqannay Khamiistii oo cimiladu ay aad u kululeyd.

Rwanda
Qoraalka sawirka,Berenice Nonga oo kasoo jeedda Cameroon ayaa sheegtay in Rwanda uu dal wanaagsan u yahay qaxootiga balse ay dooneyso in dib u dejin loogu sameeyo Mareykanka

Berenice Nonga oo 42 jir ah waxay ka mid tahay dadka deggan Rwanda.

Halkan way ku faraxsan tahay, balse Mareykanka ayay dib u dejin ka codsatay. Codsigeeda way ku guuleysatay waxayna rajeyneysaa inay dhaqso u tagi doonto dalkaas.

“Rwanda dhabtii way fiican tahay, waxay hoy u tahay dhammaanba qaxootiga, si fiican bay noo daryeelaan. Balse maaddaama aanan ku talogelin inaan nolosheyda ku dhammeysto Rwanda, taasi waa sababta aan u doonayo in meel kale dib u dejin la iigu sameeyo si aan cunuggeyga ugu sameeyo nolol wanaagsan.”

Iyada maaha keligeed. Ku dhowaad 2,000 oo qof oo la geeyay xerada Gashora tan iyo intii la aasaasay sanadkii 2019, midkoodna ma doonayo inuu joogo Rwanda marka la weydiiyay, waxayna doonayaan in dal kale la geeyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*