26th July 2024  admin  Category :

Maxay tahay sababta Laascoonood middi loogu dilay ayeeyo Soomaaliyeed oo 75 jir ah?

Waxaa magaalada Laascaanood ka dhacay dhacdo hadal hayn dhalisay oo ku saabsan haweeneey da’ ah oo la sheegay in Minid lagu lagu dilay.

Dhacdadaan ayaa horseedday muran ku saabsan in haweeneyda loo dilay aano qabiil sida dadka qaar ee baraha bulshada ku andacoonayeen halka kuwa kalana ay sheegeen in waxaasi aysan waxba ka jirin.

Haddaba BBC-da oo la hadashay qaar ka mid ah ehelka haweeneyda da’ada ah ee la dilay iyo qaar ka mid ah dad goobjooegyaal ku sugnaa goobta ay wax ka dhaceen ayaa waxaan isku daynay inaan wax badan ka ogaano sida ay arrintaan u dhacday.

Cilmi Baashe waxaa ayeeyo u ah haweeneyda dhimatay, waana qofkii ugu horeeyay ee ka soo gaaray ninka tooreyda ku dhuftay.

Waxa uu sheegay in dhacada xanuunka badan ay ka dhacay magaalada Laascaanood gaar ahaan guri ku yaalla xaafad lagu magacaabo Daami, dilkana uu geystay walaalkii oo sannadkii 1998-dii xanuunsaday oo dhanka dhimirka laga galay.

Laascaanood

“Wiil aniga ila dhaashay oo waalnaa muddana ku xirnaa xarun dadka aan miyirka qabin lagu hayo oo ku taalla Laascaanood oo la yirahdo Manhal ayaa mindi meel taalay soo qaatay oo uu ku dhuftay, Marka qadartan ayaa dhacay”. ayuu Cilmi u sheegay BBC da.

Wuxuu sheegay in tooreyda uu uga dhuftay garabka, kadibna ay ku dhimatay isla goobta markii ay dhiig baxday.

“Markii ay dhacaday ayaanu ku soo orodnay goobta kadib ninkii waalnaa ee walaalkay ahaa ayaanu gacanta ku dhignay oo xirnay. Hadda xabsiga ayuu ku jiraa. Waxaan qorsheyneynay in aan dib ugu celino xarunta ,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cilmi.

Feysal Jaamac oo ah wariye madaxbanaan oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaa BBC da u sheegay inuu kamid ahaa dad ku baxay goobta markii uu falkaan dhacay.

Laba haween ah oo mid kamid ah dhashay wiilka falka gaystay ayuu sheegay inuu ugu tagay guriga iyaga oo murugeysan. Sidoo kale wuxuu sheegay in ninkaan dhimirka ka xanuunsanaa.

Xarunta Manhal oo ahayd meel lagu dabiibo dadka dhimirka ka xanuunsan ayuu sheegay inay shaqadii joojisay markii ay bilowdeen dagaaladii Somaliland iyo dadka deegaan Laascaanood u dhaxeeyay, maadaama dhismihii xarunta uu ku burburay madaafiic ku soo dhacday.

Ninkaan dilay ayeeydiis iyo dadkii lamid ka ahaa ayaa waxaa la wareegay qoysaskoodii.

Cilmi waxuu sheegay inay qorshaynayaan sidii ay xarunta oo dib loo furayo ugu celin lahaayeen.

Dhanka kale dad goob-joogeyaal ah oo daris la ahaa guriga ay dhacadu ka dhacday ayaa BBC-da u sheegay in markii ay arrinta maqleen ay ku soo kala ordeen guriga.

“Aad ayaan u aragagaxnay markaan dhacdadaan la kulanay.” Waxaa siddaas BBC-da u sheegay qof ka mid ah dadkii goobta ay dhacdadu ka dhacay tagay.

Cilmi Baashe oo ayeeyo u tahay haweeneyda 70-jirka ee la dilay ayaa BBC-da uga warramay sida ay wax u dhaceen.

Qoyska ayaa iyaguna sheegay in xaalad aysan qiyaasi karin ay galeen marka arrintan ka dhex dhacday qoyskooda.

“Markii ay dhacdadan dhacday aad ayaan u naxay oo laba maalmood cunto way iga degi weysay marka inaga unbaa xanuunkaas dareemi karno haddii aan nahay qoyska ay dhacdadan ku dhacay ee dadka baraha bulshada wax ku qoraya ma dareemi karaan.”

Balse waxay wax laga xumaado oo niyad jabiyay ku tilmaameen wararka tibaaxaya in haweeneyda da’ada ah ee ah ayeeyo hooyadii dhashay loo dilay aano qabiil oo dadka qaar ay ku baahiyeen baraha bulshada.

“Dadka waxaas wareejinaya, ma dareemayaan dhibaatada aan mareyno oo ma damqanayaan, waxay ahayd qof ka mid ah qoyskeena ee naga dhintay marka sidee ayaad qof qoyskaaga ah aano qabiil loogu dilayaa? Waa wax aan macquul ahayn.” ayuu BBC da u sheegay Cilmi

Cilmi Baashe ayaa sidoo kale sheegay in qof waalan uusan cidna garaneyn oo hooyo, aabe iyo walalna kala aqoon marka uu wax sameynayo ama qof dilayo.

Sababta dad badan arrintaan ugu maleeyeen aano qabiil ayaa ah, in dagaalo dhexmaraan ciidmada SSC iyo Somaliland, ayeeyada dhimatayna ay ka soo jeeda Somaliland.

Haweeneydaan ayaa sid auu noo sheegay wiilka ay ayeeyada u tahay waxay dhashay laba wiil iyo afar gabdhood, oo ay kamid tahay gabadha dhashay wiilka iyada dilay. Wuxuu sheegay inay iyaga la noolayd muddo dheer oo ay hooyadood hayn jitya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*