26th July 2024  admin  Category :

Baarlamanka Puntland oo muddada kororsaday

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 12-aad ee Kalfadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Ugu horeyn, waxaa Goluhu isla qaatay in fadhigu sii socdo inta laga dhammaystirayo ajandayaasha Golaha horyaal.

Intaas kadib, waxaa Golaha loo qeybiyey go’aanka Guddiga Beesha Dhulbahante ee Xalinta Khilaafka Siyaasadeed ee Puntland, waxaana Goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey go’aankaas oo kala ahaa:

1. In la ilaaliyo nabadgalyada iyo xalisoonida Puntland, cidwalibana ka qaadato kaalinta kaga aaddan.

2. In doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka lagu qabto waqtigeedii sida caadada u ahayd Puntland 08-01-2024.

3- In Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ay doortaan baarlamaanka 5-aad ee Puntland ee hadda jira.

4. In Baarlamaanka Puntland ee hadda jira ee muddo xileedkoodu ku eeg yahay 31-12-2023 dib loo dhigo doorashadooda muddo 12 bilood ah.

5. Xukuummadda Puntland ee la doorto, guddiga doorashooyinka Puntland iyo Xisbiyadda siyaasadeed waa in diyaariyaan doorashada Baarlamaanka ee qof iyo cod muddo 12 bilood gudahood ah.

6. Guddiga doorashooyinka Puntland waa inay dhammaystiraan doorashooyinkii golayaasha deegaannada ee degmooyinkii hadhsanaaa.

Ugu dambeyn, waxaa Golaha loo qeybiyey Miisaaniyadda sanadka 2024, taas oo lagu wareejiyey Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada, ka dib markii Goluhu ku sameeyey akhriska 1-aad si Guddigu ugu soo sameeyo akhriska labaad, Golahana u soo gudbiyaan warbixintooda maalinta khamiista 14th Diseembar, 2023

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*