28th March 2024  admin  Category :

Jidkii ay Mariyeen Juxa ayey ku wadaan Cawad. Haddii Shaqada Juxa looga eryey Juxa Aagaasime Beelaha Muqdisho ka soo jeeda oo ka amar qaadan waayey, maanta Wasiirul dawle ka soo jeeda isla beelihii ayaa diidan xil wasiirka arimaha dibadda

Khilaaf in muddo ah soo jiitamayay oo u dhaxeeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda C/qaadir Axmed Kheyr Cabdi oo ka soo jeeda beesha reer Aw xasan, ayaa soo shaac baxay, kaddib markii labada Wasiir ay soo kala saareen warqado is burinaya.

https://allsanaag.com/8979-2/

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda C/qaadir Axmed Kheyr ayaa soo saaray warqad uu ku magacaabay Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Shirwac C/llaahi Ibraahim, kuna gudbinayo saxiixiisa howlaha maamulka iyo maaliyadda Wasaaradda, isagoo ku socodsiiyay warqada Xisaabiyaha Guud, halka uu ku ogeysiiyay Bankiga Dhexe Wasaaradda Maaliyadda iyo Hanti dhowrka.

Intaas kaddib Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa soo saaray warqad burin iyo magacaabid ah in Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda inuu weli yahay Saacid Aadan Jaamac, sidaas darteed ku faray in lala socdo.

Sidoo kale Wasiir Cawad ayaa ku tilmaamay sifo aan sharci aheyn warqada uu soo saaray Wasiiru dowlaha ee magacaabidda iyo gudbinta saxiixa agaasimaha cusub.

Arrintan ayaa u muuqata mid labada Wasiir ku isticmaalayaan awoodahooda, marka loo eego halka ay ku tiirsan yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa aad ugu dhow Madaxweyne Farmaajo oo uu si toos ugu xiran yahay, sidoo kale Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda C/qaadir Axmed Kheyr ayaa awood badan ka heysta Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin oo ay ehel dhow yihiin.

Halkan hoose ka akhriso warqadaha is burinaya ee ay soo kala saareen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiiru dowlaha:-

https://allsanaag.com/madaxda-daarood-iyo-awoodooda-muqdisho/

https://allsanaag.com/wasiirka-arimaha-gudaha-df-somalia-oo-lagu-eedeeyey-aragtidiisa-ku-aadan-federaalka/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*