25th October 2024  admin  Category :

Wasiirka arimaha gudaha DF Somalia oo lagu eedeeyey aragtidiisa ku aadan Federaalka

Sawirku waa  Wasiir Juxa oo dhex lugaynaya degmada Badhan

MUQDISHU, Somalia– Kadib markii maalintii shaley 22/07/2017 Wasiirka arimaha gudaha dowlada Federaalka Somalia Cabdi Farax Siciid shaqo joojin ku sameeyey Xoghayaha joogtada ee wasaarada kadib markii lagu eedeeyey howlo la xiriira ku xadgudub awoodeed ayaa waxaa kasoo baxaya sababta diidmada go’aanka Wasiirka Warar kala duwan.

Go’aanka Wasiirka arimaha gudaha shaqada kaga joojiyey Agaasimaha guud ayaa waxa ka horyimid Wasiiru dowlaha Wasaarada iyo ku xigeenkiisa kuwasoo qoraal ku soo saarey inuu ahaa mid khaldan.

Warsidaha GO ayaa ogaadey in markii Wasiirka arimaha gudaha shaqada ka joojiyey xoghayihiisa joogtada in Mudane Cabdi Farax Siciid iyo labada ku xigeen kulan la qaateen Rai’sal wasaraha Somalia Xasan Cali Khayre kaa soo lagaga hadlay go’aanka Wasiirka.

Ra’isal wasaraha Somalia ayaa sida Wararka Garowe Online ka helayo Ilo lagu kalsoon yahay  ka codsadey mas’uuliyiintaan in xaalada qaboojiyaan xal-na ka gaaraan balse tageerin go’aanka Wasiirka shaqada kaga joojiyey agaasimaha guud.

Intii kulan lagu guddo jirey ayaa sida warsidaha GO fahansan yahay Wasiiru dowlaha Cabdulahi Farax Weheliye waxa uu ku eedeeyey Wasiirka arimaha gudaha in Wasaarada uu ku higaamiyo fikrad ku saleysan nidaamka Federaalka taasoo ka duwan siyaasadihii horey loogu dhaqmi jirin.

Hadalka Wasiiru dowlada oo u muuqdey mid siyaasdeysan ayaa Ra’isal wasare Khayre ka jawaabin halka wasiir Juxa uusan goobta waxba ka oran isagoo u sheegey mas’uuliyiintii goobta joogtey in go’aankiisu yahay mid aan laga noqon doonin.

Hadaba sida Wararka lagu helayo Wasiir ku xigeenka wasaarada iyo wasiiru dowlaha ayaa qoraalada ay ku diidan yihiin go’aanka Wasiirka soo saarey kadib kulankii Ra’isal wasaraha kaga codsadey mas’uuliyiintaan in xaalada la dajiyo.

Warsidaha GO oo la hadlay qaar ka tirsan xildhibaanada Barlamanka Federalka Somalia kuwasoo daneynaya arintaan ayey u shegeeen ineysan jirin sabab agaasimaha shaqada laga fariisiyey ugu hogaansami waayo go’aanka Wasiirka madaama dhacdoiyin noocaan ah horey  uga dhaceen wasaraado kale bilihii lasoo dhaafey kuwasoo kamid ahaayeen wasaarada warfaafinta, wasaarada hanweenka, wasaarada shaqada iyo shaqaalaha, wasaarada boostada isgaarsiinta kuwasoo gabi ahaan wasiiradii loo magacaabey shaqada ka fariisiyeen Xoghaya-yaashii joogtada ahaa iyagoo islamarkaana heley tageerada ama barakada (Blessing) Raisala wasare Khayre.

Agaasimaha shaqada laga fariisiyey oo heyb ahaan is xigaan Ra’isal wasare Khayre ayaa wararku sheegayaan in sadexdii bilood ee ugu dambeysay uu u dhaqmayey sida Inuu wasaarada  ka yahay Wasiir taasoo dareenkeeda qabeen dhamaan dadka la socda shaqada wasaarada.

Ma jiraan dhinaca kale warar cadeeynaya in Ra’isal wasare Khayre wax ka og-yahay diidmada Agaasimaha guud ee wasaarada iyo qoraalada ku xigeenada wasiirka ku diideen go’aanka shaqo ka joojinta Xoghayaha.

Hoos ka akhri qoraalada Wasiiru dowlaha wasaarada arimaha gudaha iyo ku xigaanka ku diideen go’aanka Wasiir Juxa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*