26th July 2024  admin  Category :

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dawladda Federaalka Cabdi Faarax Juxa ayaa xil ka qaadis ku sameeyey xoghayaha joogtada ee wasaaradaas, waxaana lagu eedeeyey xoghaya inuu ku kacay hawlo ah awood maroorsi.

Waxaa xaqiiq ah in wasiir Juxa uu awood u leeyahay inuu ka qaado xilka xoghayaha maadaama uu u arkay inuu yahay shaqsi ku tagrifalay awood uusan laheen.

Hase ahaatee, waxaa arrintii ka dhigay mid fawda ah oo ka hor yimid Wasiiru Dawlaha Wasaarada Arrimah Gudaha iyo Wasiir ku Xiggeenka oo iyagu u arka in wasiir Juxa uu cidna ka ceerin karin shaqada. Balse, haddii dawladnimo dhab ah la rabo waa in wasiiru dawlahan iyo wasiir ku xigeenka labadaba shaqada laga ceeriyaa maadaama ay ku kaceen fal dadka iska hor keenaya oo aan munaasib aheen.

HADABA, WAXAAN EEGNAA SIDA RA’IISAL WASAARAHA UU U MAAMULO MURANKA KA DHEX TAAGAN WASAARADA ARRIMAH GUDAHA. KHAYRE MA INA ADEERKII OO SHAQADA LAGA QAADAY AYUU TAAGEERI DOONAA, MISE WASIIR JUXA GO’AANKIISA? MAXAA LA GUDBOON JUXA HADDII RA’IISAL WASAARAHA UU XALLIN WAAYO ARRINTAN?

Image result for ra'iisal wasaaraha cusub ee soomaaliya

https://youtu.be/rrKFjCh52fI

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*