28th March 2024  admin  Category :

PUNTLAND OO WALAAC KA MUUJISAY MALEESHIYO BEELEEDYADA LOO TABABARAYO DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Dowladda Puntland ayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku eedaysay, in ay dhisayso ciidamo hal dhinac ka raran oo aan isu’ dheelli tirnayn, islamarkaana Khatar ku ah Amniga iyo Xasiloonida dalka.

War-muriyeedkii shalay ka soo baxay Shirkii Garoowe, ayaa qodob kamid ah lagu xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay baal-martay Heshiiskii dhismaha Ciidan Qaran oo la saxiixay sannadkii 2017, kaasi dhigayay in dalka loo dhiso Ciidamo Qaran oo midaysan.

Wuxuu Shirweynuhu walaac ka muujiyey in ay dowladdu dhiseyso ciidan dhinac u raran oo aan isu’dheelii tirnayn khatarna ku noqon kara Amniga,  Xasiloonida iyo Wadajirka dalka” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Shirweynaha Wada-tashiga Puntland.

Sidoo kale, Qoraalkaas ayaa lagu sheegay in Shirweynuhu xukuumadda Puntland ugu baaqayo, in ay la-xisaabtan adag la gasho dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha ku gacan-siiya Tababarka ciidamada, si wax looga weydiiyo Ciidamada halka dhinac ah ee la hubaynayo.

Xukuumadda Puntland, waxay marar kala duwan ku cel-celisaa, in Hannaanka Tababaridda iyo Qalabeynta Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, uu yahay mid dhinac u raran oo Beelo gaar ah la hubaynayo, balse uusan ahayn mid lagu dhisayo Ciidamo Qaran oo midaysan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*