25th October 2024  admin  Category :

Duduble , Shanta Caleemood iyo Hilibi  oo diiday agaasime xilkii laga qaaday iyaga oo ku sababeeyey in Daarood xilka ka qaaaday

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa, ayaa xilkii ka qaaday Xoghayihii Joogtada  ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Yaxye Cali Ibraahim. ka dib markii xilkiisii gudan waayey.

Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya  markii uu soo saaray warqad shaqada looga fariisinayo agasimahan xilkiisa gudan waayey oo wasaaraddiisii   curyaamiyey Yaxye Cali Ibraahim, oo ka soo jeeda beesha Hilibi, Murusade ee Hawiye   ayaa warqad kale waxa ka soo dab qoray Wasiiru dowlaha iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo  ay kaga soo hor-jeedaan  xil ka qaadistaas, kuna tilmaamay in  Reer Puntland ay arintan wadato.

Warqada ka soo baxday Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha C/llaahi Faarax Wehliye, oo ka soo jeeda beesha Hawiye, Duduble , ayaa lagu tilmaamay inay sharci darro tahay shaqo joojinta iyo magacaabista Xoghayaha Joogtada KMG ee Wasaaradda.

Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in magacaabista iyo xil ka qaadista Xoghaye Joogto ay u baahan tahay in la marsiiyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo agaasimaha ay Beel ka soo wada jeedaan

Sidoo kale sidii caadadu ahayd iyo isbahaysiga Mooryaanimada ku dhisnaa,  ayaa  Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Sheekh Maxamed Nuur, oo ka soo jeeda Beesha Digil, shanta Caleemood ,  isna ka soo horjeestay xil ka qaadista uu sameeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Mr Juxa, isagoo ku tilmaamay inay tahay mid sharci darro ah oo aan waafaqsaneyn dastuurka

Hoos ka akahriso labaddii warqadood oo ay soo kala saareen Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya iyo Wasiiru dowlaha

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*