Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ka joojiyay Ruushka xubinimadii golaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ( UN’s Human Rights Council (UNHRC), sababo la xiriira Warbixinada ku saabsan xaquuqda bani aadamka oo Ruushku ka xadgubayo dalka Ukrain ee uu ku soo duulay.
Mooshinka oo Qaramada midoobey ay hor keentay safiirka Maraykanka Linda Thomas-Greenfield ayaa waxa ka codeeyey Ruushka 93: waxa ka aamusay 58: waxa diiday : 24 in favor: 93 Abstained: 58 Against: 24
Ketanji Jackson oo noqotay haweenaydii ugu horraysay ee madaw ah oo ku biirtay maxkamadda sare ee Maraykanka.
Golaha Senate-ka ee Mareykanka ayaa haweenaydii ugu horraysay ee madaw ah u ansixiyey inay noqoto garsoore rasmiya oo ka tirsan maxkamadda sare ee dalka Maraykanka. Codbixin ka dhacday golaha Senate-ka oo ay goobjoog ka ahaayeen dhammaan 100-ka xubnood ee golahaasi ka kooban yahay, ayaa 53 Senator oo ka mid ahi waxay ogolaadeen ama ansixiyeen in Ketanji Brown Jackson ay noqoto garsoore ka tirsan maxkamadda sare, halka 47 Senator oo kalena ay ka soo horjeesteen.
In a historic move, the Senate has confirmed Judge Ketanji Brown Jackson’s nomination to the Supreme Court. Watch the moment Democrats gave a standing ovation while some GOP members walked out of the chamber. pic.twitter.com/gkUd2dHpL7
. Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Kamala Harris, oo ah gabadhii ugu horaysay ee Madow ee xilkaa qabata ayaa shirka Golaha aqalka sare gudoominaysay.
I can’t stop watching this six second video of Ketanji Brown Jackson moments after her history-making confirmation to the US Supreme Court pic.twitter.com/MYMjiCwJXQ
Jubbaland oo taageertay go’aankii uu RW Rooble ku caydhiyey wakiilka Midawga Afrika
Dawlad goboleedka Jubbaland ayaa taageertay go’aankii ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu dalka uga caydhiyey wakiilka Midawga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira, inkasta oo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka horyimi go’aanka ra’iisal wasaaraha.
Halkan hoose ka akhriso warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiiska madaxtooyada ee Jubbaland.
“Dowlada Jubaland waxay soo dhawaynaysaa go’aanka masiiriga ah ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka gaartay Danjirahii hore ee Midowga Afrika Francisco Madeira, oo dalka laga caydhiyay kadib markii uu ku xadgudbay arimaha gudaha ee dalkeena taas oo xad gudub ku ah xeerarka Caalamiga ah ee diblomaasiyada kana baxsan shaqadii loo igmaday.
Inta uu madaxa ka ahaa howlgalka midowga afrika ee AMISOM Madeira, waxaa uu si dulaalnimo ah uga dhex shaqaynayay siyaasada gudaha ee dalkeena isagoo ku milmay xadhig jiidka siyaasada ee ka dhexeeya dadka Soomaaliyeed.
Sidoo kale Francisco Madeira, waxaa uu qeyb ka ahaa duulaankii qaawana ee Madaxweynaha Xiligiisu dhamaaday uu kusoo qaaday Jubaland sidoo kale waxaa uu ka horyimid heshiiskii Dowlada Jubaland iyo siyaasyiintii tabashada ka qabay Doorashooyinka 2019ka ee Jubaland si qulqulatooyinka iyo kala aragti duwanaanta dadka ree Jubaland aan xal looga gaarin.
Sidoo kale waxaa uu in mudo ah ka caga jiidayay howlgalada ay qaadi jireen Ciidamada AMISOM isagoo meelo badan oo dalka kamid ahna ka saaray Ciidamadii joogay si ay dib ugu qabsadaan kooxaha argagixisada ah.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa wakiil uga ah shacabka Soomaaliyeed hirgalinta himilooyinka iyo danaha Ummada inta lagu guda jiro xiligan kala guurka ah.” ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Jubaland.
Ku-simaha Madaxweynaha Puntland ayaa Munaasabadda kaga dhawaaqay in maamulku qaadatay go’aanka guddigu soo saaray, waxa uu sheegay in lagu shaqayn doono, isla markaana ciddii ka hortimaada la iska qaban doono, Dowlad iyo shacabba.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa u mahadceliyay Mas’uuliyiinta kala duwan ee howsha nabadaynta kasoo shaqeeyay sida Isimada, Guddiyada, Ergada laba dhinac iyo Masuuliyiinta kale ee Dowlad.
Shirkaan waxaa ka qayb-galay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee baarlamaanka Puntland Abukaate Cabdicasiis Cabdillaahi Cismsan, Isimmo wasiiro ka tirsan dowlad, Nabdoono, Guddiga dhexdhexaadinta, Culimaa’udiin iyo Mas’uuliyiin kale.
Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa ka qayb galay munaasabadda gunaanadka shirka nabadaynta beelaha walaala ah ee dirirtu ku dhex martay deegaanada Saax-maygaag iyo Sangajabiye.
Guddiga nabadeynta howshan loo xil saaray ayaa Madaxweyne Ku-xigeenka iyo guud ahaanba munaasabadda la wadaagay go’aamada lagu heshiiyay oo faahfaahsan.
Ku-simaha Madaxweynaha Puntland ayaa Munaasabadda kaga dhawaaqay in maamulku qaadatay go’aanka guddigu soo saaray, waxa uu sheegay in lagu shaqayn doono, isla markaana ciddii ka hortimaada la iska qaban doono, Dowlad iyo shacabba.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa u mahadceliyay Mas’uuliyiinta kala duwan ee howsha nabadaynta kasoo shaqeeyay sida Isimada, Guddiyada, Ergada laba dhinac iyo Masuuliyiinta kale ee Dowlad.
Shirkaan waxaa ka qayb-galay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee baarlamaanka Puntland Abukaate Cabdicasiis Cabdillaahi Cismsan, Isimmo wasiiro ka tirsan dowlad, Nabdoono, Guddiga dhexdhexaadinta, Culimaa’udiin iyo Mas’uuliyiin kale.
Carruur Soomaali ah oo lagu la’ yahay magaalada Qaahira
Waxaa wali la baadigoobayaa laba wiil oo ka mid ah saddex carruur Soomaali ah oo la waayay maalintii Talaadada, waxaana carruurtan ay da’doodu tahay 12 jir iyo 14 jir, iyadoo ay ugu war dambeysay markii ay iskuulka aadeen.
Mid ka mid ah saddexda carrurta ah oo ahayd gabar ayaa la helay habeenkii xalay iyadoo bedqabta.
Laamaha amniga ee magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa wali ku jira baadigoobka labada wiil ee wali maqan, sida u uku soo warramayo wariyaha VOA-da ee magaalada Qaahira Xuseen Cismaan Saxnuuni.
Hoos ka dhegayso cod laga duubay danjire Madeira ” qaraxa Beledweyn waa la buun buuninayaa ee wax weyn ma aha”
EXCLUSIVE: In a secret audiotape, the expelled AU SRCC @AmbFMadeira infuriates PM @MohamedHRoble and fully endorses the use of military power by the expired president @M_Farmaajo. This substantiates Roble's decision to PNG Madeira & elicits further investigation into his conducts pic.twitter.com/pSW1vf7RWL
Ma jiro ogolaansho uu bixiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Maxamed Farmaajo tallaabo looga qaadayo Danjire Madeira, mana jirto warbixin ay soo gudbisay Wasaaradda Arimaha Dibadda oo tilmaamaysa inuu ku kacay ficillo ka hor imaanaya madaxbannaanida dalka
Dowladda Soomaaliya ayaa u aqoonsatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira in uu yahay shakhsi aan dalka laga rabin.
Francisco Madeira ayaa lagu eedeeyey inuu ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqada uu dalkaan u joogo oo ah Wakiilka Midowga Afrika, waxayna fareysaa in uu 48 saac gudahood dalka uga baxo.
Go’aankaan wuxuu ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, “Waxaan soo dhoweeneynaa howlgalka cusub ee ATMIS, waxaana sugyenaa inaan la shaqeyno madaxa cusub ee howlgalka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.
Dhowr bilood ka hor dowladda Soomaaliya ayaa dalka sidaan oo kale uga cayrisay ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo, kaas oo 4-tii bishii 11-aad 2021-kii, lagu amray inuu dalka isaga baxo.