27th April 2024  admin  Category :

Jubbaland oo taageertay go’aankii uu RW Rooble ku caydhiyey wakiilka Midawga Afrika

Dawlad goboleedka Jubbaland ayaa taageertay go’aankii ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu dalka uga caydhiyey wakiilka Midawga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira, inkasta oo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka horyimi go’aanka ra’iisal wasaaraha.

Halkan hoose ka akhriso warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiiska madaxtooyada ee Jubbaland.

“Dowlada Jubaland waxay soo dhawaynaysaa go’aanka masiiriga ah ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka gaartay Danjirahii hore ee Midowga Afrika Francisco Madeira, oo dalka laga caydhiyay kadib markii uu ku xadgudbay arimaha gudaha ee dalkeena taas oo xad gudub ku ah xeerarka Caalamiga ah ee diblomaasiyada kana baxsan shaqadii loo igmaday.

Inta uu madaxa ka ahaa howlgalka midowga afrika ee AMISOM Madeira, waxaa uu si dulaalnimo ah uga dhex shaqaynayay siyaasada gudaha ee dalkeena isagoo ku milmay xadhig jiidka siyaasada ee ka dhexeeya dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Francisco Madeira, waxaa uu qeyb ka ahaa duulaankii qaawana ee Madaxweynaha Xiligiisu dhamaaday uu kusoo qaaday Jubaland sidoo kale waxaa uu ka horyimid heshiiskii Dowlada Jubaland iyo siyaasyiintii tabashada ka qabay Doorashooyinka 2019ka ee Jubaland si qulqulatooyinka iyo kala aragti duwanaanta dadka ree Jubaland aan xal looga gaarin.

Sidoo kale waxaa uu in mudo ah ka caga jiidayay howlgalada ay qaadi jireen Ciidamada AMISOM isagoo meelo badan oo dalka kamid ahna ka saaray Ciidamadii joogay si ay dib ugu qabsadaan kooxaha argagixisada ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa wakiil uga ah shacabka Soomaaliyeed hirgalinta himilooyinka iyo danaha Ummada inta lagu guda jiro xiligan kala guurka ah.” ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Jubaland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*