27th April 2024  admin  Category :

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland ayaa Munaasabadda kaga dhawaaqay in maamulku qaadatay go’aanka guddigu soo saaray, waxa uu sheegay in lagu shaqayn doono, isla markaana ciddii ka hortimaada la iska qaban doono, Dowlad iyo shacabba.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa u mahadceliyay Mas’uuliyiinta kala duwan ee howsha nabadaynta kasoo shaqeeyay sida Isimada, Guddiyada, Ergada laba dhinac iyo Masuuliyiinta kale ee Dowlad.

Shirkaan waxaa ka qayb-galay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee baarlamaanka Puntland Abukaate Cabdicasiis Cabdillaahi Cismsan, Isimmo wasiiro ka tirsan dowlad, Nabdoono, Guddiga dhexdhexaadinta, Culimaa’udiin iyo Mas’uuliyiin kale.

Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa ka qayb galay munaasabadda gunaanadka shirka nabadaynta beelaha walaala ah ee dirirtu ku dhex martay deegaanada Saax-maygaag iyo Sangajabiye.

Guddiga nabadeynta howshan loo xil saaray ayaa Madaxweyne Ku-xigeenka iyo guud ahaanba munaasabadda la wadaagay go’aamada lagu heshiiyay oo faahfaahsan.

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland ayaa Munaasabadda kaga dhawaaqay in maamulku qaadatay go’aanka guddigu soo saaray, waxa uu sheegay in lagu shaqayn doono, isla markaana ciddii ka hortimaada la iska qaban doono, Dowlad iyo shacabba.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa u mahadceliyay Mas’uuliyiinta kala duwan ee howsha nabadaynta kasoo shaqeeyay sida Isimada, Guddiyada, Ergada laba dhinac iyo Masuuliyiinta kale ee Dowlad.

Shirkaan waxaa ka qayb-galay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee baarlamaanka Puntland Abukaate Cabdicasiis Cabdillaahi Cismsan, Isimmo wasiiro ka tirsan dowlad, Nabdoono, Guddiga dhexdhexaadinta, Culimaa’udiin iyo Mas’uuliyiin kale.

May be an image of 1 person, sitting and standing
May be an image of 3 people and people standing
May be an image of 1 person
May be an image of 8 people, people standing, suit and outdoors

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*