Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay u qeybsanaha Midowga Yurub ee Arrimaha bani’aadminimada.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay u qeybsanaha Midowga Yurub ee Arrimaha bani’aadminimada.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Geneva kula kulmay u qeybsanaha Midowga Yurub ee Arrimaha bani’aadminimada Predrag Avramovic oo ay ka wada hadleen taageerada Midowga Yurub iyo kaalintooda ku aaddan gurmadka dadka soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Midowga Yurub ayaa xaqiijiyay in ay ka go’an tahay in ay kordhiyaan taageeradooda Soomaaliya, si looga jawaabo xaaladda bani’aadminimo ee ka dhalatay abaarta adag ee ka taagan Soomaaliya.

Axmed Karaash oo jawaabay

Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo jawaab ka bixiyey qoraalkii Madaxwayne Deni ku sheegay in digreetooyinkiisu aysan dhaqan-gal ahayn.

“Waxaan shacabweynaha Puntland ku bogaadinayaa fahamkooda qotada-dheer ee ay u leeyihiin Dastuurka Puntland. Hadaba, anigoo dhawraya kuna dhaqmaya Dastuurka Dawladda Puntland iyo Qawaaniinta Dalka, waxaan shacabka sharafta badan ee reer Puntland la wadagayaa:

1. In qoraalka ka soo baxay Madaxweynaha Dawladda Puntland uusan waafaqsanayn Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland maadaama uusan Madaxweynuhu hadda ku sugnayn Dhulka iyo Sohdimaha Dawladda Puntland sida ku cad Qodobka 7-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland oo dhigan sidan “ Dhulka Puntland waxa uu ka kooban yahay gobollada Bari, Nugaal, Sool, Cayn, Karkaar, Mudug, Heylaan, Sanaag” iyo Gobolka Gardafuu oo lagu ansixiyey lifaaq gaar ah” taas oo lagu soo koobay Dadka Puntland, Dhulka Puntland iyo Sohdimihiisa.

2. Dastuurka Dawladda Puntland wuxuu Dal ku qeexayaa gudaha dhulka iyo sohdimaha Puntland sida ku cad Qodobadiisa kala ah, qodobka 9-aad, farqadiisa 2-aad, qodobka 103-aad, farqadiisa 4-aad, qodobka 105-aad, farqiisa 2-aad xarafka (b). Hadaba, mas’uul kasta oo Puntland ka haya xil dawladeed kuna dhaartay dhaarta dastuuriga ah ee ku cad qodobka 132-aad oo aan ku sugnayn dhulka iyo sohdimaha Dawladda Puntland, sida uu qabo Dastuurku qodobkiisa 7-aad ma dabakhi karo awoodaha iyo mas’uuliyadaha uu Dastuurku farayo maadaama uusan ku sugnayn Dhulka iyo Sohdimaha Puntland.

3. Si la mid ah qodobada kor ku xusan, qodobka 132-aad wuxuu si cad u qeexayaa Dhaarta rasmiga ah ee Masuuliyiinta Dawladda sida Madaxweynaha iyo Madaxweynaha Kuxigeenka lagu dhaariyo, dhaartaas oo ah midda aan la’aanteed masuul xil qaban, qudanna karin, kana dhigan in masuul kasta oo lagu dhaariyo uu ilaaliyo, tixgaliyo isla markaasna ku dhaqmo oo dhawro dhartaas oo u dhigan sidan. “Waxaan ku dhaaranayaa magaca Illaahay, in aan ku dhaqmo Diinta Islaamka, Dastuurka dalka Puntland iyo qawaaniintiisa dhawro, xilka la ii dhiibay daacadnimo u guto, dalka iyo dadkiisana Lillaahi ugu adeego”.

4. Hadaba, qeexitaanada qodobada dastuuriga ah iyo ku-dhaqanka waajibaadka iyo awoodaha Dastuuriga ah ma aha kuwo sidii la doono loo fasiran karo.

Sidaas awgeed, Magacaabistii Ma’suuliyiinta iyo Hawl-wadeenada Shaqaalaha Rayidka ah waxaan u maray nidaam sax ah oo waafaqsan Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland si gaar ah Qodobka 81-aad farqadiisa 1-aad iyo Qodobka 37-aad, farqadiisa 1-aad.

Hadaba diidmada uu samayeey Madaxweynaha ka maqan dhulka iyo sohdimaha Puntland ma leh awood sharci waxayna baalmarsantahay Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland. Sidaas darteed Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha magacaaban waxay leeyihiin xaquuq sharci oo dastuuri ah.

5. Ugu danbayntii; Waxaan farayaa dhammaan Hay’adaha Dawladda ay khusayso in ay u hoggaansamaan fulinta iyo dhaqangalinta digreetada sharciga waafaqsan, isla markaana ay gutaan waajibaadka ka saaran. “Wabillahi Tawfiiq.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska RW

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu aad uga xun yahay ficillada gurracan iyo isku dayada is daba joogga ah ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashooyinka, ficilladaas oo uu ugu dambeeyay isku daygii maanta lagu beegsaday Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, Howlwadeennada Golaha Shacabka iyo 16-kii xildhibaan ee dhawaan lagu doortay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu uga digayaa taliyeyaasha CIidammada Booliska iyo Nabad Sugidda in ay ku lug yeeshaan falalka gurracan ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashada oo heer gebogebo ah mareysa, shacabka Soomaaliyeedna waxa uu ka codsanayaa in ay isha ku hayaan dadka ka dambeeya abaabulka falalka lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo khadka telefoonka kula hadlay Guddoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka ayaa ku bogaadiyay sida geesinimada leh ee guddoonka KMG ee labada aqal u wadaan howsha doorashada,kuna dhiirrigeliyay in ay waajibaadkooda gutaan.Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusuusinayaa xildhibaannada BJFS inay in ay saaran tahay mas’uuliyadda ugu sarreysa ee dalka waxa uuna ku dhiirrigelinayaa in ay u miboobaan dhammeystirka doorashada dalka si looga gudbo marxaladdan adag.

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Geneva Kula Kulmay Danjire Philip Parham.

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Geneva Kula Kulmay Danjire Philip Parham.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Geneva kula kulmay ergayga gaarka ah ee Dowladda UK u qaabilsan Geeska Afrika iyo Badda Cas Danjire Philip Parham, ka hor shirka heerkiisu sarreeyo ee looga hadlayo abaaraha ka jira Geeska Afrika kaas oo berri ka furmaya Geneva.

Xildhibaannadii lagu soo doortay Ceelwaaq oo lagu dhaariyey Muqdisho

Xildhibaannadii lagu soo doortay Ceelwaaq oo lagu dhaariyey Muqdisho

16-kii Xildhibaan ee dhawaan lagu doortay degaan Dooorashada 2aad Jubbaland ee magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa lagu dhaariyay magaalada Muqdisho.

Munaasabaddii dhaarintooda waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka Mudane Cabdisalaan Axmed Dhabancad, Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux iyo Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT.

Guddoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka Mudane Cabdisalaan Axmed Dhabancad ayaa u rajeeyay Xildhibaannada la dhaariyay inay si hufan u gutaan waajibaadka Qaran ee loo igmaday.

Gudoomiyaha degmada Laasqorey oo la magcaabay

Kusimaha Madaxweynaha oo Magacaabay Guddoomiyaha degmada Laasqoray.

Xeer Kusime Madaxweyne Lr 96, April, 25, 2022.

Kusimaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland .

Markuu arkay: Dastuurka dowladda Puntland. Markuu arkay: Baahida Shaqo ee jirta.

Markuu tixgeliyey:- Kartida iyo Aqoontiisa.

Wuxuu u magacaabey Cabdikariin Yuusuf Jaamac Guddoomiyaha degmada Laasqoray.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu saxiixo Kusimaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku xigeenka, wuuna saxiixay.