27th May 2022  admin  Category :

Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo jawaab ka bixiyey qoraalkii Madaxwayne Deni ku sheegay in digreetooyinkiisu aysan dhaqan-gal ahayn.

“Waxaan shacabweynaha Puntland ku bogaadinayaa fahamkooda qotada-dheer ee ay u leeyihiin Dastuurka Puntland. Hadaba, anigoo dhawraya kuna dhaqmaya Dastuurka Dawladda Puntland iyo Qawaaniinta Dalka, waxaan shacabka sharafta badan ee reer Puntland la wadagayaa:

1. In qoraalka ka soo baxay Madaxweynaha Dawladda Puntland uusan waafaqsanayn Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland maadaama uusan Madaxweynuhu hadda ku sugnayn Dhulka iyo Sohdimaha Dawladda Puntland sida ku cad Qodobka 7-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland oo dhigan sidan “ Dhulka Puntland waxa uu ka kooban yahay gobollada Bari, Nugaal, Sool, Cayn, Karkaar, Mudug, Heylaan, Sanaag” iyo Gobolka Gardafuu oo lagu ansixiyey lifaaq gaar ah” taas oo lagu soo koobay Dadka Puntland, Dhulka Puntland iyo Sohdimihiisa.

2. Dastuurka Dawladda Puntland wuxuu Dal ku qeexayaa gudaha dhulka iyo sohdimaha Puntland sida ku cad Qodobadiisa kala ah, qodobka 9-aad, farqadiisa 2-aad, qodobka 103-aad, farqadiisa 4-aad, qodobka 105-aad, farqiisa 2-aad xarafka (b). Hadaba, mas’uul kasta oo Puntland ka haya xil dawladeed kuna dhaartay dhaarta dastuuriga ah ee ku cad qodobka 132-aad oo aan ku sugnayn dhulka iyo sohdimaha Dawladda Puntland, sida uu qabo Dastuurku qodobkiisa 7-aad ma dabakhi karo awoodaha iyo mas’uuliyadaha uu Dastuurku farayo maadaama uusan ku sugnayn Dhulka iyo Sohdimaha Puntland.

3. Si la mid ah qodobada kor ku xusan, qodobka 132-aad wuxuu si cad u qeexayaa Dhaarta rasmiga ah ee Masuuliyiinta Dawladda sida Madaxweynaha iyo Madaxweynaha Kuxigeenka lagu dhaariyo, dhaartaas oo ah midda aan la’aanteed masuul xil qaban, qudanna karin, kana dhigan in masuul kasta oo lagu dhaariyo uu ilaaliyo, tixgaliyo isla markaasna ku dhaqmo oo dhawro dhartaas oo u dhigan sidan. “Waxaan ku dhaaranayaa magaca Illaahay, in aan ku dhaqmo Diinta Islaamka, Dastuurka dalka Puntland iyo qawaaniintiisa dhawro, xilka la ii dhiibay daacadnimo u guto, dalka iyo dadkiisana Lillaahi ugu adeego”.

4. Hadaba, qeexitaanada qodobada dastuuriga ah iyo ku-dhaqanka waajibaadka iyo awoodaha Dastuuriga ah ma aha kuwo sidii la doono loo fasiran karo.

Sidaas awgeed, Magacaabistii Ma’suuliyiinta iyo Hawl-wadeenada Shaqaalaha Rayidka ah waxaan u maray nidaam sax ah oo waafaqsan Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland si gaar ah Qodobka 81-aad farqadiisa 1-aad iyo Qodobka 37-aad, farqadiisa 1-aad.

Hadaba diidmada uu samayeey Madaxweynaha ka maqan dhulka iyo sohdimaha Puntland ma leh awood sharci waxayna baalmarsantahay Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland. Sidaas darteed Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha magacaaban waxay leeyihiin xaquuq sharci oo dastuuri ah.

5. Ugu danbayntii; Waxaan farayaa dhammaan Hay’adaha Dawladda ay khusayso in ay u hoggaansamaan fulinta iyo dhaqangalinta digreetada sharciga waafaqsan, isla markaana ay gutaan waajibaadka ka saaran. “Wabillahi Tawfiiq.

4 thoughts on “Axmed Karaash oo jawaabay

  1. Abdi

    Anigu ma fahmin mx karaash deg dega kujira, meesha ma wuxuu u joogaa inuu fuliyo siyaasadaha guracan ee farmaajo, mise waa nin puntland metela, arintani horay u dhacday oo clahi yusuf wuxuu xilka wareejiyey markii soomaaliya loo doortay, puntland buuq iyo wareer marxaladan uma baahna,

    Reply
    1. aacali yusuf yeey

      abdi yow saxiib waxa kugu jira iska saar saxiib qofks hsduu qaldan yahay libaax lagama dhigee Dani aniga ayaa kaa xiga anigan waxaan soo ogaaday in uusan wax la difaaco ahayn dani waa doqon aan wax abaala lahayn haduu maantay ahaan lahaa nin majeerteena dani waxaan muusan samayn lahayn ceebaymna nagu tahay meeshaan dad badan ayaan ku dhisanay ama walaahi waa lagu kala tagayaa mise si wanaasan haloo wada shayeeyo walaahi baan ku dhaartay hadii ay naga kala tagaan dadka wax nala samaystay anagaa is qalananayna dadk aglagaadada halaa daayo
      hala xishoodop oo aan dadka amaan galino dani sadax sano ayuu lacagtii pundlan soo gashay shilin kama uusan reebin ina gaas sidoo kale adeer dadkaan tuug ta ah oo anaga na lug gooyey yeynaan madaxa saaran in la toogto ayeey is taahilaan

      Reply
  2. Haji

    Soomaalidu waxay tiraahdaa habar dhaliweydey aleelo ku waalatay cabdiyow waa markii ay rag idka celintu ay kululaato lagu hadaaqi jirey farmaajo farmaajo farmaajo adeer kaasi kulama joogee karaadh halag gar baxo inta caacda iyo farmaajo layska dhaafo

    Reply
  3. caloo yusuf yeey

    reerkaan aanka dhashay mar baan is dhahaa yaa kaasaara sababtoo ah ilaahay baa na abuurtaye waxaan aan wadno waa wax laga xishooda inaan kala harno ayaa wanaagsan anagoo majeerteena maaha anaan hal arin kuligeen iskuraacno run ahaantii reerkii daarood ahaa anagaa kala cayrinay oo maantay meel noo fiyoow ma jirto ee ehelo waxa foosha xa xun ee aan reerkaan daarood ku hayno ayaan joojino ilma adeerayaaloow aan iska dayno mareexaan nacaybka maanta waxaan marmaajo ku nacay ma aqaan waxaan un arkay reerkoonoo neceb war hadaan majeerteen nahay aan daarood iska dayno

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*