Shirka Ceerigaabo

Shirka Ceerigaabo waa maxay ujeedadda laga leeyahay?

In badan oo idin ka mid ah, oo ku nool wadamada ay Dimoqraadiyaddu ka jirto, oo doorashooyinka ka qabsoomaan, marna kama dhacdeen in xisbigii laga badiyey inuu dadka isugu yeero oo ku yiraahda na taageera laaluush ayaan idin siinaynaa

Dhowaan maamulka Somaliland ee beelaha Isaaq ku midaysan yihiin, ayaa waxay qabsadeen doorashooyin golaha degaanka degaanadooda iyo kuwo aan ahaynba.

Degaanaddii ay ay ku sugayeen in doorasho ka qabsoonto waxa ka mid ahaa degaanada ay beesha Warsangeli degaan. Sidii maamulka Somaliland filayey ma noqon oo beesha Warsangeli waxay cod dheer ku sheegeen, inaanay maamulkooda ka mid ahayn, inanay doonayn inay Soomaali inteeda kale ka go;aan, Sidoo kale waxay diideen inay hal qof doortaan oo ay u diraan Hargaysa, kana mid noqdaan goloyashooda Baarlamaanka

Arintaasi waxay ahayd guul weyn oo u soo hoyatay midnimada Soomaaliya iyo beesha Warsangeli oo dhiig badan u daadisey inaany marnaba ka mid noqon kuwa doonaya inay Soomaali inteeda kale ka go’aan.

Markii sidaasi dhacday maamulka Somaliland, wuxuu bilaabay siddii u laaluushi lahaa qaar ka mid ah Isimada Beesha Maakhir iyo Siyaasiyiin ay awalba Xaaraanta iyo lacagta ku haysteen oo degaanka u dhashay, hase ahaatee ka shaqeeya danaha Isaaqland.

Shirkii Heritage ee Maraykanka ee lacagta badan lagu bixiyey sidii Ictiraaf loogu heli lahaa markii lagu guul daraystay, ayaa qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Isaaq waxay keeneen fikir ah intaynu Shisheeyaha lacagta ku bixinayno, maxaynu kuwan ina diidan oo aynu sheegano ugu dayi weynay lacag, laga yaabee inaynu soo guri gelino. Sidaan taa ku helnona waa inaynu shir u qabanaa

Sawirka la qaadayo iyo codka la duubayo ee laaluushka lagu bixiyey ayaa waxa loo baahday shir laysugu yimaado, waxaana la go’aansaday in Ceerigaao shir lagu qabto oo beelaha Warsangeli qaarkood oo qura lagu casumo, gaar ahaan inta degta Degmada Ceerigaabo.

Sawirkan Suldaanka waxa ku weheliya Taliyaha malereshiyaadka SNM ee gobolka Sanaag Muuse Jaamac Dalaf

Labada nin ee Suldaan Siciid dhicyada ka xiga Waa wasiirada Isaaqland ee ka soo jeeda beesha Warsangeli. Bidix waa wasiirka haweenka Mustafe Maxamuud Cali Bile Iyo Wasiirka reer guuraaga Axmed Guray.

Ugu danbayntii qaar ka mid ah Isimaddii dhowaan soo xulay Xildhibaanada Warsangeli ee ka mid noqonayey Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ee todobaad ka hor doontay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ka mid ah Isimada lagu casumay inay Ceerigaabo yimaadaan oo saamigooda ka qaataan lacagta laaluushka ah ee dhan $2,000,000 ee la doonayo in Warsangeli qayb kaga noqdaan maamulka Isaaqland. Isimada aan u caddalad falin bulshadooda, ka caraysiiyey shacabkooda, ciilay siyaasiyiintooda intaaba ma sameeyeen haddii ay Bulshada reer Maakhir mar hore ka tashan lahaayeen

ALLSANAAG.COM

Gudoomiye Cabdirashiid oo Garowe lagu soo dhoweeyey

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo wefti balaaran oo uu hogaaminayo oo mudooyinkii dambe safar shaqo ku joogay Caasimadda Dalka ee Muqdisho ayaa galabta siweyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Garoowe.

Socdaalka Guddoomiyaha Baarlamanka waxaa ku wehliya Wasiiro ka tirsan Xukuummada DPL, Xildhibaanno iyo saraakiil kale.

Garoonka Diyaaraha ee Maxamed Abshir waxaa weftiga Guddoomiyaha kusoo dhaweeyey Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada, Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Xildhibaanno, Wasiirro, Maamulka Gobolka Nugaal iyo qaybaha bulshada.

Weftiga Guddoomiyaha ayaa soo dhaweyn kadib loo galbiyey hoolka VIP-da ee Garoonka Diyaaradaha, halkaas oo faah-faahin laga siiyey xaalada Dalka, iyagoona ka mahadceliyey soo dhaweynta loo sameeyey

May be an image of 10 people, people standing and outdoors
May be an image of 7 people and people standing
May be an image of 8 people, people standing and wrist watch

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Amb. James Swann oo ka wada hadlay isbedelka dalka ka dhacay

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Amb. James Swann oo ka wada hadlay isbedelka dalka ka dhacay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur   (Madoobe) oo maanta kulan  la qaatay Wakiilka Xog-hayaha Guud Qaramada Midoobay u qaablisan arrimaha Soomaaliya Amb. James Swan.

Guddoomiyaha iyo danjiraha ayaa waxay ka wada hadleen is bedelka hogaamineed ee dalka uu yeeshay iyo sidii loo horumarin lahaa hanaanka dowladnimo ee dalkeenna.

Danjire James Swan ayaa Guddoomiyaha Golaha shacabka ku bogaadiyay dooraashadii sida dimuquraadiyadda aheyd ee ay ku dhacday, taas noqatay mid lagu wada qanacsanaa natiijada ka soo baxday.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo danjiraha ku boggaadiyey taageerida iyo garab istaaga Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka ayaa ku tilmaamay mid muhiim u ah hannaanka geeddi socodka dalka uu hiigsanaayo.

Maxaad ka taqaanaa Dadka degaanka Xaraashaya

Maxaad ka taqaanaa kooxda, Dadka iyo degaankaba Xaraashaysa oo hadda qaarkook Ceerigaabo arintaa u fadhiya

Mustafe Maxamuud Cali Bile Iyo Axmed Guray , oo ka mid noqday dadka dhulkoda xaraashaya, labadan ayaa maamulka SNM u magcaabeen Wasiirka Dumarka iyo asiirka reer guuraaga

May be an image of 2 people, people sitting, eyeglasses and indoor

Dadka dalkooda, diintooda iyo dadkooda iibsaday waa arrin welligeed soo jirtay oo aad uxun. Hadaba, dadka khaa’inul wadanka ah ayeey tahay in meel looga soo wada jeesto waayoo ah ma jirto wax faa’iido ah oo ay u leeyihiin dadkooda.

Maanta, beesha Isaaq ayaa ah cadaw ay leeyihiin ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaana beesha Daarood. Markii horre waxeey la safnaayeen gummeeystihii Ingiriiska, iyagoona farta ugu soo fiiqayey dhulka ay degaan beesha Daarood.

Markii labaad waxeey soo adeegsadeen beesha Hawiye, iyagoo u sheegaya ineey isla yihiin  irirsamaale, ayna wadda leeyihiin hal cadaw oo ah beesha Daarood, weeyna ku guulleeysteen ineey cadaawad dhex dhigaan Hawiye iyo Daarood.

Tan seddexaad ayaa ah midda maanta ay ka waddaan Killinka Shannaad ee Soomaalida Itoobiya, iyagoo Oromada u sheegaya ineey isla yihiin Dir, ayna meel uga soo wadda jeestaan beesha Daarood.

Hadaba, dadka cadaawadda intaa la’eg u qaba beesha Daarood, iyagoo u soo maraya waji kasta ayaa waxaa ayaan darro ah in maanta ay jiraan dad ka soo jeede deegaanada Sool iyo Sanaag oo u shaqeenaya nimankaas qaba cadaawadda gaamurtay.

 Waxaana laga mamaarmaan ah in farta lagu fiiqo shaqsiyaadka la shaqeeysta cadawga. Hadaba, waxaan hoos idinkugu soo gudbineeynaa liiska shaqsiyaadka denbiga ka gallay dadkooda iyo dhulkooda ee ka soo jeeda Maakhir kuwaas oo habbeen iyo maalin diyaar u ah in dadkooda ay hoos geeyeen beesha Isaaq. Taariikhdana waa in lagu qoraa shaqsiyaadka denbiga ka gallay ummaddooda ee danbiilayaasha ah.

Suldaan Siciid Ca/sallaan

Mustafe Maxamuud Cali Bile

C/risaaq Cali Ayaan

Yaasiin Cismaan Saalax

Maxamed Suldaan Xasan Cali

Maxamed Suldaan Ca/laahi Cartan

Cali Jaamac Faarax (Buureed)

Ciise Ahmed Yuusuf (Xawar)

Maxamed Cismaan Bulqaas

Ca/qaadir Jaamac Xaamud

Cali Maxamed Aadan (Cali Barre)

Siciid Aadan (Timo weeyne)

Cali Xuseen Maxamed Soomaali (Kasoo Waantoobay Qaladkiisa)

Jamaal Jaamac Xaamud

Siciid Cali Muuse

Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere) = (Kasoo Waantoobay Qaladkiisa)

Xuseen Xaaji Cabdi

Ahmed Maxamuud Nuur (Indha Case)

Axmed Xaaji Cadami

Siciid Bidaar

Baar Siciid Cartan

Xayle Xaaji Diraac (Kasoo Waantoobay Qaladkiisa)

Sahal Maxamed Jaamac

Maxamed Siciid Gees

Muuse Jaamac Deelaaf

Ahmed Cali Jaamac (Gacmo dheere)

Maxamed Isdeldel

Cali Maxamuud Xaaji Dirir (Cali Cawar)

Maxamuud Siciid Maxamuud digafaadh

Axmed Aadan Gurey

Liiska intaas kuma eka, balse waxaa weli socota ururinta shaqsiyaadka ka qeeyb qaatay denbiyada deegaanka laga galay.

RW Rooble oo Dubai kula kulmay madaxweynaha Imaaraadka Carabta

Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Abu Dhabi kula kulmay madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyaan, isagoo uga tacsiyeeyay geerida Allaha u maxariis madaxweynihii hore ee Imaaraadka Sheikh Khalifa Bin Zayid.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxweynaha cusub ee Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayid gaarsiiyay dhambaal hambalyo iyo tacsi ah oo uu uga siday madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.Dhankiisa madaxweyne Maxamed Bin Zayid ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay doorashadii madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo in guud ahaan howshii doorashada dalku ku soo dhammaatay si nabad ah.

Axmed Madoobe oo bayaan balan qaad u badan ka soo saaray arrinta Gedo

Axmed Madoobe oo bayaan balan qaad u badan ka soo saaray arrinta Gedo

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa soo dhaweeyay isbadalka cusub ee dalka ka hirgalay, isagoo xusay in mudo la sugayay doorashooyinka guud ee dalka ka dhacay. 

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in Jubaland ay guda-galeyso xalinta caqabadaha ka jira gobolka Gedo, wuxuu tilmaamay in hadda kadib la fasaxay dhamaan tageeradii iyo adeegyadii hormarinta ee gobolka ka xayiraa sanadahii lasoo dhaafay ee heer Federaal iyo heer Jubaland, isagoo intaas ku daray in dhismaha golayaasha deegaanka laga bilaabi doono degmada Garbahareey ee xarunta gobolkaas, isla markaana uusan jirin doonin maamul cusub oo gobolkaas loo magacaabayo ee dadka deegaanku ay soo dooran doonan dadka matalaya. 

Jubalanad wuxuu balan qaaday in kala aragti duwanaantii iyo khilaafkii ka jiray gobolkaas aan cidna loo beegsan doonin, dadka deegaanka iyo guud ahaan shacabka Jubaland-na ay u siman yihiin xuquuqaha ay xaqa u leeyahiin, wax walbana wada hadal lagu dhamayn doono. 

Dhinaca kale Madaxweynaha Jubaland oo aad u soo dhoweeyey doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u mahad celiyay Ra’iisul Wasaare Rooble oo si naf hurnimo ah ugu istaagay sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay, isla markaana natiijadeeda la wada aqbalo, Guddiyada doorashooyinka ayuu sidoo kale Madaxweynahu ku amaanay shaqadii hufnayn ee ay soo qabteen.

DF Soomaaliya iyo Hey’adda IMF oo heshiis gaaray

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa gaaray heshiis muhiim ah oo ku saabsan geeddi socodka #Deyn_Cafinta iyo dib-u-eegista Wajiyada 2aad iyo 3aad Barnaamijka #ECF ee dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda iyo Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

IMF waxa ay sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya kor u kacay sameeyay dhib kasta oo ka jira dalka, sida Abaaraha. Hey’adda IMF waxa ay ballan qaaday in ay si dhaw ula shaqayn doonto dowladda cusub iyo Hey’addaha Maaliyadda dalka.

“Waxa aan ku faraxsanahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda IMF ay gaareen heshiis muhiim u ah geeddi socodka deyn-cafinta iyo Dib-u-eegista Wajiyada 2aad iyo 3aad Barnaamijka ECF ee dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda iyo Horumarinta dhaqaalaha dalka”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Go’aanka IMF ayaa yimid kaddib markii ay dhammaatay doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya oo 15 bishaan May dalka ka dhacday.