26th July 2024  admin  Category :

Shirka Ceerigaabo waa maxay ujeedadda laga leeyahay?

In badan oo idin ka mid ah, oo ku nool wadamada ay Dimoqraadiyaddu ka jirto, oo doorashooyinka ka qabsoomaan, marna kama dhacdeen in xisbigii laga badiyey inuu dadka isugu yeero oo ku yiraahda na taageera laaluush ayaan idin siinaynaa

Dhowaan maamulka Somaliland ee beelaha Isaaq ku midaysan yihiin, ayaa waxay qabsadeen doorashooyin golaha degaanka degaanadooda iyo kuwo aan ahaynba.

Degaanaddii ay ay ku sugayeen in doorasho ka qabsoonto waxa ka mid ahaa degaanada ay beesha Warsangeli degaan. Sidii maamulka Somaliland filayey ma noqon oo beesha Warsangeli waxay cod dheer ku sheegeen, inaanay maamulkooda ka mid ahayn, inanay doonayn inay Soomaali inteeda kale ka go;aan, Sidoo kale waxay diideen inay hal qof doortaan oo ay u diraan Hargaysa, kana mid noqdaan goloyashooda Baarlamaanka

Arintaasi waxay ahayd guul weyn oo u soo hoyatay midnimada Soomaaliya iyo beesha Warsangeli oo dhiig badan u daadisey inaany marnaba ka mid noqon kuwa doonaya inay Soomaali inteeda kale ka go’aan.

Markii sidaasi dhacday maamulka Somaliland, wuxuu bilaabay siddii u laaluushi lahaa qaar ka mid ah Isimada Beesha Maakhir iyo Siyaasiyiin ay awalba Xaaraanta iyo lacagta ku haysteen oo degaanka u dhashay, hase ahaatee ka shaqeeya danaha Isaaqland.

Shirkii Heritage ee Maraykanka ee lacagta badan lagu bixiyey sidii Ictiraaf loogu heli lahaa markii lagu guul daraystay, ayaa qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Isaaq waxay keeneen fikir ah intaynu Shisheeyaha lacagta ku bixinayno, maxaynu kuwan ina diidan oo aynu sheegano ugu dayi weynay lacag, laga yaabee inaynu soo guri gelino. Sidaan taa ku helnona waa inaynu shir u qabanaa

Sawirka la qaadayo iyo codka la duubayo ee laaluushka lagu bixiyey ayaa waxa loo baahday shir laysugu yimaado, waxaana la go’aansaday in Ceerigaao shir lagu qabto oo beelaha Warsangeli qaarkood oo qura lagu casumo, gaar ahaan inta degta Degmada Ceerigaabo.

Sawirkan Suldaanka waxa ku weheliya Taliyaha malereshiyaadka SNM ee gobolka Sanaag Muuse Jaamac Dalaf

Labada nin ee Suldaan Siciid dhicyada ka xiga Waa wasiirada Isaaqland ee ka soo jeeda beesha Warsangeli. Bidix waa wasiirka haweenka Mustafe Maxamuud Cali Bile Iyo Wasiirka reer guuraaga Axmed Guray.

Ugu danbayntii qaar ka mid ah Isimaddii dhowaan soo xulay Xildhibaanada Warsangeli ee ka mid noqonayey Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ee todobaad ka hor doontay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ka mid ah Isimada lagu casumay inay Ceerigaabo yimaadaan oo saamigooda ka qaataan lacagta laaluushka ah ee dhan $2,000,000 ee la doonayo in Warsangeli qayb kaga noqdaan maamulka Isaaqland. Isimada aan u caddalad falin bulshadooda, ka caraysiiyey shacabkooda, ciilay siyaasiyiintooda intaaba ma sameeyeen haddii ay Bulshada reer Maakhir mar hore ka tashan lahaayeen

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*