26th July 2024  admin  Category :

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Amb. James Swann oo ka wada hadlay isbedelka dalka ka dhacay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur   (Madoobe) oo maanta kulan  la qaatay Wakiilka Xog-hayaha Guud Qaramada Midoobay u qaablisan arrimaha Soomaaliya Amb. James Swan.

Guddoomiyaha iyo danjiraha ayaa waxay ka wada hadleen is bedelka hogaamineed ee dalka uu yeeshay iyo sidii loo horumarin lahaa hanaanka dowladnimo ee dalkeenna.

Danjire James Swan ayaa Guddoomiyaha Golaha shacabka ku bogaadiyay dooraashadii sida dimuquraadiyadda aheyd ee ay ku dhacday, taas noqatay mid lagu wada qanacsanaa natiijada ka soo baxday.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo danjiraha ku boggaadiyey taageerida iyo garab istaaga Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka ayaa ku tilmaamay mid muhiim u ah hannaanka geeddi socodka dalka uu hiigsanaayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*