26th July 2024  admin  Category :

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo wefti balaaran oo uu hogaaminayo oo mudooyinkii dambe safar shaqo ku joogay Caasimadda Dalka ee Muqdisho ayaa galabta siweyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Garoowe.

Socdaalka Guddoomiyaha Baarlamanka waxaa ku wehliya Wasiiro ka tirsan Xukuummada DPL, Xildhibaanno iyo saraakiil kale.

Garoonka Diyaaraha ee Maxamed Abshir waxaa weftiga Guddoomiyaha kusoo dhaweeyey Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada, Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Xildhibaanno, Wasiirro, Maamulka Gobolka Nugaal iyo qaybaha bulshada.

Weftiga Guddoomiyaha ayaa soo dhaweyn kadib loo galbiyey hoolka VIP-da ee Garoonka Diyaaradaha, halkaas oo faah-faahin laga siiyey xaalada Dalka, iyagoona ka mahadceliyey soo dhaweynta loo sameeyey

May be an image of 10 people, people standing and outdoors
May be an image of 7 people and people standing
May be an image of 8 people, people standing and wrist watch

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*