29th March 2024  admin  Category :

Axmed Madoobe oo bayaan balan qaad u badan ka soo saaray arrinta Gedo

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa soo dhaweeyay isbadalka cusub ee dalka ka hirgalay, isagoo xusay in mudo la sugayay doorashooyinka guud ee dalka ka dhacay. 

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in Jubaland ay guda-galeyso xalinta caqabadaha ka jira gobolka Gedo, wuxuu tilmaamay in hadda kadib la fasaxay dhamaan tageeradii iyo adeegyadii hormarinta ee gobolka ka xayiraa sanadahii lasoo dhaafay ee heer Federaal iyo heer Jubaland, isagoo intaas ku daray in dhismaha golayaasha deegaanka laga bilaabi doono degmada Garbahareey ee xarunta gobolkaas, isla markaana uusan jirin doonin maamul cusub oo gobolkaas loo magacaabayo ee dadka deegaanku ay soo dooran doonan dadka matalaya. 

Jubalanad wuxuu balan qaaday in kala aragti duwanaantii iyo khilaafkii ka jiray gobolkaas aan cidna loo beegsan doonin, dadka deegaanka iyo guud ahaan shacabka Jubaland-na ay u siman yihiin xuquuqaha ay xaqa u leeyahiin, wax walbana wada hadal lagu dhamayn doono. 

Dhinaca kale Madaxweynaha Jubaland oo aad u soo dhoweeyey doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u mahad celiyay Ra’iisul Wasaare Rooble oo si naf hurnimo ah ugu istaagay sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay, isla markaana natiijadeeda la wada aqbalo, Guddiyada doorashooyinka ayuu sidoo kale Madaxweynahu ku amaanay shaqadii hufnayn ee ay soo qabteen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*