3.Hassan Adam Hosow Lataliyaha Dhaqaalaha Madaweynaha J.F.S.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Alle uga baryey La taliyeyaasha in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, waxa uuna kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegaan dalka.
Xubnahaan la magacaabay ayaa soo qabtay Xilal sarsare oo Hay’adaha dowladda dhexdooda ah iyo meelo kale oo muhiim ah, waxa ayna khibrad wanaagsan u leeyihiin howlaha loo igmaday.
Sawirka hore Waa Xoosha, oo ka soo jeeda beesha Raxanweyn’ Labada kale waa Dirta waqooyi iyo Dirta Koonfureed
Magaalada Buuhoodle ee xarunta G.Cayn waxaa lagu soo dhaweeyay ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland oo muddo 7 Billood ah tababar uga socday xereda Jeneraal Cadhays ee gobolka Mudug
Siciid Qorsheel oo ka mid ah Odayaasha iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed kuwooda loogu jecel yahay, ayaa maanta Safiirka Soomaalida ee Maraykanka Larry Andre, waxay ku kulmeen safaaradda Maraykanka ee ku taal Xalane ee magaalada Muqdisho.
Safiir Larry Andre iyo Siyaasi qorsheel ayaa ka wada hadlay arimo badan oo maanta ka taagan dalka iyo sidii xal loogu heli lahaa.
Siyaasiyiin badan ee Soomaaliyeed iyo madax maamul goboleedyada qaarkood oo ay ugu horeeyaan Siyaasiyiinta beesha Isaaq ayaa doonaya in markan uu R’isulwasaaraha Soomaliya noqdo qof ka soo jeeda r\ Waqooyiga Soomaaliya . Sidoo kale waxa jira siyasiyiin ka soo jeeda Magaalada Muqdisho oo iyaguna doonaya in Qorsheel uu noqdo RW soo socda ee Soomaaliya.
Maamulka Puntland ayaa iyagu doonaya qof ka soo jeeda beesha Majeerteen oo qura,
Ugu danbayntii kulanka ay Maraykanku la kulmeen qof aan xil ka hayn dawladda Soomaaliya, ilaa hadda ayaan la ogayn inay sababtay ololaha ka socda Muqdisho. Deni, Faroole ,Cali Cabi Awaare iyo Burhaan ololahooda Muqdisho ayeey ka wadaan halka Isimaddii reer MAAKHIR EE Siyaasadda u haysta Xildhibaan loo geeyo Siyaasi Garowe ama Gaalkacyo jooga , ayaa haba yaraatee aan ka hadlin maamulka Puntland ee la wada lahaa oo dadka qaarkiis jaran jaro ka dhiganayaan
Waxa uu sheegay in mid ka mid ah waxyaabaha ugu horreeya ee madaxweynuhu uu mudnaanta siinayo ay tahay wax ka qabashada dhibaatada bani’aadaminnimo ee ka dhalatay abaaraha.
La tayihii amniga ee madaxweynayaasha Sheekh Shariif, Xasan Culusoow iyo Farmaajo ayaa mar kale dib loo magcaabay.
Madaxweyne M. Xasan Culusoow ayaa La Taliyihiisa Amniga Qaranka u magacawday Xuseen Macalin Maxamuud oo loo yaqaano Damuumaaye. la taliyahan amniga ayaa madaxweyne Xasan, dawladdiisii hore kala talin jiray dhanka amniga markii ugu badnayd ee la laynayey Xildhibaanada ugu badan ee baarlamaanka Soomaaliyeed, sidoo kale Sheekh Shariif ayuu amniga kala talin jiray. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale xidid ahaan u shaqaalaysiiyey oo isagana u magcaabay la taliyaha dhanka amniga