2nd May 2024  admin  Category :

Siciid Qorsheel oo ka mid ah Odayaasha iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed kuwooda loogu jecel yahay, ayaa maanta Safiirka Soomaalida ee Maraykanka Larry Andre, waxay ku kulmeen safaaradda Maraykanka ee ku taal Xalane ee magaalada Muqdisho.

Safiir Larry Andre iyo Siyaasi qorsheel ayaa ka wada hadlay arimo badan oo maanta ka taagan dalka iyo sidii xal loogu heli lahaa.

Siyaasiyiin badan ee Soomaaliyeed iyo madax maamul goboleedyada qaarkood oo ay ugu horeeyaan Siyaasiyiinta beesha Isaaq ayaa doonaya in markan uu R’isulwasaaraha Soomaliya noqdo qof ka soo jeeda r\ Waqooyiga Soomaaliya . Sidoo kale waxa jira siyasiyiin ka soo jeeda Magaalada Muqdisho oo iyaguna doonaya in Qorsheel uu noqdo RW soo socda ee Soomaaliya.

Maamulka Puntland ayaa iyagu doonaya qof ka soo jeeda beesha Majeerteen oo qura,

Ugu danbayntii kulanka ay Maraykanku la kulmeen qof aan xil ka hayn dawladda Soomaaliya, ilaa hadda ayaan la ogayn inay sababtay ololaha ka socda Muqdisho. Deni, Faroole ,Cali Cabi Awaare iyo Burhaan ololahooda Muqdisho ayeey ka wadaan halka Isimaddii reer MAAKHIR EE Siyaasadda u haysta Xildhibaan loo geeyo Siyaasi Garowe ama Gaalkacyo jooga , ayaa haba yaraatee aan ka hadlin maamulka Puntland ee la wada lahaa oo dadka qaarkiis jaran jaro ka dhiganayaan

Q

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*