TACSI: Maxamed Cismaan Bulqaas

Bahda  Allsanaag, waxay  tacsi tiiraanyo leh u dirayaan   qoyskii,  eheladii,   iyo qaraabadii  uu ka geeriyooday Allah ha u naxariistee  Maxamed Cismaan Bulqaas oo maanta ku geeriyooday dalka Turkiga

Marxuum  Maxamed Cismaan Bulqaas   , waxaan Allah uga baryeeynaa inuu janadii Fardowsa ahayd ka waraabiyo, Kitaabkiisana   midigta ka siiyo, dhammaan qoyskii iyo eheladii uu  ka baxayna Samir iyo iimaan waafi ah inuu Allah  ka siiyo, Aammiin, Aammiin.

(كل نفس ذايقة الموت ونبلوكم بالشر والخير فتنة والينا ترجعون)….أنا لله وانا إليه راجعون.اللهم اغفر لمحمد عثمان بلقاس واكرم نزله وبشره بجنة الفردوس أنك انت العلى القدير…أمين

Gudoomiyaha Guddiga maamulka sare ee h’ayadda Duulista Rayidka.

Siciid Qorsheel oo loo magacaabay Gudoomiyaha Guddiga maamulka sare ee h’ayadda Duulista Rayidka.

Dawladda Soomaaliya oo dhowaan samaysay Guddiga maamulka sare ee h’ayadda Duulista Rayidka, lana soo marsiiyey labada Aqal ee Baarlamaanka oo ay ansixyeen ,ayaa guddigan ka koban todobada qof waxa madax loga dhigay (chairman of the board) Siciid Jaamac C. Qorsheel afarta sano ee soo socota

Halkan Waxaan hambalyo uga diraynaa Siciid oo ayna Wasaaradani ku cusbayn oo uu ahaa Qofkii soo dhisay, soona celiyey hawada Soomaaliya

https://allsanaag.com/qalabkii-qorsheel-bilaabay-ee-lagu-hagi-lahaa-hawada-soomaaliya-oo-la-keenay-muqdisho/

https://allsanaag.com/munaasabad-lagu-daah-furayo-xarunta-maamulka-hawada-soomaaliya-oo-lagu-qabandoono-muqdisho/

Taalooyinka maxaa loo dhisaa?

Yaa ku yidhi Soomaalida Qof dhintay lama sheego taariikdiisa?

Qorshihii Dabar goynta Daarood ee SNM iyo USC Sawiradu waa:

1) Maxamed Warsame ‘Kimiko’
USC, ka dibna aasaasihii iyo Madaxweynihii Galmudug.
2) Axmed Maxamed ‘Silanyo’
Gudomiyihii SNM
3) Jeneral Maxamed Farax Caydiid, Gudoomiyihii USC
4) Mr Ismacil Bubaa, Jabhad SNM ah oo sida is geeda saarka u shaqeeya
5) Dr Maxamed C.Gabose, SNM.

Bulshada Caalamka ku nooli waa u kala duwan yihiin kan wax u qabtay iyo kooda ka shaqeeyey lugooyadooda, isku sina looguma abaal gudo, marka ay nool yihiin iyo marka ay dhintaanba.

Geesiyaasha Dalkooda iyo dadkooda u hiiliyey oo wax fiicana u qabtay Bulshadooda iyo tan caalamka sida Mandela Taalooyin ayaa loo dhisaa, filimo ayaa laga sameeyaa lagu xasuusto iyo Caruurta oo taariikhdaas qurxoon uu qofkaasi sameeyey loogu dhigo Dugsiyada, si jiilba jiilka ka danbeeya ugu gudbiyo

Kuwooda taariikhda ka galay baalka madaw, oo dibin daayo iyo dagal oognimo ka galay dalkooda sida Naasigii Heinrich Himmler Jarmalka, magacooda iyo taariikdoodii xumayd waa la aasaa oo lama soo hadal qaado .

Laakiinse waxa jira Dad taariikhdaa madow u arka inay tahay toodii ugu fiicnayd sida Jabahadihii Soomaalida ee USC IYO SNM oo ay kala hogaaminayeen Caydiid iyo Siilaanyo

Dhowaan waxa geeriyooday Allah ha u naxariistee General Mohamed Nur Galaal , dadkii ugu horeeyey ee u tacsiyadeeyey waxay ahaayeen Siyaasiyiinta Isaaq ee Habar Awal iyo Garxejis, oo aan iyagu heshiis ahayn sida Waraabe iyo Biixi, sidoo kalena aan Soomaali dhexdeeda taariikh iyo sumacad wanaagsan ku lahayn . Waraysigii ugu danbeeyey uu Galaal bixiyey waxa ka mid ahaa hadalkiisii “anaga iyo Isaaq ayaa ugu badan Soomaali”.

Sida muuqatay waxa socday qorshe ay labada dhinac iska kaashanayeen oo lid ku ahaa beesha Daarood

Sodon sano ka hor, muuqaalkan hoose Galaal Allah ha u naxariistee, wuxuu ku leeyahay isaga oo jees jeesaya markaan beesha Daarood qaxinay oo ay leeyihiin guryahagii ayaan ku soo laabanaynaa, oo hubkii naga dhamaaday waxa hub nooga yimid Hargaysa si xasuuqa iyo barakicinta u sii wadno, wuxuuna sheegay in hubkaas u soo diray Soomaali kale oo taariikh madow ka tegay oo dagaal ooge ahaa Cabdirahmaan Tuur.

Ninkii isagu qirtay, inuu dad dilay, xasuuqay oo ka barakiciyey Guryahoodii ayaa Soomaali qaarkeed hadda leeyihiin Awliyuu ahaa ee yaan wax laga qorin ama laga sheegin

MAQAAL HORE

Wax badan ayey Puntland samir u muujisay kuwa samirku ka dhammaday ee Somalidiidka ah, wax badan ayaan geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay darteed nabad, muslinimo, Somalinimo,darisnimo iyo qaraabanimo, ha yeeshee Somalidiidku ma qadarin taas, waxa ka go’an in ay u qaybiyaan reer puntland labo, mid laga xukumo Somalidiidka iyo mid laga xukumo koonfurta, taas waxaa daliil u ah  hadalkii C/raxmaan Tuur , Alle ha u naxariistee uu yidhi sodon sano ka hor ” Waxaan ku jirney qorshe Daarood lagu kala qaybiyo cuddudiis, sida Kurdiga oo kale ayaan go’aansanay in aannu ka dhigno, ha yeeshee  Hawiyoow idinkaa ka siidaayey daminkii loo qoolay.

Maanta C/hi Yusuf in reysal wasaaraha nagu qabsadu idinka keennay, waxay  ahayd idinkoo Majeerteen iyo Mareexaan soo jilciyey, oo madax salaax u soo sameeyey, oo  miiska wadda-hadalada xagga dambe in ay ka fadhiistaan raali ku ah, iyagoo maynoorati ah, iyo idinkoo majoorati ah, oo xagga hore soo fariista. Anaguna sidaas kale, ka dibna miiska wadda hadaladda soo fadhiisano idinkoo hormuud u ah Koonfur iyo annagoo sidoo kale hormuud u ah reer waqooyiga, kadibna aad sidaas  ku qaadataan  madaxweynaha aan dhicin, annaguna Raysal wasaare aan dhicin, sidaasna ku ahaanno labo maamul oo isku darsaday, oo midwalba maamul hoosaadkiisa leeyahay.

Halkaasna reerkii magaca weynaa noqdo mid laga  xukumo Koonfur, Waqooyi, Itoobiya iyo Kenya, kadibna sidaas Kurdi oo kale ku noqdaan, oo aysan  mar dame, masraxa siyaasadda Somaliya wax ka noqon.

Oogaaddana Soomaliya waxay ka degaan yihiin dhulka ugu kheeraadka yar, waana dadka ugu tirada yar marka xudduudaha la soo xiro, xaqba uma laha in ay wax xukumaan. Sir ma qabe Alla u sahan ah. Sheekadan, markii Tuur uga sheegeeynayey rag ka tirsan SNA iyo SNM, dhegahayaga ayaan ku maqlayney, annagoo joogney qol ka mid ah guri uu inna Naxar ku leeyahay KM5,Mogadishu,Alle ha u naxariistee, annagoo  ka koobnayn saddex nin Aniga oo C/hi, Suldan C/lahi Cabdi Koor, iyo Inna Niiniile. Waa waqtigii shirkii Caydiid, Alle ha naxariistee  ku samaynaayey Dawladdiisa Salbaladh 1994tii.

Aad ayaan uga xumahay in sirtaasi aan soo bandhigo, ha yeeshee iyagaa  doonaya in  ay xoog ku qabsadaan dad iyo dhul aysan u dhalan, si ay ay miisaan siyaasaddeed u helaan, maalinta Koonfur iyo Waqooyi ay miis wax ku qaysanayaan.

Maadaama qorshaha Somalidiidku sidaas yahay, oo ay dhammaan hormuudkooda sidaas qabaan, iyagoo isla qabweyn. waxaa waajib ah in aannu difaacno jiritaan kayaga ilaa iyo inta laga gaarayo Somali isku hadaf ah.  Ma dhacayso in Somalidiid maquuniyo Sool, Sanaag iyo Cayn ilaa inta naftu nagu jirto. Sharafka iyo karaamadda waa qaybta ugu muhimsan nolosha, ma dhacayso Somalidiid , aan damiir lahayn in ay dhabarka ka jebiyaan rabitaanka shacabkayaga ee u heelan midnimo Somaliyeed,

Ugu dambayntii, si fudud ayaa ku soo gasheen gurigii Daraawiishta, waxaad ka bixidoontaan idinkoo jab la huleelay, oo geed kasta idiin dhaqdhaqaayo cabsi darteed iyo annagoo guul sharaf leh la hoyandoona.

“Akhri Qorshaha Dabargoynta ee SNM ama Isaaqu Dadka aan Isaaqa ahayn u dejiyeen 1991.”

Isir nacaybkii Qaaxo ee SNM ama beesha Isaaq

In aan burburino dhaqaalaha iyo Horumarka dhamaan dadka aan ahayn qabiilka Isaaq

Si’aan usoo bandhigno fidinta halgankii hubaysnaa ee dheeraa,iyo khidadihii kaasi oo aynu ku guulaysaney xoraynta gobolada waqooyiga Soomaaliya, oo aan gacanta ku dhigney guusheenii u danbeysey.waxaa lagama maarmaan ah in aynu sameysano weji cusub kaasi oo ah siyaasadeena cusub.

Sidaa darraadeed si loo dejiyo qorshaha iyo nidaamka siyaasadeena cusub ee leh baaxada sidaasi u balaadhan. Shir aan caadi ahayn ayaa waxaa qabtay gudiga amaanka (SNM) Oo uu gudoominayo gudoomiyaha jabhada C/raxmaan Axmed Cali. Shirkan waxaan kaga hadalnay marxaladihii kala gedisnaa ee uu soomaray halgankeenu, taasi oo ay saldhig u tahay in aynu qaabaysano siyaasad cusub oo aynu udejisano geyigan.

Waxaan dhamaanteen ka warqabna xaqiiqda,in dadka aan ahayn Isaaq ee inala degan gobolada waqooyi,kuwaasoo ka dhego xidhnaa dhiigii daadanayey ee xukunkii Siyaad Barre, halgankan waxaynu ku luminay dad badan kuwaasoo aan la ilaawi karin oo weli baaqi ku ah xasuusteena, ayna xusi doonto taariikhdu.
Si looga hortago oo loo hubiyo mustaqbalka dadka lidiga inagu ah ee aan ahayn isaaqa (Warsangeli,Dhulbahante,Gudabuursi) ). Hada waxaynu haysanaa fursad ah baahi aynu u qabno in aynu ka dhigno waqooyiga Soomaaliya gebi ahaantiis dhul ay ka taliyaan Reer Shiikh Isxaaq oo keliya.

Sidaasi daraadeed si’aynu ugu guulaysano hadafkeena cad iyo ujeedooyinka kuwaasi oo umidho dhali doona jiilasha cusub, waxaanu dejisanay shuruudahan iyo qodoban oo ah kuwo aan la baal mari karin.

(1). Gebi ahaanba in hubka laga dhigo oo laga dheereeyo qabiilada aan ahayn Isaaq ee inala dega waqooyiga Soomaaliya. Kuwaasi oo hadii kale joojinaya,caqabadna ku noqon kara ujeedada iyo doonisteeda ah in aynu guud ahaan xukuno dhulkaasi oo idil.

(2). In aan burburino dhaqaalaha iyo Horumarka dhamaan dadka aan ahayn qabiilka Isaaq ee gobolka degan, si aanay awood ugu yeelan taasi oo ah awood maamul iyo mid ciidan.

(3). In aan yeelano sir qabiil oo inoo gaar ah,iyo ciidan sirdoon ah oo soo ururiya xogta iyo mawqifka cadowgeenu higsanayaan, iyo dhamaan dhaqdhaqaaq iyo xarakaadka ay samaynayaan dadka aan isaaqa aheyn ee inala degan gobolada Waqooyi.

(4). In aynu ugu talo galno cad quudheed aan muuqan,dadka aan aheyn Isaaqa ee xukuumadeena hoos iman doona iyo golaha wasiirada taasi oo si dhaqkhso ah loo dejiyo.
Tani oo ay ujeedadoodu tahay si hoos loogu dhigo dadkaasi, boosaaskooda dastuuriga ahna ay buuxiyaan dadkeenu.

(5). In loo dhiibo xilalka ciidanka xubnaha Firfircoon ee SNM, si maamulku uusan gacanteena udhaafin, sidoo kale in ciidamo dalriix ah la dulgeeyo dhamaan dhulka ay degaan beelaha aan ahayn Reer Shiikh Isxaaq, si waxwalba oo aynu doonayno ay u hirgalaan loolana socdo xarakaadkooda.

(6). In si joogto ah loo argagax geliyo laguna abuuro cabsi, qabiilada aan ahayn Isaaqa, si dhulkooda aan udegno oo u qabsano, aynuna u balaadhino dhulka Reer Shiikh Isxaaq.

(7). In aynu u ololeyno abuuritaanka borobogaandooyin iyo hawlo been abuur, kuwaasi oo ujeedadoo ay tahay in aynu ka hortagno in ay waxfahmaan oo yeeshaan isbaahaysi qabiilada aan ahayn Isaaqa kuwaasi oo ah, Warsangeli,Dhulbahante, oo ah dhinac iyo dhinaca kale, Gudabiirsey iyo Ciise.

(8). In aan ku wacyigalino dunida kuna fidino fikrada dadweynaha in SNM ay hoostimaado nabada iyo amniga waqooyiga Soomaaliya, Micnaha (In aynaan ka guurin SNM e u guurno qaab dawladeed dadkana ka dhaadhicino in aynu nahay Dawlad inagoo ku dhaqmayno nidaam hoosaadkeena SNM).

Gebagebadii, si aynu ugu guulaysano hirgelinta iyo dhameystirka ujeedooyinkeena aynu soo xusnay ee gundhiga u ah halgankeena. Waxaa lagama maar maan ah in aynu ka dhaadhicino oo ku hirgelino siyaasad qabow oo ay weheliso khayaano iyo dhagrid ku wajahan dadka aan aheyn Isaaqa ee inala degan waqooyiga.inagoo ku dibaaqeyna maahmaahda Soomaaliyeed ee ah : “Dhib iyo Rafaad geli dabadeedna Dil”.

14. March. 1991

Yaa Mudan talaalka covid19?

Ma laga yaabaa in Kuwani noqdaan kuwa ugu horeeya ee Soomaalida ee qaata Talaalka Covid19?

Dood ayaa ka socota Bulshada caalamka dhexdeeda, qaar ahaan Wadamada awooda u leh inay Shacabkooda siiyaan talaalka COVID 19.

Doodaadan ayaa ah yaa Mudan in la Siiyo Talaalka covid 19?

Haddii aynu Soomaali nahay ma haysano ama lihin awood dhaqaale oo aan ku soo iibsano talaalka Covid 19, waxaynu sugnaa waa gacan hoorsigii aynu ku noolayn ee Bulshada Caalamka, oo marka ay baahidooda haqab tiraan ina xasuust

Soomaaliya maanta waxa hor boodaya waa Danbiile iyo qabqable dagaal oo denbiyo Bani aadanimo ka gaystay gudaha Somaliya.

Tusaale ahaan, sawirka hoose waa Gar gaar gawaari raashin u waday Bulshada reer Bakool oo maalintaas Boqolaal ay Macaluul iyo gaajo u dhimanayeen degaanadaas sanadkii1993, waxaana dhibtaas gaystay waxay ahaayeen Soomaali kale iyo Jabahaddii USC. Kaalmadan waxa laga keenay deeq bixiyaasha reer Galbeedka, oo bad baadiyey Soomaali badan.

Sawirka labaad waa maanta oo deeq loo waday gobolka Bakool lagu ilaalinayey Tikniko ay leeyihiin Dawladda Itoobiya. Deeqdan waxa laga keenay deeqbixiyasha reer galbeedka. Waxa Ciidanka Itoobiyaanku ka ilaalinayaan waa Soomaali kale.

Dhowaan waxa la sheegay in dalka Soomaaliya loogu deeqayo talaalka covid 19, hadaba su’aasha is waydiinta mudan ayaa waxay tahay yaa mudan in marka hore talaalka la siiyo , ma ninka nolol samaystay oo haraagiisiina Bulshada caalamka intiisa kale gaarsiiyey. Mise tuugan aan shaqaysan oo dhaca iyo tuugnimada u jooga?. Soomaalida kuwa denbiyada dagaal iyo Baniaadanimo galay ayaa talaalka ugu horaynaya. Haddii danbiile dagaal siyaasi noqday maxaa diidaya inuu talaalkana kaaga hor maro.

Wasiirka Qorsheynta oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya

Wasiirka Qorsheynta oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya

Wasiirka Qorsheynta, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga dawladda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay wadashaqeynta labada Wasaaradood iyo sidii iskaashi dhinac walbo ah loo abuuri lahaa.

Sidoo kale Wasiir Jamaal ayaa Wasiirka Difaaca ku soo wareejiyay qeybaha kala duwan ee ay Wasaaradda Qorsheynta ka kooban tahay.