6th February 2023  admin  Category :

Yaa ku yidhi Soomaalida Qof dhintay lama sheego taariikdiisa?

Qorshihii Dabar goynta Daarood ee SNM iyo USC Sawiradu waa:

1) Maxamed Warsame ‘Kimiko’
USC, ka dibna aasaasihii iyo Madaxweynihii Galmudug.
2) Axmed Maxamed ‘Silanyo’
Gudomiyihii SNM
3) Jeneral Maxamed Farax Caydiid, Gudoomiyihii USC
4) Mr Ismacil Bubaa, Jabhad SNM ah oo sida is geeda saarka u shaqeeya
5) Dr Maxamed C.Gabose, SNM.

Bulshada Caalamka ku nooli waa u kala duwan yihiin kan wax u qabtay iyo kooda ka shaqeeyey lugooyadooda, isku sina looguma abaal gudo, marka ay nool yihiin iyo marka ay dhintaanba.

Geesiyaasha Dalkooda iyo dadkooda u hiiliyey oo wax fiicana u qabtay Bulshadooda iyo tan caalamka sida Mandela Taalooyin ayaa loo dhisaa, filimo ayaa laga sameeyaa lagu xasuusto iyo Caruurta oo taariikhdaas qurxoon uu qofkaasi sameeyey loogu dhigo Dugsiyada, si jiilba jiilka ka danbeeya ugu gudbiyo

Kuwooda taariikhda ka galay baalka madaw, oo dibin daayo iyo dagal oognimo ka galay dalkooda sida Naasigii Heinrich Himmler Jarmalka, magacooda iyo taariikdoodii xumayd waa la aasaa oo lama soo hadal qaado .

Laakiinse waxa jira Dad taariikhdaa madow u arka inay tahay toodii ugu fiicnayd sida Jabahadihii Soomaalida ee USC IYO SNM oo ay kala hogaaminayeen Caydiid iyo Siilaanyo

Dhowaan waxa geeriyooday Allah ha u naxariistee General Mohamed Nur Galaal , dadkii ugu horeeyey ee u tacsiyadeeyey waxay ahaayeen Siyaasiyiinta Isaaq ee Habar Awal iyo Garxejis, oo aan iyagu heshiis ahayn sida Waraabe iyo Biixi, sidoo kalena aan Soomaali dhexdeeda taariikh iyo sumacad wanaagsan ku lahayn . Waraysigii ugu danbeeyey uu Galaal bixiyey waxa ka mid ahaa hadalkiisii “anaga iyo Isaaq ayaa ugu badan Soomaali”.

Sida muuqatay waxa socday qorshe ay labada dhinac iska kaashanayeen oo lid ku ahaa beesha Daarood

Sodon sano ka hor, muuqaalkan hoose Galaal Allah ha u naxariistee, wuxuu ku leeyahay isaga oo jees jeesaya markaan beesha Daarood qaxinay oo ay leeyihiin guryahagii ayaan ku soo laabanaynaa, oo hubkii naga dhamaaday waxa hub nooga yimid Hargaysa si xasuuqa iyo barakicinta u sii wadno, wuxuuna sheegay in hubkaas u soo diray Soomaali kale oo taariikh madow ka tegay oo dagaal ooge ahaa Cabdirahmaan Tuur.

Ninkii isagu qirtay, inuu dad dilay, xasuuqay oo ka barakiciyey Guryahoodii ayaa Soomaali qaarkeed hadda leeyihiin Awliyuu ahaa ee yaan wax laga qorin ama laga sheegin

MAQAAL HORE

Wax badan ayey Puntland samir u muujisay kuwa samirku ka dhammaday ee Somalidiidka ah, wax badan ayaan geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay darteed nabad, muslinimo, Somalinimo,darisnimo iyo qaraabanimo, ha yeeshee Somalidiidku ma qadarin taas, waxa ka go’an in ay u qaybiyaan reer puntland labo, mid laga xukumo Somalidiidka iyo mid laga xukumo koonfurta, taas waxaa daliil u ah  hadalkii C/raxmaan Tuur , Alle ha u naxariistee uu yidhi sodon sano ka hor ” Waxaan ku jirney qorshe Daarood lagu kala qaybiyo cuddudiis, sida Kurdiga oo kale ayaan go’aansanay in aannu ka dhigno, ha yeeshee  Hawiyoow idinkaa ka siidaayey daminkii loo qoolay.

Maanta C/hi Yusuf in reysal wasaaraha nagu qabsadu idinka keennay, waxay  ahayd idinkoo Majeerteen iyo Mareexaan soo jilciyey, oo madax salaax u soo sameeyey, oo  miiska wadda-hadalada xagga dambe in ay ka fadhiistaan raali ku ah, iyagoo maynoorati ah, iyo idinkoo majoorati ah, oo xagga hore soo fariista. Anaguna sidaas kale, ka dibna miiska wadda hadaladda soo fadhiisano idinkoo hormuud u ah Koonfur iyo annagoo sidoo kale hormuud u ah reer waqooyiga, kadibna aad sidaas  ku qaadataan  madaxweynaha aan dhicin, annaguna Raysal wasaare aan dhicin, sidaasna ku ahaanno labo maamul oo isku darsaday, oo midwalba maamul hoosaadkiisa leeyahay.

Halkaasna reerkii magaca weynaa noqdo mid laga  xukumo Koonfur, Waqooyi, Itoobiya iyo Kenya, kadibna sidaas Kurdi oo kale ku noqdaan, oo aysan  mar dame, masraxa siyaasadda Somaliya wax ka noqon.

Oogaaddana Soomaliya waxay ka degaan yihiin dhulka ugu kheeraadka yar, waana dadka ugu tirada yar marka xudduudaha la soo xiro, xaqba uma laha in ay wax xukumaan. Sir ma qabe Alla u sahan ah. Sheekadan, markii Tuur uga sheegeeynayey rag ka tirsan SNA iyo SNM, dhegahayaga ayaan ku maqlayney, annagoo joogney qol ka mid ah guri uu inna Naxar ku leeyahay KM5,Mogadishu,Alle ha u naxariistee, annagoo  ka koobnayn saddex nin Aniga oo C/hi, Suldan C/lahi Cabdi Koor, iyo Inna Niiniile. Waa waqtigii shirkii Caydiid, Alle ha naxariistee  ku samaynaayey Dawladdiisa Salbaladh 1994tii.

Aad ayaan uga xumahay in sirtaasi aan soo bandhigo, ha yeeshee iyagaa  doonaya in  ay xoog ku qabsadaan dad iyo dhul aysan u dhalan, si ay ay miisaan siyaasaddeed u helaan, maalinta Koonfur iyo Waqooyi ay miis wax ku qaysanayaan.

Maadaama qorshaha Somalidiidku sidaas yahay, oo ay dhammaan hormuudkooda sidaas qabaan, iyagoo isla qabweyn. waxaa waajib ah in aannu difaacno jiritaan kayaga ilaa iyo inta laga gaarayo Somali isku hadaf ah.  Ma dhacayso in Somalidiid maquuniyo Sool, Sanaag iyo Cayn ilaa inta naftu nagu jirto. Sharafka iyo karaamadda waa qaybta ugu muhimsan nolosha, ma dhacayso Somalidiid , aan damiir lahayn in ay dhabarka ka jebiyaan rabitaanka shacabkayaga ee u heelan midnimo Somaliyeed,

Ugu dambayntii, si fudud ayaa ku soo gasheen gurigii Daraawiishta, waxaad ka bixidoontaan idinkoo jab la huleelay, oo geed kasta idiin dhaqdhaqaayo cabsi darteed iyo annagoo guul sharaf leh la hoyandoona.

“Akhri Qorshaha Dabargoynta ee SNM ama Isaaqu Dadka aan Isaaqa ahayn u dejiyeen 1991.”

Isir nacaybkii Qaaxo ee SNM ama beesha Isaaq

In aan burburino dhaqaalaha iyo Horumarka dhamaan dadka aan ahayn qabiilka Isaaq

Si’aan usoo bandhigno fidinta halgankii hubaysnaa ee dheeraa,iyo khidadihii kaasi oo aynu ku guulaysaney xoraynta gobolada waqooyiga Soomaaliya, oo aan gacanta ku dhigney guusheenii u danbeysey.waxaa lagama maarmaan ah in aynu sameysano weji cusub kaasi oo ah siyaasadeena cusub.

Sidaa darraadeed si loo dejiyo qorshaha iyo nidaamka siyaasadeena cusub ee leh baaxada sidaasi u balaadhan. Shir aan caadi ahayn ayaa waxaa qabtay gudiga amaanka (SNM) Oo uu gudoominayo gudoomiyaha jabhada C/raxmaan Axmed Cali. Shirkan waxaan kaga hadalnay marxaladihii kala gedisnaa ee uu soomaray halgankeenu, taasi oo ay saldhig u tahay in aynu qaabaysano siyaasad cusub oo aynu udejisano geyigan.

Waxaan dhamaanteen ka warqabna xaqiiqda,in dadka aan ahayn Isaaq ee inala degan gobolada waqooyi,kuwaasoo ka dhego xidhnaa dhiigii daadanayey ee xukunkii Siyaad Barre, halgankan waxaynu ku luminay dad badan kuwaasoo aan la ilaawi karin oo weli baaqi ku ah xasuusteena, ayna xusi doonto taariikhdu.
Si looga hortago oo loo hubiyo mustaqbalka dadka lidiga inagu ah ee aan ahayn isaaqa (Warsangeli,Dhulbahante,Gudabuursi) ). Hada waxaynu haysanaa fursad ah baahi aynu u qabno in aynu ka dhigno waqooyiga Soomaaliya gebi ahaantiis dhul ay ka taliyaan Reer Shiikh Isxaaq oo keliya.

Sidaasi daraadeed si’aynu ugu guulaysano hadafkeena cad iyo ujeedooyinka kuwaasi oo umidho dhali doona jiilasha cusub, waxaanu dejisanay shuruudahan iyo qodoban oo ah kuwo aan la baal mari karin.

(1). Gebi ahaanba in hubka laga dhigo oo laga dheereeyo qabiilada aan ahayn Isaaq ee inala dega waqooyiga Soomaaliya. Kuwaasi oo hadii kale joojinaya,caqabadna ku noqon kara ujeedada iyo doonisteeda ah in aynu guud ahaan xukuno dhulkaasi oo idil.

(2). In aan burburino dhaqaalaha iyo Horumarka dhamaan dadka aan ahayn qabiilka Isaaq ee gobolka degan, si aanay awood ugu yeelan taasi oo ah awood maamul iyo mid ciidan.

(3). In aan yeelano sir qabiil oo inoo gaar ah,iyo ciidan sirdoon ah oo soo ururiya xogta iyo mawqifka cadowgeenu higsanayaan, iyo dhamaan dhaqdhaqaaq iyo xarakaadka ay samaynayaan dadka aan isaaqa aheyn ee inala degan gobolada Waqooyi.

(4). In aynu ugu talo galno cad quudheed aan muuqan,dadka aan aheyn Isaaqa ee xukuumadeena hoos iman doona iyo golaha wasiirada taasi oo si dhaqkhso ah loo dejiyo.
Tani oo ay ujeedadoodu tahay si hoos loogu dhigo dadkaasi, boosaaskooda dastuuriga ahna ay buuxiyaan dadkeenu.

(5). In loo dhiibo xilalka ciidanka xubnaha Firfircoon ee SNM, si maamulku uusan gacanteena udhaafin, sidoo kale in ciidamo dalriix ah la dulgeeyo dhamaan dhulka ay degaan beelaha aan ahayn Reer Shiikh Isxaaq, si waxwalba oo aynu doonayno ay u hirgalaan loolana socdo xarakaadkooda.

(6). In si joogto ah loo argagax geliyo laguna abuuro cabsi, qabiilada aan ahayn Isaaqa, si dhulkooda aan udegno oo u qabsano, aynuna u balaadhino dhulka Reer Shiikh Isxaaq.

(7). In aynu u ololeyno abuuritaanka borobogaandooyin iyo hawlo been abuur, kuwaasi oo ujeedadoo ay tahay in aynu ka hortagno in ay waxfahmaan oo yeeshaan isbaahaysi qabiilada aan ahayn Isaaqa kuwaasi oo ah, Warsangeli,Dhulbahante, oo ah dhinac iyo dhinaca kale, Gudabiirsey iyo Ciise.

(8). In aan ku wacyigalino dunida kuna fidino fikrada dadweynaha in SNM ay hoostimaado nabada iyo amniga waqooyiga Soomaaliya, Micnaha (In aynaan ka guurin SNM e u guurno qaab dawladeed dadkana ka dhaadhicino in aynu nahay Dawlad inagoo ku dhaqmayno nidaam hoosaadkeena SNM).

Gebagebadii, si aynu ugu guulaysano hirgelinta iyo dhameystirka ujeedooyinkeena aynu soo xusnay ee gundhiga u ah halgankeena. Waxaa lagama maar maan ah in aynu ka dhaadhicino oo ku hirgelino siyaasad qabow oo ay weheliso khayaano iyo dhagrid ku wajahan dadka aan aheyn Isaaqa ee inala degan waqooyiga.inagoo ku dibaaqeyna maahmaahda Soomaaliyeed ee ah : “Dhib iyo Rafaad geli dabadeedna Dil”.

14. March. 1991

4 thoughts on “Taalooyinka maxaa loo dhisaa?

  1. Jirac

    Su’aashii aan jeclaa ee iga shaabadeysay inankan xanaaqsan yaa dejiya ee aan xiisaha u qabay inaan markasta odayadayadii isiiyaan waxay aheyd “Daarood ma Hawiye iyo Isaaq buu gumeysan jiray?. Hal jawaab ah ee la’isiieyey baa waxay aheyd munaafiqu intay ku nabtaan bay Nabiga NN korkiisa ha’ahaatee buu kaaga horeeyaa. Which is the other way around si ay ii fahamsiiyaan waxay isku dayeen tusaaleyn “waxay isku dayayaan inay xaqiraan DIBIRGOYNTA DAAROOD ee Somali lagu gowracay waxayna u rogagin iney victims yihiin marka jiilkiinan ha ilaawinana inaad ka xisaabtantaan DIBIRGOYNTA DAAROOD” we will never ever forget period. This is 2021 30 years baynu sugeyney hadeynu gaadhney it just started to fight back waa sanadkii aynu sugeyney no more shaatiga shaydaanka dhibka iyo shidada dadkanaga lagu hayo mid dad iyo mid Deegaan it’s all over.

    Reply
  2. Horseed

    Dadka taariikhda xun dalka Soomaaliya ka galay waa in taariikhdooda xun la xusaa, qaar ayaa lahaa Galaal taalo haloo dhiso, iyagoo ka duulaya dagaalkii 1977 ee Itoobiya lala galay, balse dagaalkii Itoobiya waxaa ka danbeeyey dagaalkii sokeeye, Galaalna dagaalkaa sokeeye ayuu qeeyb ka ahaa waana isagaa wareeysigiisa ku sheegaya rasaasta uu Hargeeysa ka soo daabulayey si Daaroodka loogu laayo.

    Reply
  3. Mohamad

    Allsanaag
    Please gobonimo muujiya oo u adkaysi lahaada aragtiyaha ka gadisan sunta aad afuufaysaan,cuqdada,beenta,naxliga iyo nacaybja aad u qabtaan Isaaq & Hawiye,hadii kale waxba ha ka sheegina.

    Daarood wuxu geystay,kuna geystay shaadh dawladeed iyo qabyaaladii aad dalkii dhamaa Ku dumiseen,naxlina kala dhex dhigteen umaddii soomaaliyeed ee walaalaha ahaa walina dabada haysaan sidii oo aad cid wax Ku yeeli kartaan!!!

    Qudhunkaa natiijadeedii soomaali aragtay,cidda dawlad Ku nool ahayd ee la’aanteed noolaan Karina muuqatay,waana middii keentay riditaanka dawladdii reerka u gaarka ahayd,dheefteedana aad keligiin maalayseen,Ku kaliyowdeen si qabyaaladaysan difaaceeda,awoodise weydeen idinkoo haystay hubkii dawlada nooc kasta dabaabado,diyaarado,ciidankii qaranka iwm,kuna cuqdad bixi weyde,waana Ku jabteen,waxbana SNM & USC-da aad Ku waalateen idinma yeelin ka badan waxaad dhigteen,hadana wali Durban qabiil baad garaacaysaan,natuijadase waad heli doontaan again.
    Ilaahay cuqdada ha idinka daweeyo.

    Reply
  4. Mustafa .Noor

    Dadku iskuma nebcaadaan is gumaysi oo qudha
    Waxayaalo badan oo kale ayaa keeni kara necaybka
    Waxyaalahaas oo ay ka mid yihiin taariikhda bulshada sida la og yahay marka laga hadlayo soomaali waxa ay taariikhyahanadu u qaybiyaan soomaalida sab iyo nasab ama dadka ku abtirsada qabaa’iilka caanka ah kuwaas ayaa markaa waxa aad carabka loogu dhuftaa
    Laba qaybood oo ay taariikhda Soomaalidu aad uga sheekayso
    Labadaa qaybood ayaa kala ah
    Dir iyo daarood
    Dir markaa waa la yaqaanaa
    Daaroodna waa la yaqaanaa
    Waxa soo hadhay waa digil iyo midhifle iyo hawiye iyo isaaq intaa ka dib ayaa mar qudha waxa la maqlay qayb sadexaad oo loogu yeedhey
    Irir samaale oo la yidhi waxa soo gala isaaq
    Halkaa ayaa laga bilaabay in la bedlo
    Qaybinta soomaalida oo ku salaysnayd
    (DIR IYO Daarood )
    Waxana la bilaabay abaabul ah in la dhiso
    Jabhado ku abtirsada huwntaa ( irir )
    Oo la asaasey 1981
    Waxana lagu khaldaa dadka wixii ka dhacay woqooyi galbeed 1988 .
    Oo loogu sheekeeyo xasuuq ayaa laynoo geestey
    Oo ay ka danbeeyeen ( Daarood) .
    Waa sida loo khalday dadka .
    _______________
    Qore. Mustafa .M .Noor
    Alexandria.
    Arab Republic of Egypt .

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*