26th July 2024  admin  Category :

Ma laga yaabaa in Kuwani noqdaan kuwa ugu horeeya ee Soomaalida ee qaata Talaalka Covid19?

Dood ayaa ka socota Bulshada caalamka dhexdeeda, qaar ahaan Wadamada awooda u leh inay Shacabkooda siiyaan talaalka COVID 19.

Doodaadan ayaa ah yaa Mudan in la Siiyo Talaalka covid 19?

Haddii aynu Soomaali nahay ma haysano ama lihin awood dhaqaale oo aan ku soo iibsano talaalka Covid 19, waxaynu sugnaa waa gacan hoorsigii aynu ku noolayn ee Bulshada Caalamka, oo marka ay baahidooda haqab tiraan ina xasuust

Soomaaliya maanta waxa hor boodaya waa Danbiile iyo qabqable dagaal oo denbiyo Bani aadanimo ka gaystay gudaha Somaliya.

Tusaale ahaan, sawirka hoose waa Gar gaar gawaari raashin u waday Bulshada reer Bakool oo maalintaas Boqolaal ay Macaluul iyo gaajo u dhimanayeen degaanadaas sanadkii1993, waxaana dhibtaas gaystay waxay ahaayeen Soomaali kale iyo Jabahaddii USC. Kaalmadan waxa laga keenay deeq bixiyaasha reer Galbeedka, oo bad baadiyey Soomaali badan.

Sawirka labaad waa maanta oo deeq loo waday gobolka Bakool lagu ilaalinayey Tikniko ay leeyihiin Dawladda Itoobiya. Deeqdan waxa laga keenay deeqbixiyasha reer galbeedka. Waxa Ciidanka Itoobiyaanku ka ilaalinayaan waa Soomaali kale.

Dhowaan waxa la sheegay in dalka Soomaaliya loogu deeqayo talaalka covid 19, hadaba su’aasha is waydiinta mudan ayaa waxay tahay yaa mudan in marka hore talaalka la siiyo , ma ninka nolol samaystay oo haraagiisiina Bulshada caalamka intiisa kale gaarsiiyey. Mise tuugan aan shaqaysan oo dhaca iyo tuugnimada u jooga?. Soomaalida kuwa denbiyada dagaal iyo Baniaadanimo galay ayaa talaalka ugu horaynaya. Haddii danbiile dagaal siyaasi noqday maxaa diidaya inuu talaalkana kaaga hor maro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*