26th July 2024  admin  Category :

Mashuruucii Siciid Qorsheel soo xero geliyey ee maamulka Hawda Soomaaliya ayaa Muqdisho laga furayaa maalinta berito ah.  Wasiir Qorsheel ayaa si cad ugu sheegay maamulka SNM  in xarunta maamulka hawada Soomaaliya uu noqon doono caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo marna magaalo kale la gayn doonin

Wasiiru dowlada Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada Cabdi raxmaan Kulmiye Xersi Cabdiraxmaan Dheere ayaa sheegay in Maalinta Beri ah magaalada Muqdisho lagu qaban doono Munaasabad lagu daah furayo Xarunta lagala socon doono Maamulka Hawada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ay ku guuelysatay inay la soo wareegto maamulka Hawada Soomaaliya oo tan iyo sanadkii 1991 laga maamulayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana hada gacanta ku heysay Hay’adda ICAO.

Cabdiraxmaan Dheere ayaa sheegay in la rakibay dhamaan qalabkii lagu shaqeyn lahaa, shaqaalo badan loo tababaro iyadoo Madaxda dalka ay kasoo qeyb gali doonaan Munaasabada Daah furka.

Wasiiru dowlada ayaa sheegay in talaabadan ay tahay Guul usoo hoyatay Shacabka Soomaaliyeed, waxayna wax badan ka bedeli doontaa Dhaqaalaha Soomaaliya.

  

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*