27th July 2024  admin  Category :

Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa la wareegtay qalabka lagu hagi lahaa Hawada Soomaaliya, iyadoo la bilaabay xiritaanka qalabkan oo lagu maamuli doono hawada Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka Maxamed C/llaahi Oomaar iyon Maareeyaha Guud ee Hey’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada Soomaaliya Yuusuf Cabdi Cabulle ayaa qalabkan ka guddoomay hey’ad laga leeyahay dalka Talyaaniga.

90 maalmood kaddib ayaa la filayaa inay Soomaaliya yeelato qalab casri ah oo lagu hago Hawada Soomaaliya iyo shaqaale tababaran oo ku shaqeyn doona xarunta dhexe ee Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya ee Muqdisho.

Maareeyaha Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle ayaa sheegay in dhowaan dowladdu si rasmi ah ula wareegi doonto Maamulka Hawada Soomaaliya, kaddib 20 sano ka badan oo ay gacanta ku heysay Hey’adda ICAO ee Qaramada Midoobey.

Wasiirka iyo maareeyaha ayaa muddooyinkii u dambeeyay dadaal ugu jira dhameystirka qorshaha ay dowladda Soomaaliya kula wareegeyso maamulka hawada Soomaaliya.

Illa 3 konteenaro oo ay ku jiraan qalabkan ayaa la bilaabay la xir xiro, waxaana bilow u tahay in bilaha soo socda Muqdisho lagala socdo hagida iyo la socodka Hawada Soomaaliya.

https://youtu.be/6zUYEVD3Htg

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*