Dooarshada lix kursi oo ka mid ah Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ee xubnaha kasoo galaya maamulka HirShabelle, ayaa maanta ka billaabatay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Kursiga u horreeyey ee doorashadiisa la qabtay ayaa ah kursiga HOP#086, waxaana ku tartamayay Fahad Daahir Axmed oo ah La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, horeyna usoo nqoday Agaasimha hay’adda Nabd-sugidda NISA.
Fahad ayaa helay 70 cod, halka musharraxa la tartamayey Axmed Dayib Axmed uu helay 24 cod, waxaa la sheegay inay saddex cod ay xumaadeen.
Kursiga Fahad ku guuleystay ayaa waxaa Golaha Shacabka ee muddo xileedkiisu dhammaaday ku fadhiyey xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir.
Fahad Yasin has delivered great speech after his election as member of parliament today. congratulations to you 🎉Fahad Yasin amazing win for incoming MP of 11th @Golaha_shac_JFS. Fahad Yasin Is a Somali🇸🇴Patriots May allah bless you. May allah bless our country #Somalia 🇸🇴 pic.twitter.com/aMlLYyW9bo
War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa lagu laalay heshiiskii ay wasaaradda batroolka iyo macdanta Soomaaliya la gashay shirkadda shidaalka baarta ee Coastline Exploration Ltd, oo laga leeyahay dalka Mareykanka, iyadoo xafiiska Hantidhowrku uu wasaaradda iyo hay’adaha ay khusayso ogaysiiyay in uu heshiiskaasi yahay waxba kama jiraan.
Sidoo kale qoraalka Hantidhowraha dalka waxaa lagu shaaciyey in gal-dacwadeed uu u gudbiyay Xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud ee Qaranka, si tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado ciddii ku lugta lahayd. Sidoo kale Hantidhowraha ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble kula taliyay in shaqa ka joojin lagu sameeyo dhammaan shaqsiyaadkii qabyta ka ahaa saxiixa heshiiskaas.
Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran
Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka (XHGQ) waxaa uu dib-u-eegis ku sameeyay hannaanka iyo habraacyada loo maray heshiiska la shaaciyay inuu saxiixay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee ku aaddanaa bixinta toddobo xirmood oo shidaalka Soomaaliya ah.
Waxaa Xafiiska dib-u-eegistaas uga soo baxday in si toos ah loo baalmaray Dastuurka Ku Meel Gaarka ah ee JFS, Sharciga Iibka Qaranka (Sharci Lr. 22 iyo wax-ka-beddelkiisa), Sharciga Batroolka (Sharci Lr. 19) iyo habraacyada dhaqan-galka ah ee dalka, kuwaas oo loo asteeyay in lagu maamulo gelidda heshiisyada caalamiga ah.
Taallaabadaas ayaa khatar mug leh ku ah khayraadka ummadda Soomaaliyeed iyo dhawritaanka dhigaalka hantiyeed ee jiilka mustaqbalka.
Haddaba, XHGQ isaga oo gudanaya waajibaadkiisa Qaran ayaa waxa uu ku wargeliyay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta iyo hay’adaha ay khuseysaba in uu heshiiskaas gabi ahaanba waxba kama jiraan yahay.
Sidoo kale, Xafiisku waxaa uu warqad u gudbiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo hay’addaha ku shaqada leh, si loo hubiyo loogana gun-gaaro haddii ay jiraan falal musuq ah oo saameyn ku leh saxiixa heshiiska sharci darrada ah ee ay ku lugta lahayd shirkadda Coastline Exploration Ltd, iyadoo la tixraacayo shuruucda dalkeenna, U.S. Foreign Corrupt Practices Act (FCPA) iyo shuruucda kale ee caalamiga ah.
Intaa waxaa dheer in XHGQ uu gal-dacwadeed u gudbiyay Xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud ee Qaranka si ay waajibaadkooda sharciga waafaqsan uga gutaan, natiijada baaristana ay ula wadaagaan ummadda Soomaaliyeed.
Sidaas si la mid ah, XHGQ isaga oo ka jawaabaya codsi ka soo gaaray Ra’iisul Wasaaraha XFS kaas oo ku qotomay in baaris lagu sameeyo heshiiska sharci darrada ah, ayaa Xafiiska waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha XFS la socodsiiyay in uu gutay waajibaadkii arrinkaan kaga aaddanaa.
XHGQ ayaa ku taliyay in Ra’iisul Wasaarahu uu shaqo ka joojin ku sameeyo dhammaan shakhsiyaadka ku lugta leh saxiixa heshiiska sharci darrada ah illaa iyo inta laamaha garsoorka ay waajibaadkooda kaga aaddan ka gudanayaan.
Ugu danbayn Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka waxa uu mar walba u taaganyahay ilaalinta hantida ummadda Soomaaliyeed iyo hubanti-galinta in la dhaqan galiyo shuruucda dalka. Iyada oo taa laga duulayo, waxaan markale xusuusinaynaa hay’adaha Dowladda in ay ka dhawrsoonaadaan ku tagri-falka hantida dadweynaha iyo baalmarka shuruucda dalka.
Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa lagu caddeeyay in heshiiska uu Wasiirka Batroolka saxiixay ee la xariirta arrimaha shidaalka uu yahay mid baal marsan sharciga dalka, isla markaana uu Ra’iisul Wasaaruhu qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.
“Heshiiska la sheegay in Wasiirka Batroolku uu saxiixay ee la xiriira arrimaha Shidaalka Soomaaliya waa mid sharci darro ah oo aan loo marin waddo shirci ah sidaas darteed waxba kama jiraan”. Ayaa lagu yiri qoraalka.
Ra’iisul Wasaraha ayaa qaadi doonaa talaabooyin sharci ah oo looga jawaabayo falkaas xadgudubka ku ah Hantida Qaranka iyo dhaxalka Jiilalka soo socda si loo ilaaliyo amaanada Ummadda Soomaaliyeed.
Wasiir ku been abuurtay Madaxweyna Farmaajo, ka dib markii ay soo shaac baxday Musuqmaasaq uu sameeyey.
Wasiirka Batroolka Soomaaliya Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa ka ka warramey heshiis la sheegey in ay Soomaaliya la gashey shirkad lagu magacaabo Coastline Exploration LTD taasi oo ay shidaal uga soo saareyso 7 xirmood oo ka mid ah xeebaha Soomaaliya.
Heshiiskan uu wasiirku ku been abuuranayo madaxweynaha Soomaaliya ayaa ahaa mid uu keligiis u bareeray oo shilmo ku xaraashayo Qarankii Soomaaliyeed.
Qaraxii ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa illaa iyo hadeer waxaan ka hadlin Maamulka Gobolka Bari, kan degmadda Boosaaso iyo Maamulka Puntland. Sidoo kale, waxaa qaraxa siyaasadeeysnaa ka gaabsaday ineey wax ka yiraahdaan SBC TV, Radio Daljir, Puntland TV, iyo Puntland Facebook.
Qaraxan ayaa abbaabulkiisa waxaa ka danbeeyey maamulka Puntland, waana sababta aysan uga hadlin illaa iyo iminka. Odayaasha dhintay ayaa ahaa nabaddoono maalintii shalay aheeyd taageero u muujiyey wasiir Jamaal.
Madaxweeyne Siciid Deni, oo ahaa ninkii dhiiga faraha badnaa ku daadiyey magaalada Boosaaso ayaa booqashadiisa waqtigan ay daarantahay sidii uu kuraasta taal halkaas uu jeebka ugu soo shuban lahaa.
Meesha maamulka Puntland ay ka aamusanyihiin qaraxa Boosaaso, waxaa tacsi u diray dadkii ku waxyeeloobey qaraxaas Ra’iisal Wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi.