26th April 2024  admin  Category :

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa warbixino ka dhegaysatay Guddiga Abaaraha ee Dowlad Goboleedka Puntland, oo soo bandhigay qorshahooda ku aadan sidii wax looga qaban lahaa xaaladda Abaaraha ee saamaysay shacabka Puntland si gaar ah dadka xoola dhaqatada ah.

Ugu danbayn Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in dowladu ay u diyaar garowdo sidii wax looga qaban lahaa xaaladda Abaaraha, isaga oo xusay in Goleyaasha Dowladdu ay mushaharaadkooda qayb ugu deeqi doonaan dadka Abaaruhu saaameeyeen si gurmad deg deg ah loogu fidiyo, sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa faray in Hay’addaha ku hawlaan arrintan oo ay dar-dar geliyaan.

Madaxwayne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa warbixino ka dhegaysatay Guddiga Abaaraha ee Dowlad Goboleedka Puntland, oo soo bandhigay qorshahooda ku aadan sidii wax looga qaban lahaa xaaladda Abaaraha ee saamaysay shacabka Puntland si gaar ah dadka xoola dhaqatada ah.

Ugu danbayn Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in dowladu ay u diyaar garowdo sidii wax looga qaban lahaa xaaladda Abaaraha, isaga oo xusay in Goleyaasha Dowladdu ay mushaharaadkooda qayb ugu deeqi doonaan dadka Abaaruhu saaameeyeen si gurmad deg deg ah loogu fidiyo, sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa faray in Hay’addaha ku hawlaan arrintan oo ay dar-dar geliyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*