Tacsi

انا لله وانا اليه راجعون Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Puntland Siciid Jaamac Qorsheel,wasiirku xigeenka, wasiiru dawlaha Agaasimaha guud dhamaan Agaasimayasha waaxyaha iyo shaqaalaha guud wasaaradda waxay tacsi u dirayaan Dr Nadiira C/lahi Aadan oo ahayd dhakhtaradii Qalliinka ee Hospital guud ee Badhan geerida kediska ah ee xalay ku timi waxayna ilaahay uga baryayaan in uu janadii fardawsa geeyo dhamaan ehelkii iyo qaraabadana samir iyo iimaan ka siiyo Amen Amen

INAALILAAHI WAA INAA ILLAHI RAJICOON

Waa geeri aad iyo aad u naxdin badan, Illahay SWT Janatul Fardowsa alaclaa ha ku casuumo, Illahay su’aasha ha ku sugo kitaabkeedana midigta ha ka siiyo. Waa geeri aad u xanuun badan oo dadka reer Sanaag ah oo dhan wada taabanaysa

DR. Nadiira waxay ahayd qof dalka wax ku baratay, sharaf iyo qiimo badan leh oo ay aad u jeclayeen dadweynuhu reer Sanaag, khaasatan reer Badhan weliba qaybta hooyada iyo dhalaanka iyo qaliinka oo ay aad ugu khibrad lahayd.

Illahay samir iyo iimaan sadiqa ah ha inaga siiyo dhamaanteen reer Sanaag, khaasatan Reer iyo ehelka ay ka baxday iyo Badhan General Hospital. Aamiin Aamiin yaa Allah.

Dr.Caasha Axmed Taraawil

Tacsi: Dhakhtaraddii Cisbitaalka Badhan oo geeriyootay

Bahda Allsanaag waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan guud ahaan shacabka gobolka Sanaag iyo qaraabaddii ay ka geeriyootay Dhakhtaraddii Cisbitaalka Badhan Allah ha u naxariistee Drs Nadiira Cabdullaahi Adam Guray , Oo ahayd dhakhtaradii logu jeclaa dhanka Midwifery, qaliinka iyo kala bad baadinta hooyada iyo ubadka mudo badana kaga hawl geli jirtay dhakhtarka guud ee magaalada Badhan. Allah ha u naxariistee caawa ayey ku umul raacday magaalda Boosaso

Waa kuma Siyaasigan Oromada ah ee la dilay, meydkiisana la helay

Waa kuma Siyaasigan Oromada ah ee la dilay, meydkiisana la helay

Sarkaalka siyaasadda u qaabilsan jabhadda Oromada ee OLF, Bete Urgessa ayey wararku sheegayaan in la dilay, ka dibna meydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalla deegaanka Meki.

Saaxib ninkaas aad ugu dhawaa oo codsasday in aan magaciisa la sheegin sababo amni dartood ayaa sheegay in Urgessa lagu dilay gurigiisa magaalada Meki ee bariga aagga Shewa ee gobolka Oromia habeen barki 1dii bishan April.

Inkastoo aan la hayn xog la xiriirta dilka sarkaalkaas ka tirsanaa jabhadda xoraynta Oromada, misna sarkaalka u qaabilsan xiriirka dadweynaha, Lemi Gamechu, wuxuu bartiisa Facebook ku qoray “ma rumaysan karo waxa igu dhacay”.

Mid ka mid ah dadka aadka ugu dhawaa oo ay BBC la hadashay ayaa sheegay in Bete Urgessa la dilay ka dib marki si khasab looga soo saaray hotel uu ka deganaa magaalada Meki, ayadoo meydkiisana lagu tuuray waddada dhinaceeda.

Wuxuu intaa ku daray inuusan garanayn cidda ka dambaysay dilka siyaasigaas, ayna adag tahay in xog dheeraad ah la helo sababo la xiriira isgaarsiinta oo magaaladaas ka go’an.

Ismaamulka Oromia iyo xukuumadda Federaalka kama aysan hadlin dilka siyaasigaas, madaxa guddiga xuquuqda aadanaha ee Itoobiyana wuxuu ku baaqay baaritaan madax banaan in lagu sameeyo dilka siyaasigaas.

Qof kale oo saaxib la ahaa ayaa isna BBC u sheegay in uu siyaasigaas u safray beer uu ku lahaa Keki, wuxuuna intaa ku daray in ninkaas oo ahaa aabaha afar carruur ah qoyskiisa la wargeliyey, ka dibna xubno qoyska ka tirsan ay aadeen magaalada meydkiisa laga helay.

Urgessa

Kumuu ahaa Bete Urgessa

Bete Urgessa wuxuu ahaa siyaasi dhowr goor loo xiray sababo la xiriira aragtidiisa siyaasadeed. Dhowr todobaad ka hor ayaa isagoo la jooga suxufi Faransiis ah lagu xiray magaalada Caasimadda ee Addis Ababa.

Xilligaas ayuu suxufiga ugu warramayey hotel ku yaalla caasimadda, waxaase la sii daayey laba todobaad ka dib.

Xukuumaddu waxay sheegtay in suxufiga oo wax ku qora majalladda “Africa Intelligence” iyo sarkaalkaas OLF ka tirsan labadaba la xiray “sababtoo ah waxay la shaqaynayeen Fano iyo OLF Shene si dagaallo loo huriyo”.

Hore ayaa Bete loo xiray sababo la xiriira xilka sare ee uu hayey iyo dhaqdhaqaaqyadiisa siyaasadeed ee OLF.

Waxaa la xusuustaa in sanooyin sii horreeyey lagu xiray magaalada gobolka Oromada ku taalla ee Burayu, halkaasoo uu muddo dheer ku xirnaa.

Markii la sii daayey Bete Urgessa waxaa ku dhacay xanuuno uu xarigga ka qaaday, ka dib markii uu cuntada ka soomay muddo maalmo ah, isagoo sheegay in xuquuqdiisa aadanaha aan la ixtiraamin oo si xun loola dhaqmay.

Dadaallo ay BBC ku doonaysay inay kula xiriirto booliska magaalada Meki, kuwaasoo la xiriira dilka siyaasigaas ayaan guulaysan sababo la xiriira isgaarsiinta telefoonka oo go’an.

Sidoo kale, isku day ay BBC ku doonaysay inay kula xiriirto xisbiga Oromo Freedom Front ayaan suurto gelin.

38 qof oo ku dhintay markab ku degey xeebaha dalka Djibouti

Markab ay saarnaayeen muhaajiriin u dhalatay dalka Ethiopia ayaa ku degey Isniintii xeebaha dalka Djibouti, waxaana halkaas ku dhintay ugu yaraan 38 qof, sida ay baahisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca socdaalka ee loo soo gaabiyo IOM.

Hay’adda IOM ayaa sheegtay in la soo badbaadiyey 22 qof oo ka mida dadkii markabkaas saarnaa.

Markabkan ayaa ka baxay dalka Djibouti isaga oo u socday dalka Yemen, oo ah marinka ugu weyn ee ay sii maraan muhaajiriinta ka tegeya dalalka Geeska Afrika ee doonaya inay gaadhaan wadamada Khaliijka.

Marinkan ayaa ah mid aad u halis badan, oo muhajiriinta isticmaalayaa ay la kulmaan, in lacago badan laga qaado, la afduubo, xabsiyo la dhigo ama si khasaba loogu shaqaysto.

Geelaha Jabuuti maaxaa Soomaalida daba dhigay

Kaligii Taliyaha Jabuut oo doonaya inuu u hododeeyo kursigii ay Fawsiyo u ordaysay inuu uu ku guulaysto Odinga

Kulankii 44aad ee golaha midowga Africa ee ka dhacay sanadkaan magaalada xarunta Midowga Africa ee Addis Ababa ayaa lagu sheegay in hoggaanka xiga ee midowga Afrika uu ka iman doono wadamada dhaca bariga Africa.

Hoggaamiyaha mucaaradka ee wadanka Kenya Raila Odinga ayaa shaaciyay inuu u tartami doono qabashada xilka hoggaanka midowga Africa 19-kii bishii Febraayo ee sanadkaan. Warsaxaafadeed ka soo baxay Ururka Bulshada Bariga Afrika ayaana lagu sheegay in ay taageerayaan musharaxnimada Raila Odinga ee qabashada xilka hoggaanka Midowga Africa.

Odinga waa hoggaamiye mucaarad ah oo wadanka Kenya siyaasadiisa muddo dheer kusoo jiray, waxuuna mar ahaa Raiisul wasaaraha dalka Kenya. Wuxuu madaxweynaha dalka Kenya u tartamay shan jeer, halmarna kuma guuleysan qabashada xilka madaxtinimada Kenya. Mar walba wuxuu sheegayey in doorashada la musuqmaasuqay.

Bishii Febraayo isla sanadkaan waxaa shaacisay qabashada xilka madaxtinimada hoggaanka Midowga Afrika in ay u tartamayso Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo siyaasadda Soomaaliya kusoo jirtay illaa 2012-kii. Xukuumaddii Raiisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayay kamid noqotay markaas.

Waxuuna Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon u magacaabay Fowsiya Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Waxayna ahayd qofkii ugu horreeyay ee dumar ah ee xilka Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya iyo sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibaddaba Soomaaliya qabata.

Fowsiya oo ah gabadha keliya ee tartameysa, ayaa sheegtay inay rajo weyn ka qabto hanashada kursigan, ayna dowladda Soomaaliya ku garab taagan tahay. “Fursadda aan leennahay aad ayay u sarreysaa haddii aan dadaalkeeda galno. Waxaad mooddaa in Soomaaliya lagu wada eegayo il naxariis leh. Haddii aan ku guuleysanno, waxay noqoneysaa in wax badan ay inoo qabsoomayaan” ayay tiri Fowsiya.

Ololaha labada siyaasi, waa Fowsiya iyo Odinga ayaana xawaare ku socday tan iyo ku dhawaaqistoodii ay sheegeen in ay u tartamayaan hoggaanka Midowga Afrika, balse bulshada Bariga Afrika oo ay dhawaan Soomaaliya ku biirtay waxay warsaxaafadeed ay soo saartay ku xustay in Raila Odinga ay taageerayaan.

Bishiii March ee lasoo dhaafay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ku dhawaaqay in la sameeyay gudigga ololaha doorashada midowga Afrika, si ay u garab istaagaan musharaxa Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan.

Raila Odinga

Halkaas iyada oo ay marayso waxaa tartanka kusoo biirtay Jabuuti oo shaacisay musharaxeeda u tartami doona qabashada xilka hoggaanka midowga Afrika.

Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti ayaa noqonaya musharaxa ii dalkiisu u soo istaajiyey tartanka qabashada xilkan. Maxamuud Cali waa wasiirka Arrimaha Dibadda ee ugu wakhtiga dheer dalka Djibouti waxuu xilka hayaa tan iyo 2005 tii. Waana diblumaasi caan ah oo aad loo yaqaanno.

“Jamhuuriyadda Jabuuti waxay si rasmi ah ugu dhawaaqaysaa murashaxnimada wasiirkeeda arrimaha dibadda mudane Maxamuud Cali Yuusuf ee xilka guddoomiyaha guddiga midowga Afrika” sidaa waxaa lagu sheegay war-murtiyeed ay Jabuuti soo saartay maanta.

Tani waxay ka dhigan tahay in markii ugu horreysay ay Soomaaliya iyo Jabuuti ku wada tartami doonaan xil noocan ah. Tanina waxay noqon kartaa xifaaltan siyaasadeed oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Djibouti.

Haatan waxaa xilka guddoonka Midowga Afrika haya Moussa Faki, oo ka soo jeeda dalka Chad, kaasoo ay u dhammaaneyso muddo-xileedkiisii labaad. Muddo-xileedka kursigan ayaa ah 2025-2028.

Maxamuud Cali Yuusuf - Wasiirka Arrimaha Dibadda Djibouti

Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo Soomaaliya ugu sharaxan in ay qabato xilkaan waxay kusoo aadaysaa ol’olaheeda doorasho xilli gobolka ayka taagantahay xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya oo ah xarunta Midowga Afrika.

Warraysi ay BBC-da horrey u sheegtay waxay Fowsiya sheegtay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo iyadaba ay shirar badan oo ku aadan ol’olaheeda la galeen. Waxay sidoo kale sheegtay in xilkaan muddo isha ku haysay.

Loolanka qabashada hoggaanka Midowga Afrika ayayna hadda si toos u shaaciyeen saddexdaan musharax ee kasoo kala jeeda Soomaaliya, Kenya iyo Jabuuti. Musharax walbana waxaa taageeraya oo riixaya dowladiisa si uu u hanto xilkan.

Haddii xilka hoggaanka Afrika uu qabto qof dumar ah ku xigeenku waxuu noqonayaa qof rag ah, haddii xilka hoggaanku nin uu qabtana ku xigeenku waxay inta badan noqonaysaa qof dumar ah.

Illaa intii uu ka soo guuray Midowga Afrika (African Union) magaciisii hore ee ahaa Ururka Midnimada Afrika (Organization of African Unity) goluhu wuxuu qabtay shan doorasho, hoggaankii ugu horreeyay ayaana xilka hayay intii u dhexeysay 2003 illaa 2008dii.

Hoggaanka haddeer xilka hayana waxaa la doortay 2021 muddo xileedkiisana waxuu ku egyahay 2025 bisha Febraayo, oo markaas xilka uu wareejin doono doorashada ka dib.

YAA KAA DHEGAYSANAYA

Xeraddii Xalane ee Soomaaliya ugu amniga badnayd maanta waa xirnayd oo cabsi ayaa jirtay, diyaarado ma soo degin garoonka Muqdisho amni xumada ka jirta Muqdisho awgeed. Madaxweynuhu wuxuu caawa sheegay inuu Soomaaiya ka qabanayo doorasho qof iyo cod ah. Waa haddii lagaa dhegaysto