Biden oo ku dhowaaqay in aanu u tartami doonin dib u doorasho

Biden oo ku dhowaaqay in aanu u tartami doonin dib u doorasho

Madaxweyne Joe Biden ayaa ku dhowaaqay in aanu mar kale u tartami doonin xilka madaxweynaha Mareykanka, isaga oo soo afjaray ololihiisa dib u doorasho.

Biden ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ku sheegay inuu sii wadi doono xilkiisa madaxweynaha Mareykanka iyo taliyaha guud ee ciidamada, illaa muddo xileedkiisa uu ka dhammaanayo bisha Janaayo ee 2025.

Waxa uu intaas ku daray inuu qaranka la hadli doono toddobaadkan.

“Waxay ii ahayd sharaftii ugu waynayd nolosheyda in aan noqdo madaxweynihiina. Islamarkaana in inkasta oo ujeedkaygu ahaa in aan mar labaad isku soo sharaxo, waxa aan aaminsanahay in ay dani ugu jirto xisbigayga iyo dalkaba in aan ka haro, oo aan diiradda saaro oo kaliya fulinta waajibaadkeyga madaxweynenimo inta ka hartay muddo xileedkayga,” ayuu qoray Biden.

Ka-haritaanka tartanka ayaa dhabbaha u xaaraya ku-xigeenkiisa Kamala Harris inay noqoto gabadhii ugu horreysay ee madow ah ee xilka madaxweyne u tartanta.

Biden oo 81 jir ah ayaa qoraal kale oo uu soo saaray ku shaaciyey inuu si buuxda u taageerayo in Harris ay noqoto musharraxa Dimoqraadiga.

Si kastaba, ma cadda haddii xubnaha sare ee Dimoqraadiga ay Harris kula loolami doonin magacaabista musharaxa madaxweyne ee Dimoqraadiga, iyo in xisbiga dooran doono in tartanka laga dhigo mid cid kasta u furan iyo in kale.

Go’aanka Biden ayaa daba socda mowjado cadaadisyo shaacsan iyo kuwa qarsoon ah oo kaga yimid sharci-dejiyayaasha iyo saraakiisha Dimoqraadiga oo ahaa inuu tartanka ka haro kadib bandhiggii xumaa ee uu ka muujiyey dooddii uu la galay musharraxa Jamhuuriga Donald Trump.

Reuters

Xildhibaano Golaha Shacabka horgeeyey mooshin ajende

Xildhibaano Golaha Shacabka horgeeyey mooshin ajendle

Tiro xildhibaanno ah oo ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa horgeeyay golaha mooshin ku saabsan wax ka baddalka ajandayaasha maalmahan ay ka doodayeen.

Xildhibaanadan ayaa dalbaday ka doodista arrimo ay ka mid yihiin amniga marxaladda uu dalka hadda ku jiro sida arrinta hubka ee Caabudwaaq oo maalmahaan aad loo hadal hayay iyo dhowrista xasaanadda xildhibaanka.

Mudaneyaasha golaha shacabka ayaa u codeeyay in la gudo galo mooshinka oo ay saxiixeen 18 xildhibaan, iyadoo gudoomiyaha golaha shacabka uu sheegay in wixii hadda ka dambeeya la guda galayo ka doodista arrimaha ay mudanayaasha soo jeediyeen iyo wax ka baddalka ajendaha.

Gobolkee ku yaallaan xirmooyinka shidaal ee dowladda Turkigu ka bilaabayso baarista iyo qodista?

Gobolkee ku yaallaan xirmooyinka shidaal ee dowladda Turkigu ka bilaabayso baarista iyo qodista?

Maalmo ka hor ayey ahayd marii magaalada Ankara ee dalka Turkiga ay heshiis ku saabsan shidaalka ay ku wada saxiixdeen dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga sida ay daabacday wakaaladda wararka Tukriga ee Anadol oo soo xiganeysa waiirka Tamarta iyo Macdanta dalka Turkiga Alparslan Bayraktar oo arrintaan ku dhaawaqay khamiistii.

Heshiiska oo ay qalinka ku wada duugay waiirka Tamarta iyo Macdanta dalka Turkiga Alparslan Bayraktar iyo dhigiisa Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Heshiiska ayaa xaq u siinaya dowladda Turkiga shidaal iyo gaaska dabiiciga ay ka baarto Soomaaliya ka dibna ay ka soo saarto saddex aag oo midkiiba ku fadhiyo ilaa 5,000 oo kilimitir oo isku wareeg ah sida uu sheegay wasiirka Tamarta Turkiga Bayraktar.

Labada ka mid ah aagagga ayaa waxay 50 kilimitir loo galayaa badda, halka mid ka mid ahna uu gudaha badda loo aadayo ilaa 100 kilomitir.

Halkee ku yaallaan Xirmooyinka?

batrool
Qoraalka sawirka,Maxamed Xaashi Carabay, agaasimaha guud ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya

Sida uu BBC-da u sheegay agaasimaha guud wasaaradda Batroolka iyo macdanta Maxamed Xaashi Carabay, Turkida ayaa bisha Sebtember ee sanadkan samayn doona Sahaminta shidaalka goobihii lagu heshiiyey inay shaqada shidaalka ka qabtaan Soomaaliya

Goobaha ay Turkigu ka bilaabayaan sahaminta iyo qodista shidaalka ayuu agaasime Xaashi ku sheegay inay ku yaalaan dhanka badda ee gobolka Mudug ee maamulka Galmudug.

“Saddexda aag ay hadda qaateen waa inta u dhaxaysa Xarardheere iyo Hobyo, halkii aagna waa ilaa 5,000 oo kilomiter oo isku wareeg ah, ” ayuu yiri Carabay.

Wuxuu sheegay in Sembeter ay Turkigu soo diri doonaan markabka iyo howlwadeena bilaabaya qorshadaha sahahimta shidaalka ka dibna ay guda gali doonaan shaqada

“Waxay samaynayaan marka hore sahaminta samaynayaan wax la dhaho 3D, markay ku sahamiyaan ka bacdi waa qiimayn waxay soo saaray warbixin, ka dibna waxay arkayaan meesha laga qadoyo ka dib markaas ayey qodista bilaabayaan” ayuu BBC-da u sheegay agaasime Xaashi.

Agaasime Maxamed Xaashi Carabay, ayaa intaa raaciyey in ka dib qiimaynta ay qodistu shidaalka ee Turkiga agaas ka bilaaban doonto saddexda bilood ee hore ee sanadka cusub ee 2025-ka.

Dhanka badda ee degmooyinka Xarardheere iyo Hobyo ayaa ka mida ah meelaha Soomaaliya ay ku yaalaan xirmooyin shidaal balse cadadkaasi waxaa uu Agaasimuhu ku tilmaamay inay ku yaallaaan wax ka badan tobban agaaas oo shidaal.

batroolka

Bartamihii bishii febraayo ee sanadkan ayey ahayd markii Wasiirka Batroolka iyo Macdnta ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo wareysi uu siiyey BBC-da uu sheegay in Soomaaliya ay dabayaaqada sanadkaan laga soo saari doono shidaalkii ugu horeeyay ee laga qodo gudaha Soomaaliya, kaas oo la filayo in uu noqdo maadada caeeriinka ah, kadibna loo diri doono tijaabo baaritaan.

Wasiirku wuxuu sheegay in dadaallada lagu doonayo in la soo saaro khayraadka shidaalka ceegaaga Soomaaliya uu marxaladdii ugu dambeysey marayo, islamarkaana qorshuhu yahay in saddexda bilood ee ugu dambeysa sannadkan lagu wado in ceelkii shidaal ee ugu horreeyey la bajiyo.

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa nasiib u yeelatay in ay noqoto meesha ugu horreysa ee shidaalka laga qodi doono, waxaana degmada Hobyo oo qorshuhu yahay in xeebaheeda hawsha laga billaabo dhawaan booqday khubaro ka socotay Hay’adda Betroolka Qaranka oo halkaas kulamo kula yeeshay dadka deegaanka.

Maxaan ka ognahay qiyaasta shidaal ee Soomaaliya ku jirta?

Sida ay muujinayaan xoggo ay sii dayeen shirkado shisheeye oo sahamin ku sameeyey goobo agag dhanka badda Soomaaliya ah ayaa xusay in Soomaaliya leedahay kayd shidaal, balse weli lama hayo qiyaas rasmi ah oo lagu tiirsanaan karo taas oo sheegi karta tiro fuustooyin ah oo guud ahaan ku jirta dhulka iyo badda Soomaaliya.

Sannadkii 2020 kii, shirkadda sahaminta ee Norway, TGS, ayaa ku qiyaastay in qayb kamid ah badda Soomaaliyta uu ku jiro kayd saliid oo ku dhow 30 bilyan oo barmiil, oo leh kayd dheeraad ah oo badda ah.

Soomaaliya waxaa lagu sameeyay baaritaanno shidaal oo badan kuwaas oo sida uu BBC-da u sheegay Agaasimaha Guud ee wasaaradda bartroolka iyo macdanta ee Soomaaliya, Maxamed xaashi, soo bilowday sannadkii 1957 – saddex sano ka hor xornimadii Soomaaliya.

Ceelkii ugu horeeyay ayaa xilligaas “laga qoday woqooyiga Soomaaliya” tan iyo markaas waxaa la baaray 68 ceel, “afar iyo labaatan ka mid ah waxay tusaysay in uu shidaal ku jiro” ayuu yiri Agaasime Maxamed.

Qaar ka mid ah ceelashii lagu bilaabay qoditaanka, ayuu dagaalkii sokeeye iyo dhicitaankii dawladdi dhexe ku yimaadeen sidaasna ay hakad ku galeen, sida uu BBC da u sheegay agaasimuhu.

Markii ay Soomaaliya ka baxday dawlad ku meel gaar ah sannadkii 2013, wasaaradda batroolka ee Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixatay shirkad la yiraahdo Som Oil and Gas. Shirkaddan waxay sahamin ku samaynaysay laga bilaabo Kismaayo illaa Hobyo oo dhanka badda ah sida uu noo sheegay Agaasimaha wasaaradda.

Shirkaddaasi waxay sahamisay saddex aag oo kala duwan, “Waxayna sameeyeen baaritaan illaa 20 kun oo kilo mitir ah. Sanadihii 2015-2016 waxaa baaritaan kale sameeyay shirkad kale oo Spectrum la yiraahdo taas oo sida uu agaasimuhu sheegay iyaduna baartay 21 kun oo kilo mitir.

Haddaba labadaas baaritaan markii la sameeyay “waxaa la ogaaday keydka saliidda ee Soomaaliya ku jira ee badda inta laga baaray ah in uu yahay mid aad u badan oo fursad badan ay jirto, maalinkiina lagasoo saari karo in ka badan hal milyan oo fuusto” ayuu yiri Agaasime Maxamed Xaashi Carrabey.

Shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka oo ay ka mid yihiin Chevron, Eni, ExxonMobil iyo Shell ayaa sahamin ka bilaabay Soomaaliya 1950-meeyadii, balse waxaa la hakiyay markii uu dalka ka qarxay dagaal sokeeye 1991-kii.

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY WAKIILKA ARRIMAHA SIYAASADDA IYO XIRIIRKA CAALAMIGA AH.

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY WAKIILKA ARRIMAHA SIYAASADDA IYO XIRIIRKA CAALAMIGA AH.

Garoowe: 20 July 2024 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 14 ee 20-ka Luulyo 2024, kuna saabsan magacaabid Wakiilka Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu tixgeliyey: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad loo magacaabay Wakiilka Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowladda Punland.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay. 

See less

Muxuu yahay heshiiska cusub ee Turkigu xaqa u siinaya in uu shidaal ka qodo gudaha badda Soomaaliya?

Muxuu yahay heshiiska cusub ee Turkigu xaqa u siinaya in uu shidaal ka qodo gudaha badda Soomaaliya?

Dawladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa waxay heshiis baaris shidaal ah la saxiixatay dawladda Turkiga kaas oo uu Turkigu shidaal ka baari doono saddex aag oo ku yaalla gudaha biyaha Soomaaliya, sidaas waxaa daabacay wakaaladda wararka Tukriga ee Anadol oo soo xiganeysa wasaarka Tamarta iyo Macdanta dalka Turkiga Alparslan Bayraktar oo arrintaan ku dhaawaqay khamiistii.

Munaasabad lagu saxiixay heshiiskaan oo ay goobjoog ka ahaayeen wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, cabdirisaaq Cumar iyo dhigiisa Turkiga, Alparslan Bayraktar ayaa waxay ka dhacday magaalada Istanbul.

Heshiiskaan ayaa waxa uu xaquuq qaas ah u siinayaa dawladda Turkiga in ay hydrocarbon oo ah – shidaal iyo gaaska dabiiciga ah ka baarto kadib ka soo saarto saddex aag oo kiiba yahay 5,000 oo kilomitir oo isku wareeg ah, sida uu sheegay wasiirka Tamarta iyo Macadanta ee dalka Turkiga Bayraktar.

Labada ka mid ah aagagga ayaa waxay 50 kilimitir loo galayaa badda, halka mid ka mid ahna uu gudaha badda loo aadayo ilaa 100 kilomitir.

Markabka

Wasiirka Bayraktar ayaa sheegay in wajiga koobaad ee baaristaan ay sameyn doonaan hawlo sahminta 3D ga ah oo ay ku eegayaan aagagga loo ogolaaday.

“Waxaan u direynaa markabkeena Oruc Reis gobolkaas dhamaad September ilaa bilowga October,” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Waxa kale oo uu sheegay in markabka Turkigu uu qaadi doono ‘sahmin muhiim ah oo qaadan doonta ilaa dhawr bilood,’ taas oo hugaamin doonta baaritaanka, qodista iyo soo saarista hadii ay suuragasho.

Saxiixa heshiiskaan ayaa noqonaya ‘talaabo taariikhi ah’ oo dhexmarta labada dal, sidaas waxaa yiri Bayraktar oo sheegay in shaqaale gaaraya ilaa 50 ruux ay soo raaci doonaan markabka Oruc Reis, waxaan wehlin doona markabkaas shan Markab oo kale oo caawimaad ahaan ula socon doona.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar waxa uu sheegfay in heshiiskaani fa’iido u yahay labada dalba.

“Waxaan ku rajo waynahay in marka soo saaristu bilaabato ay faa’iido u noqon doonto labada waddanba. Sidoo kale waxay caawin doontaa xiriirka ka dhaxeeya labada dal,” ayuu yiri wasiir Cabdirisaaq.

Cabdirisaaq ayaa intaas sii raaciyay in ka dib hawlgalka sahminta ay xigi doonto ‘midka qodista oo bilaaban doona bilowga sanadka soo aadan’.

.

Dhanka kale sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, dawladda Turkiga ayaa waxay diyaarisay ciidamo Badeeda oo ay usoo diri doonto biyaha Soomaaliya, kuwaas daba jooga heshiiska shidaal ee ay yeesheen labada dal.

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Tayyip Erdogan ayaa baarlamaanka dalkiisa geeyay maalinkii jimcaha mooshin uu uga codsanayay in ciidamada Milatariga ee Turkiga loo daabulo Soomaaliya, waxaana ka mid ah meelaha la geynayo ciidamadaas biyaha Soomaaliya, sida ay daabacday wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu.

Maalin uu ka dib markii Khamiistii ay heshiis baaritaan shidaal ay wada saxiixdeen dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayuu talaabadaan qaaday madaxweyne Erdogan.

Sanadkaan bilowgiisa ayay ahayd markii Soomaaliya iyo Turkigu ay wada saxiixden heshiis difaac iyo iskaashi dhaqaale xilligaas oo wasiirka difaaca Soomaaliya booqasho ku joogay dalka Turkiga.

Heshiiskaas oo ay ansixiyeen baarlamaanka Soomaaliya bishii Febraayo ee sanadkaan, ayay sheegeen xildhibaanada qaar in aan aysan arag waxa ku qornaa, balse ay aamineen wixii loo sheegay oo kaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh, ayaa xilligaas sheegay in dowladda Turkigu “ay ilaalin doonto badda iyo kheyaadka Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin kalluumaysiga sharci darrada ah, sunta lagu shubo xeebaha dalka iyo ka hortagga falalka burcad badeedda”.

Dawladaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa leh xiriir dhaw sanadihii ugu dambeeyay. Waxaana xusid mudan in dawladda Turkiga ay ka caawisay Soomaaliya arimo ay ka mid yihiin iskuulo ay dhistay, xarumo caafimaad oo isbitaalo ugu horeeyaan, wadooyin iyo xitaa arday Soomaaliyeed o la siiyay fursado waxbarasho oo ay u aadeen Turkiga.

Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya ayaa xooggiisa bilowday sanadkii 2011 kii, xilligaas oo ay abaaro daran ka jireen Soomaaliya, ayaa waxaa dalka booqasho ku yimid Erdogan oo xilligaas ahaa ra’iisul wasaaraha Turkiga.

Isra’il oo duqeysay magaalada Xudeyda ee Yemen

Isra’il oo duqeysay magaalada Xudeyda ee Yemen

Ugu yaraan 3 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay 87 kalana ku dhaawacmeen, kaddib marki ay diyaaradaha dagaalka ee Isra’il Sabtidi shalay duqeeyeen dekadda magaalada Xudeyda ee dalka Yemen.

Weerarkan ayaa yimid, maalin kaddib marki ay kooxda Xuutiyiinta ee taageerada ka hela Dowladda Iran ay gantaal nuuca riddada dheer ku dhufatay magaalada canagsiga Isra’il ee Tel Aviv, halkaas oo la sheegay in uu ku dhintay hal qof afar kalana ku dhaawacmeen.

Telafishanka Al-Masirah ee ku hadla codka Xuutiga ayaa sheegay, in dhaawacyada intooda badani ay yihiin gubniin kasoo gaaray dab ka kacay goobaha shidaalka lagu keydiyo ee dekadda, kuwaas oo ay bartilmaameedsadeen diyaaradaha f-15-ka Isra’il.

Afhayeen u hadlay milatariga Isra’il ayaa sheegay in dekadda Xudeyda ay Xuutiyiinta ay kala soo dagaan hubka uga yimaada Iran. Waxuu kaloo sheegay in meelaha kale ee ay beegsadeen ay ka mid yihiin xarumaha tamarta.

Dhanka kale, ayaa Sabtidi sii waday duqeymaha cirka ah ee ay ka wadaan Marinka Gaza, halkaas oo ay saraakiisha caafimaadka xaqiijiyeen dilka 29 Falastiiniyiin ah.

Dadka la dilay shalay waxaa ku jiray wariye lagu magacaabo Mohammad Abu Jasser, xaaskiisa iyo laba carruur ah oo uu dhalay, kaddib marki gurigooda oo ku yaalla waqooyiga Marinka Gaza la duqeeyay.

Xafiiska warbaahinta Gaza ayaa ku warramay in Maxamed Jaser uu noqday saxafigi 161-aad ee ay Isra’il ku disho Gaza tan iyo 7-badi bishi October.