Featured post

Trump oo ka digay ‘fowdo’ haddii aan dib loo dooran

Donald Trump ayaa Khamiistii wacad ku maray inuu ka adkaan doono Joe Biden, doorashada madaxweyne ee 2024, isaga oo ka digay in Mareykanka uu geli doono “fowdo” haddii aanu isaga kusoo laaban xafiiska.

Khudbadda Trump uu ka jeediyey hotel ku yaalla magaalada Manchester ee gobolka New Hampshire, ayaa imaneysa ayada oo ay sii kordhayaan dacwadaha sharci ee uu wajahayo.

Shalay, gabar qoraa ah oo ku eedeysay inuu kufsaday ayaa maalinkii labaad ku hor marqaati furtay maxkamad maddani ah oo ku taalla gobolka New York.

“Ikhtiyaarka doorashada waxay hadda u dhaxeysaa awood iyo daciifnimo, guul iyo guuldarro, ammaan iyo fowdo, nabad iyo colaad, iyo barwaaqo iyo masiibo,” ayuu Trump u sheegay in ka badan 1,500 taageerayaashiisa ah oo isku soo baxay.

“Waxaan ku dhex nool nahay musiibo. Adinka oo codkiina na siinaya November 5, 2024, dhulka ayaan ku dhufan doonnaa Joe Biden, waxaana dhameystiri doonnaa howlihii qabyada noo ahaa.”

Waxay aheyd markii ugu horreysay ee Trump uu tan iyo bishii Janaayo kasoo muuqdogobolka New Hampshire oo guul u horseeday 2016-kii kadib markii looga adkaaday doorashadii gobolka Iowa.

Biden oo 80 jir ah ayaa Talaadadii ku dhowaaqay inuu mar labaad is-sharxi doono 2024, isaga oo ka digay in doorashada soo socota, si la mid ah tii hore, ay noqon doonto “dagaalka ruuxda.”

Mas’uuliyiin sare oo Jamhuuri ah ayaa sheegay in Trump, oo 76 jir ah, uu mar kale isku dayayo inuu guuldarreysto kadib markii uu doorashadii 2020 iyo doorashadii xilliga dhexe ee 2022 uu wiiqay Jamhuuriga.

“Jamhuuriga waxay doonayaan qof guuleysan kara November 2024. Donald Trump waa guuldarreyste,” waxaa sidaas yiri barasaabka gobolka New Hampshire Chris Sununu, oo la sheegay inuu ka fakarayo inuu is-sharxo.

Sagaal Senator oo Jamhuuri ah oo ka titasan Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa taageeray Trump, hase yeeshee kuwo kale ayaa ka digay in dacwadaha uu wajahayo ay wiiqi karaan rajada ay Jamhuuriga ka qabaan inay Aqalka Wakiilada kala wareegaan Dimoqraadiga sanadka dambe.

Inkasta oo uu wajahayo dacwado dhowr ah, haddana Trump ayaa codadka ra’yiga si xooggan uga horreeya xubnaha kale ee Jamhuuriga ee tartamaya, si gaar ahna barasaabka gobolka Florida Ron DeSantis oo ah kan ugu soo dhow.

AFP

Diyaarad ah kuwa qumaatiga u kaca oo dhaxday

Gobolka Dagestan ee dalka ruushka ayaa diyaarad ay saarnaayeen Afar farsamo yaqaan iyo duuliye ay soo dhacday, ka dib markii duuliyihii uu lumiyey jihayntii diyaaradda

Tacsi: Ambassador Mohamed Cali Seeraar

Bahda Allsanaag, waxay taci tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allah ha u naxariistee Ambassador Mohamed Cali Seeraar, oo ku geeriyooday Magaalada Toronto ee dalka Canada.  Waxaan Allah uga baryeynaa inuu naxariistii Jano ka waraabiyo Marxuumka, Eheladdi iyo Qaraabadii uu ka tegayna Samir iy Iimaan  uuka siiyo Aamiin Aamiin.

La yaliyaha Tump oo eedeeyey madax Soomaaliyeed

La taliyaha Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump oo ah Cunsuri caan baxay Stephen Miller ayaa bartiisa X ku weeraray Hamse Warfaa, La Taliyahii hore ee Madaxwayne Joe Biden u joogay wazaarada arimaha dibada ee Maraykanka.

Stephen ayaa hadalkan kusoo lifaaqay waraysi Xamse Warfaa uu siiyey Tv-ga Universal oo kaga hadlayay taagerida xukuumadii Biden ee Somalia iyo isbedel ka barnaamijka qaxootiga ay xukuumadisu samaysay. Stephen ayaa yiri: “Ma qiyaasi kartid culays ka duufaanta markay xisbiga Dimuquraadiga mar kale awoodda la wareegaan.

Waa tuma Ghazala Hashmi, haweeneydii ugu horreysay ee Muslimad ah ee barasaab ku xigeen ka noqota Mareykanka?\

Waa tuma Ghazala Hashmi, haweeneydii ugu horreysay ee Muslimad ah ee barasaab ku xigeen ka noqota Mareykanka?

Musharraxa Dimuquraaddiga Zohran Mamdani ayaa guushii uu ka gaaray doorashada duqa magaalada New York waxay ahayd tii ugu caansaneyd, balse ma ahayn qofka kaliya ee Muslimka ah ee taariikhda sameeyay Talaadadii.

Haweeneyda ay isku xisbiga ka tirsa yihiin ee Ghazala Hashmi ayaa sidoo kale ku guuleysatey doorashada ku xigeenka guddoomiyaha gobolka, iyadoo noqotay haweeneydii ugu horreysay oo Muslim ah oo ku guuleysata doorashada gobolka oo dhan ka dhacday Mareykanka.

“Waxaan ku guuleysannay fursadaha ka jira dalkan,” ayay ku tiri khudbaddeeda guusha.

Hashmi waxa ay ka adkaatay John Reid oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, oo hore u ahaan jiray daadihiyaha bandhigga hadalka.

Hashmi
Qoraalka sawirka,Hashmi (dhexda) ayaa la tartameysay shan musharrax

Min barafasoor ilaa siyaasiyad

Hashmi waxa ay ku dhalatay gobolka Hyderabad ee dalka Hindiya sanadkii 1964-tii, Hashmi waxa ay u guureen Maraykanka iyada oo afar jir ah iyada iyo hooyadeed iyo walaalkeed.

Xayeysiin

Waxay degeen Georgia iyada iyo aabbaheed, oo bare ka ahaa Jaamacadda Koonfurta Georgia.

Waxay ku soo kortay xilli lagu jiray kala soocidda jinsiyadda ee dugsiyada dadweynaha. Waxay ka qalin jabisay dugsiga sare si sharaf leh ka hor intaysan galin Jaamacadda Georgia Southern University iyo Emory University ee Atlanta.

Ku dhawaad ​​30 sano ayay bare sare ka ahayd suugaanta iyo dawladnimada jaamacadda Virginia, ka hor intii aysan siyaasadda Trump ee dalalka Muslimka ah qaarkood ka mamnuucaysay in ay soo galaan Maraykanka ku dhiirigelin in ay isu sharraxdo madaxtinimada 2019ka.

Shir muhim ah oo Maraykanku qaadacay ka qayb galkiisa oo ka dhacaya dal ku yaalla Afrika

Shir muhim ah oo Maraykanku qaadacay ka qayb galkiisa oo ka dhacaya dal ku yaalla Afrika

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan jiri doonin masuul ka tirsan dowladda Maraykanka oo ka qaybgali doona shir-madaxeedka Kooxda G-20 ee ka dhici doona Koonfur Afrika dabayaaqada bishan, sababo uu ku sheegay “xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha” oo ka socda dalkaas.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Koonfur Afrika ayaa go’aankaas ku tilmaamtay mid “nasiib darro ah,” waxayna mar kale diiday eedeymaha Trump ee ah in dadka cadaanka ah e dalkaas lagu takooro ama lagu dhibaateeyo sababo la xiriira jinsiyadooda, iyada oo Koonfur Afrika ay tahay dal ay dadka madow ku tiro badan yihiin.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth Social ayuu Trump ku sheegay, “Waa ceeb weyn in shirka G20 lagu qabto Koonfur Afrika,” isagoo intaa ku daray in Dadka ka soo jeeda Nederland-ka, iyo sidoo kale soo-galootiga Faransiiska iyo Jarmalka, waa la dilayey oo la gowracayaa, dhulkooda iyo beerahoodana si sharci darro ah ayaa looga qaadanayaa.”

“Ma jiro masuul ka tirsan Dowladda Maraykanka oo ka qayb geli doona inta ay xadgudubyadan Xuquuqda Aadanaha socdaan. Waxaan rajeynayaa inaan ku martigeliyo shirka G20 ee sanadka 2026 magaalada Miami, Florida!” ayuu Trump yiri.

JD Vance ayaan u safri doonin sida xogo ay sheegeen

Vance

Madaxweyne ku-xigeenka JD Vance, oo la filayay inuu ka qayb galo shirka G-20 oo lagu qabanayo Johannesburg Noofambar 22–23, ayaa hadda la baajiyey safarkiisa, sida ay sheegen ilo xog ogaal ah oo arrinta la socda.

Trump ayaa si cad uga soo horjeestay siyaasadaha gudaha iyo dibadda ee Koonfur Afrika — laga bilaabo siyaasadda dhulka ilaa dacwadda ay Koonfur Afrika u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ku saabsan eedeynta Israa’iil.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Koonfur Afrika ayaa sheegtay inay ogaatay qoraalka “nasiib darrada ah” ee uu Trump ku daabacay baraha bulshada, waxayna mar kale ku celisay diidmadeeda joogtada ah ee ku aaddan eedeynta sheegaysa in dadkaas lagu dulmiyo ama lagu cadaadiyo gudaha dalkaas.

Madaxweynayaasha Maraykanka iyo Koonfur Afrika

“Eedda ah in bulshadan lagu hayo cadaadis ma laha wax caddayn ah oo dhab ah,” ayay tiri wasaaradda, iyadoo intaas ku dartay in taariikhda Koonfur Afrika ee la xiriirta takoorka jinsiyadda ay siisay khibrad ay dunida kaga caawin karto sidii loo xallin lahaa kala qaybsanaanta iyada oo loo marayo madasha G20.

Skip Ugu akhris badan and continue reading

Ugu akhris badan

End of Ugu akhris badan

“Qarankeenu wuxuu si gaar ah ugu taagan yahay inuu ku guuleysto G20 mustaqbalka midnimo dhab ah,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda iyadoo intaas la raaciyey inay rajeynayso inay martigeliso shir-madaxeed guul leh.

Horraantii sanadkan, xoghayaha arrimaha dibadda Marco Rubio ayaa isna ka baaqday shirkii wasiirrada arrimaha dibadda ee G20 ee lagu qabtay Koonfur Afrika, taasoo haysa madaxtinimada G20 laga bilaabo Disembar 2024 ilaa Noofambar 2025.

Sanad kasta, dowlad xubinta ka ah ayaa martigelisa G20-da waxayna dejisaa ajandaha shir-sare – iyadoo Maraykanku uu noqon doono dalka xiga kadib Koonfur Afrika ee la wareegaya madaxtinimada G20 marka Koonfur Afrika muddadeeda dhammaato.

G20 waxaa la aas aasay 1999 ka dib xiisadda dhaqaale ee Aasiya. Waddamada ku lugta leh waxay haystaan ​​in ka badan 85% hantida adduunka, ujeeddaduna waxay ahayd in dib loo soo celiyo xasillooni dhaqaale.

Shir madaxeedkii ugu horreeyay ee hoggaamiyeyaasha ayaa la qabtay 2008 si looga jawaabo jahawareerka maaliyadeed ee adduunka ee sannadkaas, si kor loogu qaado iskaashiga caalamiga ah.

Hadda madaxdu waxay isu yimaadaan sannad kasta – oo ay weheliyaan wakiillo ka socda Midowga Yurub iyo Midowga Afrika – si ay uga hadlaan dhaqaalaha adduunka iyo arrimaha dalalka ay wajahayaan.

Kabtan Mustafe oo aas qaran loogu sameeyey Boosaaso

Mustafe oo aas qaran loogu sameeyey Boosaaso, Ilaahay haw naxariisto.

Allah ha u wada naxariistee Taliy Mustafe iyo afar askari oo kale oo ay ka wada tirsanaayeen ururka 21aad ee Ciidanka Daraawiishta Puntland ee fadhigoodu ahaa Degmada Buraan ee gobolka Sanaag, ayaa ku wada geeriyooday dagaal ay kula dagaalamayeen argagixiada caalamiga ah ee Daacish.

Dhamaantood waxay ku wada geeriyoodeen buuraha Cal miskaad

Kaligii taliye Soomaalida la taliyey

Waa inaad ilaashataan xeebihiina haddii aad Soomaali tihiin

Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki ayaa ku booriyay Soomaaliya inay ilaashato xeebaheeda, oo uu sheegay inay ku filan tahay difaacooda, xilli Itoobiya ay xoog iyo xeeladba ku raadineyso marin badeed.

Afwerki ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay warbaahinta Qaahira uu kaga hadlay arrimo la xiriira xaaladda gobolka iyo khilaafaadka ka jira Badda Cas. Afwerki, oo ah madaxweynaha keliya ee Eritrea tan iyo markii ay ka xorowday Itoobiya, ayaa sheegay in dhibaatooyinka gobolka ay salka ku hayaan faragelin ay sameeyaan dalal iyo xoogag shisheeye.

Wuxuu sheegay in dhibaatadu aanay ahayn mid gudaha dalalkaas ku egtahay, balse ay tahay mid ballaaran oo saameynaysa guud ahaan gobolka iyo xitaa caalamka.

Tusaale ahaan, wuxuu usoo qaatay xaaladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Koonfurta Sudan, isagoo ku tilmaamay tusaaleyaal muujinaya sida fara-gelinta shisheeye u keentay kala qaybsanaan iyo xasillooni darro joogto ah.

“Soomaaliya waa dal leh xeeb dhererkeedu gaarayo 3,300 KM, waxaana xeebtaas dheer oo ah goob istaraatiiji ah ay dalka ka dhigtay mid aan xasilloonayn,” ayuu yiri Afwerki. Wuxuu intaas ku daray in dhibaatooyinka Soomaaliya aysan ahayn kuwo gudaha ka abuurmay oo keliya, balse ay yihiin kuwo ay gacan weyn ku leeyihiin danaha goboleed iyo kuwa caalami ah.

Isagoo ka hadlayay xaaladda guud ee gobolka, ayuu sheegay in aan loo baahnayn fara-gelin shisheeye, balse ay tahay in dal kasta mas’uuliyaddiisa qaato si uu u ilaaliyo amniga iyo xeebihiisa.

“Amniga badda Cas waa mas’uuliyad dalalka gobolka wada saaran, mana aha doorasho u furan dowladda ama wasaaradda difaaca ee waa baahi taariikhi ah oo lama huraan ah,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Zohran Mamdani oo guulaystay

Duqii ugu horeeyey oo Muslim ah oo Afika ku dhashay, asalkiisuna ayahay Hindo ayaa loo doortay duqa magaalada aduunka ugu qanisan ee New York

Tacsi: Caasho Axmed Maxamuud (Caasho Taraawil}

Bahda Allsanaag waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii, qaraabaddii iyo ehelkii ay ka geeriyotay Allah ha u naxariistee Eedo Caasho Axmed Maxamuud (Caasho taraawil}

Marxuumad Caasho Axmed Maxamuud (Caasho Taraawil} , waxaan Allah uga baryeeynaa inuu janadii Fardowsa ahayd ka waraabiyo, Kitaabkeedana midigta ka siiyo, dhammaan qoyskii iyo eheladii ay ka baxdayna Samir iyo iimaan waafi ah inuu Allah  ka siiyo, Aammiin, Aammiin.

﴿ كُلُّ نَفْسٍ ذَائِقَةُ الْمَوْتِ وَإِنَّمَا تُوَفَّوْنَ أُجُورَكُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ ﴾ [آل عمران: 185]

الحمد لله، والصلاة والسلام على رسول الله، وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له، وأشهد أن محمدًا عبده ورسوله، وبعد:

قال تعالى: ﴿ كُلُّ نَفْسٍ ذَائِقَةُ الْمَوْتِ وَإِنَّمَا تُوَفَّوْنَ أُجُورَكُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ فَمَنْ زُحْزِحَ عَنِ النَّارِ وَأُدْخِلَ الْجَنَّةَ فَقَدْ فَازَ وَمَا الْحَيَاةُ الدُّنْيَا إِلَّا مَتَاعُ الْغُرُورِ ﴾ [آل عمران: 185