Featured post

Trump oo ka digay ‘fowdo’ haddii aan dib loo dooran

Donald Trump ayaa Khamiistii wacad ku maray inuu ka adkaan doono Joe Biden, doorashada madaxweyne ee 2024, isaga oo ka digay in Mareykanka uu geli doono “fowdo” haddii aanu isaga kusoo laaban xafiiska.

Khudbadda Trump uu ka jeediyey hotel ku yaalla magaalada Manchester ee gobolka New Hampshire, ayaa imaneysa ayada oo ay sii kordhayaan dacwadaha sharci ee uu wajahayo.

Shalay, gabar qoraa ah oo ku eedeysay inuu kufsaday ayaa maalinkii labaad ku hor marqaati furtay maxkamad maddani ah oo ku taalla gobolka New York.

“Ikhtiyaarka doorashada waxay hadda u dhaxeysaa awood iyo daciifnimo, guul iyo guuldarro, ammaan iyo fowdo, nabad iyo colaad, iyo barwaaqo iyo masiibo,” ayuu Trump u sheegay in ka badan 1,500 taageerayaashiisa ah oo isku soo baxay.

“Waxaan ku dhex nool nahay musiibo. Adinka oo codkiina na siinaya November 5, 2024, dhulka ayaan ku dhufan doonnaa Joe Biden, waxaana dhameystiri doonnaa howlihii qabyada noo ahaa.”

Waxay aheyd markii ugu horreysay ee Trump uu tan iyo bishii Janaayo kasoo muuqdogobolka New Hampshire oo guul u horseeday 2016-kii kadib markii looga adkaaday doorashadii gobolka Iowa.

Biden oo 80 jir ah ayaa Talaadadii ku dhowaaqay inuu mar labaad is-sharxi doono 2024, isaga oo ka digay in doorashada soo socota, si la mid ah tii hore, ay noqon doonto “dagaalka ruuxda.”

Mas’uuliyiin sare oo Jamhuuri ah ayaa sheegay in Trump, oo 76 jir ah, uu mar kale isku dayayo inuu guuldarreysto kadib markii uu doorashadii 2020 iyo doorashadii xilliga dhexe ee 2022 uu wiiqay Jamhuuriga.

“Jamhuuriga waxay doonayaan qof guuleysan kara November 2024. Donald Trump waa guuldarreyste,” waxaa sidaas yiri barasaabka gobolka New Hampshire Chris Sununu, oo la sheegay inuu ka fakarayo inuu is-sharxo.

Sagaal Senator oo Jamhuuri ah oo ka titasan Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa taageeray Trump, hase yeeshee kuwo kale ayaa ka digay in dacwadaha uu wajahayo ay wiiqi karaan rajada ay Jamhuuriga ka qabaan inay Aqalka Wakiilada kala wareegaan Dimoqraadiga sanadka dambe.

Inkasta oo uu wajahayo dacwado dhowr ah, haddana Trump ayaa codadka ra’yiga si xooggan uga horreeya xubnaha kale ee Jamhuuriga ee tartamaya, si gaar ahna barasaabka gobolka Florida Ron DeSantis oo ah kan ugu soo dhow.

AFP

Madaxdii hore oo war culus soo saaray

Sadax Ra’iisul Wasaare hore iyo Gudoomiyahii hore ee Baarlamaanka oo war culus soo saaray

“Waxaan iska wareysannay xaaladda guud ee uu dalku maanta ku sugan yahay. Innagoo isla garannay in Dalka uu god mugdi ah ku sii socda, ficillada iyo habdhaqanka Dowladda hadda joogtana ay yihiin kuwo aan loogu tureyn Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.

Xaqiiqdii Shacabka Soomaaliyeed iyo Saaxiibadda Caalamka waxaa ka muuqda welwel iyo Hubanti la’aan ku aaddan waxa Dalka ka socda ee ah Jahwareer Siyaasadeed.

Waxaan ku talinaynaa in la dhageysto talada dadka waxgaradka ah ee Soomaaliyeed, si marxaladaan adag looga gudbo iyadoo la Mideysan yahay.

Xalku waxa uu ku jiraa in la wada fariisto, lana yeesho talo mideysan, laguna heshiiyo Doorasho wada ogol ah oo Waqtigeeda ku dhacda”.

Waxaa Qoray Maxamer Xuseen Rooble

sheekaddii Reer Waqooyi oo banaanka la keenay

Siyaasyiinta Isaaq oo banaanka keenay sir qarsoonayd.

Ra’isul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Jaamac, oo ka soo jeeda gobolka Sanaag ayaa sir qarsoonayd oo u dhaxaysay Kooxda Khatumo iyo siyaasiyiinta USC iyo SNM banaanka keenay.

Arintan qarsoonayd, hase ahaatee dadka qaarkiis ay ka war qabeen oo ahayd in Muqdisho ay ka socdaan shirar Reer Waqooyinimo, oo laysugu soo dhowaynayo siyaasiyiinta Isaaq iyo kuwa Dhulbahante, hase ahaatee ujeedada ay ka leeyihiin kooxda Hawiye Action Group ee uu hogaamiye madaxweyne Xasan Culusoow ayaa ah in Soomaali wax ku qaybsadaan reer Waqooyi oo Isaaq hogaaminayo iyo Koonfur oo ay Hawiye hogaaminayaan

Madaxda Khaatumo ee kooban oo afduubatay halgankii Sool lagu xoreeyey ee Firdhiyo hogaamiyo arintan waxba kama qabaan oo waxay aaminsan yihiin in Puntland sidaas ku bur burayso. Iyaga wax walba waxa kala weyn burburka Puntland oo ahayd mid qayb libaax ka qaadatay halgankii Sool oo dhiiga iyo dhaqaale adan ku bixisay

Xisbiga XasanCulusoow

Xisbiga uu Hormuudka u yahay madaxweyne Culosoow oo caawa looga dhawaaqayo Muqdisho

1. Xasan Culusoow

Guddoomiyaha ahna Musharraxa Ururka JSP

2. Xamza Cabdi Barre

Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda, Istaraatiijiyadda iyo Qorsheynta

3. Cabdicasiis Xasan Maxamed

Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Amniga iyo Dowlad Goboleedyada

4. Saalax Axmed Jamac

Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhaqaalaha

5. Sacdiyo Yasiin Samatar

Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Horumarinta Bulshada iyo Wacyigalinta

6. . Xoghayaha Guud, Cabduraxmaan Maxamed Xusee

Shir lagu qiimeynaya waxa u qabsoomay Soomaaliya kadib markii deynta laga cafiyay oo ka furmay Nairobi

Shir lagu qiimeynaya waxa u qabsoomay Soomaaliya kadib markii deynta laga cafiyay oo ka furmay Nairobi

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya Hay’adaha Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, shirkan oo diiradda lagu saarayo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo sidii loo heli lahaa maalgelin ku saabsan horumarinta ilaha wax soo saarka Soomaaliya.

Shirkan ayaa socon doona muddo 4 maalmood ah, waxana intiisa badan lagu gorfayn doonaa, wixii u qabsoomay Dowladda Soomaaliya tan iyo markii lagu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deymihii lagu lahaa,.

Sidoo kale waxa uu noqonayo qorshaha ku aadan horumarinta dhaqaalaha dalka iyo sidii loo maalgelin lahaa mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya gaarsiin kara isku filnaan dhaqaale.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa sheegay in ay hadda ku socdaan hannaankii saxda ahaa ee lagu gaari lahaa horumar maaliyadeed.

Khaatumada Somaliland iyo Puntland

Maxaa loo takooraa Siyaasiyiinta Sool ee ka soo shaqeeyay maamulka Puntland.

Siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Sool ee u soo shaqeeya maamulka Puntland ama hadda xilka ka hay waa la takooraa, waxaana loogu yeedhaa earayo qalafsan sida Hindi shaqo tagtay, halka Siyaasiyiinta reer Sool ee la soo shaqaystay maamulka Somaliland ama u socda maamulkaas ay mar walba iyagu yihiin hogaamiyaal.

Siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Sool ee xilalka ka hayey maamulka Puntland, ayaa Iyaga ahaa n kuwO ku xirnaa siyaasiyiinta iyo waxgaradka kale ee beelaha Harti. Taasina waxay fududaysay gurmadkii guud ahaan ka yimid degaanada Puntland.ee lagu xoraynayey gobolka Sool inuu guulaysto

Ma jiro siyaasi ka soo jeeda Beesha Dhul bahante oo xil sare ka soo qabtay maamulka Puntland oo hadda ka tirsan hogaanka Khaatumo. Hase ahaatee dadka ugu cad cad hogaanka Khaatumo ayaa ah kuwii la soo shaqeeyey maamulka Somaliland, oo dagaalka intiisii hore markuu socday xilal sare ka hayey maamulkaas iyo kuwa kale oo maamulka Somaliland uga jiibin jiray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya

Siyaasiyiinta Sool ee ka soo shaqeeyey ama hadda jooga maamulkaas, waxa ka dhab ah Hartinimada , wax badan oo laysu yahay ama la wadaagona waa xeeriyaan, halka kuwa la soo shaqeeyey Somaliland, in badan oo ka mid ah ay qaateen dhaqankii Somaliland iyo Faysal Waraabe. Labada muuqaal ee hoose Waa siyaasiyiintii la soo shaqeeyey maamulka Hargaysa, haddana ka mid ah hogaamiyaasha Khaatumo

X

Ugu danbayntii Kooxdan Firdhiye iyo arintan la xiriirta siyaasiyiintan la soo shaqeeyey maamulka Isaaqland oo iska dhigaya SNMtii oo kale, oo sheeganaya degaan ayna ka talin inay ka taliyaan ayaa lagu sababeeyyey inay tahay caqabadda ugu weyn ee hor taagan midowga Sanaag iyo Sool oo maamul wada samaysta

ALLSANAAG.COM

Howlgalka ONKOD ee cal madow

PL

Puntland: Diyaarado ku biiray dagaalka Calmiskaad ee ka dhanka ah IS.

Puntland oo xoogan, oo ku qalabaysan qalab casi ah ayaa dhowaan bilaabi doonta Howlgalka Onkod ee buuraha Calmadow looga xoraynayo argagixisada

Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey in uu soo iibsatay afar diyaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca, kuwaas oo lagu sheegay in lagu xoojinayo awoodda ciidamada ammaanka ee gobolka.

Afhayeenka ciidamada howlgalka Hilaac general, Maxamed Maxamuud Faadhigo, ayaa waraysi uu bixiyey ku sheegay in diyaaradahaasi laga soo iibiyey dowlad aan magaceeda la shaacin. “Meesha aan hub tayo leh ka helno ayaan ka soo iibsaneynaa, haddii ay noqonayso Shiinaha ama meel kale,” ayuu yiri Faadhigo, isagoo xusay in diyaaradaha ay qayb ka yihiin dadaallada lagu horumarinayo awoodda hawlgalka ee ciidamada Puntland.

Wuxuu intaas ku daray in diyaaradaha cusub ay si gaar ah uga qeyb qaadan doonaan howlgallada la dagaalanka argagixisada iyo sugidda amniga guud ahaan Puntland.

H

Diyaarad Raaxo naga gudoon

Hadyaddii ugu qaalisanayd ee la siiyo madaxweyne Maraykan ah ayaa Trump la siin doonaa

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa marka uu bariga dhexe soo gaaro dhowaan KA GUDOOMI DOONA dawladda Qadat Diyaarada raaxo oo ay hadyad u siinayaan,diyaaradaas oo ah Boeing 747. Waa hadyadduu ugu qaalisanayd ee madaxweyne Maraykan ah la siiyoo. Diyaaradan ayaa ku kacaysa dhowr boql oo milyan oo doolar

Xamsa , xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar

Muqdisho, Axad, 11 Maajo 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Dr Abdullah Bin Salem Al Nuaimi, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay sidii dowladda Qatar ay uga taageeri lahayd dowladda Soomaaliya arrimaha amniga, horumarka iyo hirgalinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025 -2029).

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa uga mahadceliyey xiriirka soo jireenka ah iyo taageerada joogtada ah ee dowladda Qatar ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada asaasiga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka.

Danjiraha dowladda Qatar, ayaa xusay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.