15th November 2026  admin  Category :

Allah ha u wada naxariistee Sadex qof oo kale ayaa Galgala lagu dilay.

15kii sano ee ugu danbaysay shacabka ku nool degaanada hoos taga degmada Galgala, waxa lagu hayey xasuuq iyo dil joogto oo haba yaraatee ilaa hadda ayna jirin cid wax ka qabatay ama diyaar u ah inay wax ka qabtaan .

Maanta waxa magaalada Galgala lagu dilay Naciimo Axmed Jaamac, Ikraan Jaamac Siciid iyo Jaamac Diib Gurxan. Intaba horay ayeey ehelkooda ugu dileen Galgala

Allah ha u naxariistee  Ikraan Jaamac Siciid, waxay ku geeriyootey Hoobiyayaashii lala dhacey deegaanka Galgala ee Gobolka Bari.
Asbuucyo ka hor waxay ka qeybgashay Bandhiga Wax soo saarka Timirta Puntland kaas oo ka dhacey magaalada Garoowe, waxay ku mataleysay deegaankeeda Galgala, iyada oo si fiican u sharraxdey qeybaha kala duwan ee Timirta deegaanka iyo tilmaamaha mid walba u gaarka ah, sidoo kalena ganacsata ku dhiirrigelisey iney kheyraadka dalka ka faa’ideystaan oo maalgashtaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*