15th November 2026  admin  Category :

Dagaalka Bariga Dhexe ayaa kordhiyay faa’idada ay heleen shirkadaha tamarta

Shirkadda weyn ee tamarta ee laga leeyahay Britain, BP, ayaa ku dhawaaqday in faa’idadeeda ay afar jibbaarantay afartii bilood ee u dambeeyay sanadkan. Shirkadda ayaa sheegtay in faa’idadan la helay kaddib dagaalkii Bariga Dhexe ee carqaladeeyay sahayda kaas oo sidoo kale sababay in qimaha uu si weyn kor ugu kaco.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay shirkaddu soo saartay, faa’idada shirkadda kaddib markii la bixiyay canshuuraha ayaa gaartay 4.7 bilyan oo dollar intii u dhexeysay bilihii Luulyo iyo Sebtembar. Halka isla muddadaas sanadkii hore ee 2025-kii ay ahayd ku dhowaad 1.16 bilyan oo dollar.

Shirkadda Mareykanka ee ExxonMobil, oo ka shaqeysa shidaalka iyo gaaska, ayaa iyaduna ku dhawaaqday in faa’idadeeda afartii bilood ee u dambeyay sanadkan ay laba jibbaarantay taas oo ka timid kororka qiimaha shidaalka iyo dakhliga kale ee laga helay iibka waxyaabaha laga soo saaro batroolka, kaddib dagaalkii Mareykanka iyo Iran.

Faa’idada shirkadda ayaa gaartay 15.4 bilyan oo dollar, halka isla muddadaas sanadkii hore ay ahayd 7.5 bilyan oo dollar.

Sida lagu sheegay warbixinta, celceliska qiimaha shidaalka rubucii saddexaad ee sanadkan ayaa gaaray ku dhowaad 85 dollar halkii foosto, taas oo ku dhowaad saddex meelood meel ka sarreysay celceliskii qiimaha shidaalka ee isla muddadaas sanadkii hore ee 2025.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*