Xuseen caydiid oo sheegay dhalashaddii Nebi Ciise ka hor inay soo bililiqaysteen Roma
Dhowr Boqol oo sano ka hor dhalashaddii nebbi Ciise CSW ayaa Boqortooyada Roomaanku ka talin jireen Aduunka , Xusee Caydiid ayaa hadda sheegay in beelaha Abgaal iyo Habar gidir ay soo bililiqaysteen Roma. Waa arin xaqiiqda ka fog, hase ahaatee waxa run ah in beelahii ku midaysnaa USC ee Habar gidir iyo Abgaal ay bililiqaysteen Boqortooyo kale oo la oran jiray Daarood. Taariikhduna mahayn Dhalashaddii Nebbi Ciise ka hor ee waxay ahayd 1991.
It’s funny how people are debating whether Romans can defeat 2026 Africa when Rome was conquered and enslaved by the Somali Hawiye clan thousands of years ago. The son of Caydiid (the man who defeated America in black hawk down) describes this history https://t.co/cuFGwOK1u5
Yaa mudan in doodo midnimada Soomaaliya iyo xubnaha taranka haweenka
Bulshada Soomaaliyeed ayaa maalintii shalay is waydiinaysay haddii madaxweynihii waqtigiisu dhamaaday Xasan Culusoow uu yidhi ‘talo dhexda aan dhigayaa ma jirto, iyadoo ay jirto qaybo ka mid dalka oo doonaya inay Soomaaliya inteeda kale goostaan, iyagoo taageero ka helaya dalal shisheeye. Taasina ay dhiiro gelin u samaynayso kuwii dalka kala goynayey
Haddii Soomaaligii diidanaa in dalka laka gooyo aan talo la waydiinayn sidee dalku u sii ahaan doonaa mid midaysan .
Rajaddii ay Soomaali badan qabeen ayaa ahayd kulankii maanta ay yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya in looga hadli doono midnimada Soomaaliya. mar haddii madaxweynii dalka uu yidhi Talada tuurtaydaan ku qaadanayaa oo Cali wejis iyo Yalaxoow cid aan ka ahayn talo ka qaadan maayo.
Dooddii Xildhibaanada maanta ma noqon siddii Soomaalidu saadaalinaysa iyo in midnimada Soomaliya, hase ahaatee looga dooday xubinta taranka ee dumarka qaabka ay u ekaan doonto iyo cabirkeeda. Gudoomiyihii dhowaan loo magcaabay Baarlamaanka Soomaaliya Jaamac Abu Jihaad, sida muuqata waa la dhacsanaa doodas xubinta Dumarka laga doodayey
Acuudubillaah! I have never seen a grown man, a father, speak so casually and disrespectfully about young girls’ genitalia and circumcision.
Some conversations reveal a shocking lack of decency, boundaries, and respect for women and children.
#axmaq https://t.co/Qbs0uyXzk6
Eedayn la xiriirta falal anshax-xumo ah oo ka dhacay Masaajidka Makka: Nin iyo haweeney u dhashay Bangladesh oo lagu xukumay dil
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in nin iyo haweeney u dhashay Bangladesh, oo loo xiray eedeyn la xiriirta falal anshax-xumo oo lagu sheegay inay ka dhaceen gudaha mid ka mid ah masaajidda magaalada barakeysan ee Makka, lagu fuliyay xukun dil ah.
Wakaaladda wararka ee dowladda Sacuudiga, ee (SPA), oo soo xiganeysay bayaan ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa sheegtay in ninka Bangladeshi-ga ah Nazarul Islam Abdul Basir iyo haweeneyda Siti Akter lagu eedeeyay inay gudaha masaajid ku yaalla Makka ku sameeyeen waxa lagu tilmaamay “fal anshax-xumo ah.”
Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Sacuudiga, ciidamada ammaanka ayaa labada qof xiray, kaddibna waxaa loo gudbiyay maxkamadda awoodda u leh inay dacwadda qaaddo.
Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa intaas ku dartay in maxkamaddu ay soo saartay xukun ka dhan ah Nazarul Islam Abdul Basir iyo Siti Akter, iyadoo ay xaqiijisay eedeymihii loo soo jeediyay.
Wasaaraddu waxay sheegtay in xukunka lagu saleeyay culayska dambiga, ku xadgudubka xurmada masaajidka, iyo duruufihii lagu galay falalka lagu eedeeyay. Sidaas darteed, labada qof waxaa lagu xukumay dil ciqaabeed.
Mas’uuliyiinta Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in xukunkii hore ee dilka ahaa uu sidoo kale sii maray maxkamad sare kadib racfaan laga qaatay. Markii dambe waxaa la soo saaray amar boqortooyo oo oggolaanaya in xukunka la fuliyo, waxaana amarkaas la dhaqan geliyay Arbacadii 14-ka Oktoobar.
Mas’uuliyiinta Sacuudiga ma aysan shaacin nooca saxda ah ee falka anshax-xumada ah ee lagu eedeeyay labada qof, goorta ay dhacdadu dhacday, xilliga maxkamaddu riday xukunka dilka, ama goorta la diiday racfaankii laga qaatay.
Wargeysyada maxalliga ah ee Sacuudi Carabiya ayaan sidoo kale bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan kiiskan, waxaana ay daabaceen oo keliya warar ku saleysan bayaanka Wasaaradda arrimaha gudaha.
Sida lagu sheegay bayaanka wasiirka arrimaha gudaha ee Sacuudi Carabiya, xukunka dilka ah waxaa lagu fuliyay qodobka taasiirka (تعزير). Hase yeeshee, mas’uuliyiinta Sacuudiga si cad uma aysan shaacin qodob sharciyeed gaar ah oo lagu saleeyay xukunkan.
Sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International, maxkamadaha Sacuudi Carabiya waxay xukunnadooda ku saleeyaan shareecada Islaamka, oo ay ku jiraan nidaamyada xuduudda iyo qisaasta, kuwaas oo leh ciqaabo lagu qeexay Qur’aanka Kariimka ah iyo Sunnada.
Dhanka kale, taasiirku (ta’zir) waa ciqaab uu garsooruhu si madaxbannaan u go’aamiyo, taas oo lagu dabaqo dambiyada aan shareecada Islaamku u cayimin ciqaab gaar ah. Garsooruhu wuxuu markaas xukunka ku saleeyaa nooca dambiga, duruufaha ku xeeran, iyo culayska falka la galay.
Arrintan awgeed, garsoorayaasha Sacuudi Carabiya waxaa la siiyaa awood ballaaran oo ku saabsan qeexidda dambiga iyo go’aaminta ciqaabta ku habboon. Xaaladaha qaarkood, ciqaabaha taasiirta waxay ku ekaan karaan digniin, ganaax lacageed ama xabsi, halka kiisaska kale ay gaari karaan xitaa xukun dil ah.
Amnesty International ayaa sidoo kale sheegtay in Sacuudi Carabiya dhaqan ahaan aanu lahayn xeer ciqaabeed oo dhammaystiran oo qoraal ah oo si gaar ah u nidaamiya taasiirka, iyadoo nidaamku inta badan ku tiirsanaa mabaadi’da shareecada iyo go’aanka garsoorayaasha.
Sida ku cad tirokoobyada Amnesty International, ilaa Oktoobar 2026, in ka badan 175 qof ayaa lagu fuliyay xukun dil ah gudaha Sacuudi Carabiya sagaalkii bilood ee ugu horreeyay sannadkaas. Sacuudi Carabiya waxay ka mid tahay dalalka adduunka ugu badan ee fuliya xukunka dilka.
Inta badan dadka la dilay sannadkan waxay ahaayeen ajaanib. Intii lagu jiray sannadka 2026, ugu yaraan 94 qof oo ajnabi ah, kuwaas oo ka kala socday in ka badan 20 waddan, ayaa lagu fuliyay xukun dil ah gudaha Sacuudi Carabiya.
Sanadihii u dambeeyay, maxkamadaha Sacuudiga ayaa sidoo kale xukuno xabsi oo muddo dheer ah ku ridayay dad lagu eedeeyay qoraallo ay ku baahiyeen baraha bulshada, iyadoo mararka qaarkood xukunnadaas si weyn loo beddelay inta lagu guda jiray racfaannada.
Sacuudi Carabiya ma laha xeer taasiireed oo qoraal ah oo si faahfaahsan u qeexaya dhammaan dambiyada iyo ciqaabahooda. Sida ay sheegtay Amnesty International, dambiyo badan iyo ciqaabahooda waxaa loo daayaa go’aanka garsoorayaasha, kuwaas oo xukunnada ku saleeya fasiraaddooda shareecada Islaamka.
Inkastoo ay jiraan sharciyo qoran, mas’uuliyiintu waxay marar badan adeegsadaan qodobo ku jira Sharciga La-dagaallanka Argagixisada iyo Sharciga La-dagaallanka Dambiyada Internetka, kuwaas oo si ballaaran loo fasiri karo. Qodobadaas waxaa ka mid ah kuwa la xiriira waxyeellaynta “nidaamka guud,” “qiyamka diinta,” ama “akhlaaqda guud ee bulshada.”
Waa ka go’antahay Beesha Isaaq inay helaan dal ay gaar u leeyihiin
Siyaasiyiinta beesha Isaaq ayaa boqol jibaaray dedaalkii ay ugu jireen aqoonsigii dulmiga ahaa ee ku doonayeen dal ay gaar u leeyihiin iyaga oo markii u horaysay helay saaxiibo Caalami ah oo kala shaqaynaya inay helaan dal ay gaar u leeyihiin oo lagu magcaabo Isaaqland.
Sodonkii sano ee beesha Isaaq raadinayeen inay helaan dalka u gaa ah , hadda waa markii ugu horaysay oo ay ay gaaraan xuduudo badan oo dalalka caalamka ka mid ah.
Intii siyaasiyiinta Isaaq ay raadinayeen qaddiyadooda ah inay dal u gaar ah helaan, Soomaaliya waxa ka jirtay dawlad la aqoonsan yahay oo kursi ku leh Qaramada midoobay, ururda Africa, Jaamacadda Carabta iyo inta badan oo ay Safaarado ku leeyihiin dalalaka Aduunka . Dawladda ayaa waxa madaxweyne ka ahaa Xasan Culusoow, isaga oo labada sarkaal ugu sareeya arimaha dibadda u magcaabay gabadhiisa Jihaan Culusoow iyo wiil uu adeer u yahay Cali Balcad, halka wasiirka wasaaradaas uu magac u yaal u joogo madaxa wasaaradda. Halkii ay ka ahayd in Jihaan iyo Cal Balcad ay albaab walba ka daba garaacaan SNM ama ka xiraan kan ay u soo socdaan ayaashaqaddii arimaha dibadda waxa loo bedelay ololha Xasan Culusoow siddii uu mar sadexaad u soo laaban lahaa
Intii ay Jihaan iyo Cali Balcad joogeen wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya, waa waqtigii ugu badan ee fursadaha aqoonsiga heleen beesha Isaaq. Intaas qura maahee w sida la sheegay mararka qaarkood dawladda Soomalya waxay fududaysaa fududaysa kulmada ay SNM ku doonayaa aqoonsiga..
Khiyaanada kale ee Kooxda Culusoow sameeyeen ayaa ah inay mashquuliyeen ama fidno dhex dhigeen Bulshaddii Soomaaliyeed ee midnimada jeclayd, iyaga u sameeyey maamulka Waqooyi Bari oo ujeedadiisu tahay in lagu ilaaliyo aqoonsiga Somaliland
This is the biggest challenge we have in Somalia and in the Somali peninsula. The sooner we realise the better. Everything else is noise. https://t.co/U59zGcL1He
H.E. President @AbdirahmanIrro met newly appointed diplomatic representatives, urging them to safeguard Somaliland’s national interests and dignity.
The President called for stronger international partnerships and advancement of Somaliland’s strategic priorities.
#Somaliland https://t.co/cglwW9KWfz
— Presidency | Republic of Somaliland (@Presidencysl_) October 17, 2026
What on earth is going on in hargeisa?
This is a lander asking for independence in downtown hargeisa, Somaliland. https://t.co/h1o3IGuL80
Cali Wejis ‘ Madaxweynbha ha loo daayo inuu xilka hayo ilaa 2030. Sababta uu sidaas u yidhi waa waxay ka soo wada jeedaan beesha ABGAAL
“Opposition presidential hopefuls should rest until 2033.” Pro-government religious scholar Ali Wajis says he is well-informed and suggests the incumbent president will remain in power until then. What does he know? #Somalia https://t.co/oHWVRlQIsF
Waxaa maanta lONDON, UK LAGU oo dhaweeyay Xildhiban ka tirsan dawlada fadaralka Somalia kana Soo Jeeda Gobalka Sanaag Xildhiban Siciid Daahir BOotan oo ay u samaysay jaaliyada reer Puntland ee deegan dorashadiisa tahay .
Ma jiro Safiir kale oo sidaa samayn lahaa aan ka ahayn kan Turkiga u fadhiya Soomaaliya
Inta badan Xildhibaanaddii beelaha Soomaaliyeed u soo doorteen inay ku metelaan Baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa reer Puntland waa loo diiday ama waa laga mamnuucay inay ka soo qayb galaan kalfadhiyada Baarlamaanka. Iyadoo taasi jirtay ayaa maanta Safiirka Turkiga loo daawasho geeyey Guriga Baarlamaanka halkii ay ka fariisan jireen Xildhibaanada maqan ee u badan beesha Harti.
Intaa waxa ka daran oo u baahan la xisaabtan waa siyaasiyiinta Raxanweyn iyo siyaasiyiinta beelaha laga tirada badan yahay oo dawladdii Soiomaaliyeed u arkay inay tahay Xasan Culusow. Markii horeba waa sida uu rabay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday .
Joined H.E. Abdulkadir Mohamed Nur (Jama), Speaker of the House of the People of Somalia’s Federal Parliament, for the closing of EACON 2026 in Mogadishu today.
Together, we look forward to advancing Somalia’s integration into the EAC for the benefit of our people. 🇸🇴 🌍 https://t.co/D0mIywxwrW
Israa’iil ma waxay muran kala dhex dhigtay Turkiga iyo waddan uu saaxiib dhaw la yahay muddo dheer?
“Labo waddan, hal qaran.” Tan iyo sannadihii 1990-meeyadii, halkudhiggan ayaa astaan u ahaa xiriirka dhow ee ka dhexeeya Azerbaijan iyo Turkiga, dad badan oo ku sugan Baku-na waxay Turkiga u arkayeen xulafo siyaasadeed iyo mid militari. Ilham Aliyev ayaa dhowr jeer uga mahadceliyay Turkiga taageerada uu u fidiyay dagaalkii Karabakh, waxaana waddooyinka Baku laga taagay calanka Turkiga.
Balse dagaalka Israa’iil ay ka waddo Gaza ayaa muujiyay sida ay u kala duwanaan karaan danaha Baku iyo Ankara. Turkiga ayaa si cad uga soo horjeeda Israa’iil, taas oo iyaduna ah xulafo kale oo ay Azerbaijan leedahay. Hadda, Aliyev wuxuu sheegayaa inaysan jirin wax gargaar ah oo la siiyay, isla markaana Baku ay dhammaan hubkeeda ku iibsatay lacagteeda gaarka ah. Maxaa sababay arrintan?
Ilham Aliyev ayaa yiri: “Uma baahnin gargaar ama taageero cidna ka timaada. Markii aan u baahanayn gargaarka, cidna nama caawin. Markii aan lahayn hal milyan oo qaxooti ah, cidna gacan nooma soo taagin. Wax kasta oo aan helnay, lacag ayaan ku iibsanay. Sidoo kale, dhammaan hubka waxaan ku iibsanay lacag iyo qiimaha suuqa caalamiga ah, ilaa xabbaddii ugu dambaysay.”
Aliyev ayaa hadalkan jeediyay 2-dii Oktoobar 2026, intii lagu guda jiray kulan uu la lahaa xubnaha xisbiga talada haya ee ‘New Azerbaijan Party’. Si toos ah uma uusan xusin Turkiga markii uu ka hadlayay inaysan Azerbaijan u baahnayn gargaar ama taageero shisheeye, balse hadalladan ayaa dad badan oo ku sugan Azerbaijan iyo Turkiga ku dhaliyay su’aal ah inuu ula jeeday Turkiga.
“Runtii cidna nama caawin intii uu dagaalku socday, balse Azerbaijan iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya xiriir is-kaashi, mana jiraan wax khilaaf ah oo u dhexeeya labada waddan,” ayuu BBC-da u sheegay Rasim Musabkov, oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Azerbaijan.
Dhanka kale, maalmihii ugu dambeeyay, warbaahinta Azerbaijan ayaa qoraysay — iyadoo aan si toos ah u tilmaamayn Turkiga — in Azerbaijan ay tahay waddan madax-bannaan oo aanay ku hoos jiri karin saameyn shisheeye. Waxay soo xigteen oo ay falanqeeyeen qaybo ka mid ah khudbaddii madaxweynaha.
“Ilham Aliyev wuxuu diiradda saaray arrinta amniga dhanka fikirka” ayuu qoray Farhad Mammadov, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo u dhashay Jamhuuriyadda Azerbaijan. Wuxuu ku soo gabagabeeyay in “hadallada Ilham Aliyev ay u baahan yihiin falanqeyn qoto dheer, sharraxaad dheeraad ah, iyo gunaanad.”
Ka dib guushii Azerbaijan ay ka gaartay dagaalkii Nagorno-Karabakh ee 2020-kii, waddooyinka magaalada Baku waxaa ka buuxsamay calanka Turkiga. Aliyev ayaa la hadlay Erdogan maalintii xigtay markii la saxiixay heshiiska xabbad-joojinta, wuxuuna uga mahadceliyay Turkiga taageeradii siyaasadeed ee uu siiyay. Arrintan ayuu marar badan ku celceliyay waqtiyadii xigay, inkastoo uusan marnaba soo hadal qaadin “taageero militari
Dagaalkii ka dib, Aliyev iyo Erdogan waxay saxiixeen bayaan ku saabsan isbahaysiga militariga. Laakiin xitaa ka hor intaas, Azerbaijan iyo Turkiga waxay sannado badan dhoolatus milatari oo wadajir ah waxayna sii wadaan inay sidaas sameeyaan. Ciidanka Azerbaijan ayaa sidoo kale la casriyeynayaa iyadoo lagu saleynayo qaabka Turkiga.
Inta lagu jiray dagaalkii 44-ka maalmood socday, Azerbaijan waxay isticmaaleen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ee Bayraktar, kuwaas oo markii dambe noqday kuwo aad caan u ah oo dalka ka dhigay mid ka sarreeya Armenia. Weligeed lama sheegin in Turkigu uu siiyay diyaaradahan aan duuliyaha lahayn Azerbaijan, laakiin Aliyev hore uma uusan xoojin in la iibsaday.
Ka dib dagaalkii, hawlgal dib-u-dhis ballaaran ayaa ka bilaabmay meelaha ku soo laabtay gacanta Azerbaijan, iyadoo shirkadaha Turkiga ay sidoo kale ka qayb qaateen. Saxafiyiinta Azerbaijan waxay ogaadeen in mid ka mid ah shirkadaha uu ka tirsanaa qof qaraabo la ah Erdogan.
Azerbaijan waxay sidoo kale dagaalkaas u adeegsatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee laga leeyahay Israa’iil ee nooca Harpoon. Ka dib heshiiskii ay Ruushku dhex-dhexaadiyeen ee Armenia lala galay 10-kii Nofembar 2020, calanka Israa’iil ayaa sidoo kale laga arkay waddooyinka magaalada Baku.
Ma Israa’iil ayaa kala qaybsanaan dhex dhigtay xulafada?
Khilaafka u dhexeeya Jamhuuriyadda Azerbaijan iyo Turkiga ayaa soo shaac-baxay ka dib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu ka hadlay madasha Shirweynaha Guud ee Qaramada Midoobay ee dhawaan ka dhacay New York, isagoo ka hadlayay aaladaha ‘pager’-ka ee qarxa ee ay Israa’iil u adeegsatay xoogagga Xisbullah ee Lubnaan.
Isla markaasna, wakiillo ka socda dalal dhowr ah ayaa hoolka ka baxay iyagoo muujinaya diidmo, waxaana sidoo kale dibadbax looga soo horjeedo joogitaanka Netanyahu uu ka socday bannaanka dhismaha Qaramada Midoobay.
Sawirrada wakiilka Azerbaijan oo ku haray kuraastii marneed ee hoolka ayaa si degdeg ah ugu faafay baraha bulshada. Arrintan ah in wakiilka Turkigu uu ka baxay hoolka halka wakiilka Azerbaijan uu halkaas ku haray ayaan si wanaagsan u qaabilin warbaahinta Turkiga; waxayna u arkeen in Baku aysan u dhaqmin sidii ay tahay saaxiibtinimada labada dal.
Jamhuuriyadda Azerbaijan waxay xiriir wanaagsan la leedahay labadaba Turkiga iyo Israa’iil. Waxay labadaas waddanba ka iibisaa saliid, waxayna labadoodaba ka iibsataa hub.
Xiriirka ka dhexeeya Azerbaijan iyo Iiraan ma ahan mid aad u wanaagsan. Saraakiisha ciidamada Iiraan ayaa ku eedeeyay Azerbaijan inay xogta sirdoonka milatariga u gudbiso Israa’iil, taas oo ah eedeyn ay Baku beenisay. Sidoo kale, bishii Maarso ee sanadkan—xilli ay Mareykanka iyo Israa’iil bilaabeen dagaal ka dhan ah Iiraan—ayaa la sheegay in Tehran ay diyaarad aan duuliye lahayn ku weerartay dhulka Azerbaijan ee Nakhchivan.
“Waxaa cad in dad badan oo ku sugan Turkiga, gaar ahaan kooxaha Islaamiyiinta ah, aysan ku qanacsanayn xiriirka dhow ee ka dhexeeya Baku iyo Israa’iil. Hase yeeshee, marka horeba, tani ma ahan arrin Ankara ay doonayso inay isku dhac dhex dhigto Jamhuuriyadda Azerbaijan,” ayuu yiri Ruslan Suleimanov, oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha Bariga kana tirsan Xarunta NEST.
“Marka labaad, Turkiga laftiisu wuxuu leeyahay mowqif laba-wajileyn ah. Iyadoo Ankara ay si adag u dhaliileyso hoggaanka Israa’iil, ayay haddana sii waddaa xiriirka dhaqaale ee kala dhexeeya waddankaas, oo ay ku jirto fududeynta gaadiidka saliidda Azerbaijan iyo Ciraaq,” ayuu raaciyay.