Buurta Iyo Jidka Dulay oo aan 4 saacadood u lugeeyey, waxa iigu dabaysay 63 sanadood.
Buurta Iyo Jidka Dulay oo aan 4 saacadood u lugeeyey, waxa iigu dabaysay 63 sanadood.
Baarayaal ka tirsan Ciidanka ICE ayaa ayaa saaka ku soo jarmaaday oo baaritaan ku sameeyay guriga xildhibaan Ilhaan Cumar ee Washington, D.C.
Warbaahinta CBS News oo xiganaysa ilo xog-ogaal ah, ayaa sheegtay in baaritaanku uu la xiriiray dukumentiyo socdaal oo la buuxiyey xilligii ay Xildhibaan Ilhaan carruurta ahayd.
Qaybta Baarista Dambiyada ee Wasaaradda Aminiga Gudaha Mareykanka (HSI) ayaa hoggaaminaysa baaritaanka, iyadoo Wasaaradda Caddaaladdu ay gacan ka geysanayso.
BREAKING: Federal agents raid Democratic Rep. Ilhan Omar’s Washington, D.C., home early Monday morning as part of an ongoing federal criminal investigation. Homeland Security Investigations agents arrived around 6 a.m., with both DHS and the Justice Department involved in the operation. The DOJ confirms agents executed a judicially authorized search warrant, but officials have not publicly disclosed the full scope of the investigation.
— Fox News (@FoxNews) October 12, 2026
BREAKING: Federal agents searched Congresswoman Ilhan Omar’s Washington, D.C., home Monday as part of an ongoing criminal investigation, according to the Associated Press. The search was carried out by Homeland Security Investigations agents. The Justice Department said agents executed a judicially authorized search warrant but did not provide details about the focus of the investigation.
— The Somali Brief (@thesomalibrief) October 12, 2026
Gabadhii ugu horaysay ee Barlamaanka Ingiriiska Xildhibaan ka noqota ayaa loo dhaariyey xilkaas
🚨 WATCH: Sagal Abdi-Wali is sworn in as the Labour MP for Holborn and St Pancras https://t.co/TwM70sWwrK
— Politics UK (@PolitlcsUK) October 12, 2026
Qalabkii lagu codaynayey, kuwii lagu xayeesiinayey xisbiga iyo kuwii lagu dabaal degayey markii doorashaddu dhacdo intaba Diyaarad ayeey wada saaran yihiin
Madaxweynaha Soomaaliya ma yaqaan siyaasadda iyo maamulka dalka. Ma leeyahay aqoonta dhisidda hay’adaha. Dadka ayuu kala qaybinayaa halkii uu isugu keen lahaa miiska wada hadalka si ay wada leeyihiin dawladda. Fiiri xildhibaan ka hadlay xaaladda. #Soomaaliya #Madaxweyne #Musuqmaasuq #Caddaalad #HassanSheikh #DowladdaSoomaaliya #MaxaaKhaldanSoomaaliya @HassanSMohamud @HESharifShAhmed @M_Farmaajo
— xoogsade Elmi (@XoosadeE) October 12, 2026
Shirkii Jaaliyadda Maakhir ee magaalada Toronto ee Dalka Canada.
Maanta oo ay taariikhdu tahay Tuesday, September 29, 2026. waxa magaalada Toronto ee dalka Canada ka qabsoomay shir aad looga soo shaqeeyey oo ay qabsadeen jaaliyadda reer Maakhir ee magaaladaas ku nool..
Shirkan ayaa markii laysugu yimid halkii lagu balansanaa ee shirku ka dhacayey waxa Aayadaha Quraanka ku furay Sheekh Abdiraxmaan Maxamed Kalce, ka dibna waxa halkaas khudbad qiimo leh oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey Guurti Garaad Maxamed Cali Geeldoon, oo isagu maanta shir gudoominayey shirkan Toronto lagu qabtay
Guurti Geeldoon ayaa ku dheeraaday nabadaynta labaddii beelood ee dhowaan ku dagaalmay gobolka Sanaag, isaga oo ka codsday dadkii shirkii ka soo qayb galay ay ka qayb qaataan nabadaynta gobolka ka socota oo dhowaan ka soo qayb gelayaan guud ahaan beesha Daarood., Geeldoon sidoo kale wuxuu aad u bogaadiyey nabadaynta ay qaateen labada Beelood.
Sidoo kale waxa halkas ka hadlay Oday Jaamac Cumar, Aqoonyahan Axmed Saciid, Ing. Faysal Ducaale intuba waxayku dheeraadeen muhiimadda ay leedhay midnimada , xiriirka iyo iska war haynta guud ee Jaaliyadda
Khudbadaha ka dib waxa la go’aansaday in GuddI guud la doorto , oo gacan taag loogu codeeyo. Guddiddii Jaaliyadda hogaamin lahayd ayaa la doortay oo waxa howshaas Culus lagu aamniay
1-Axmed Saciid Warsame
2 Axmed Shire Cabdulaahi Ducaale
3. Faysal Ducaale Cilmi
4- Jaamac Axmed Jaamac
5 Cabdirisaaq Maxamed Xasan
6-Axmed Xaaji aw Ismaaciil
7- Mahdi Maxamed Xasan
8- Cabdiraxmaan Kalce
9- Maxamed Suute
Ugu danbayntii Jaaliyaddu waxay u mahad celiyeen Gabdhihii goobta shirka qurxiyey ee waqtiga badan geliyey in Jaalliyaddu ku shirto meel ay wax walba ka heli karaan intu shirku u socday.. Gabdhahan isxilqaamay oo ay jaaliyadduumahad celisay ayaa kala ahaa Sameexa Waraabe, Jawaahii Cabdi Maxamed iyo Samsam Cawad
ALLSANAAG.COM
Shir-madaxeedka Wadatashiga Afargeesoodka ah ee Masar, Suudaan, Eritrea iyo Soomaaliya
Dalalka Soomaaliya, Masar, Eriteriya & Suudaan ayaa sheegey in ay lama-taabtaan tajay amniga Badda-cas & Gacanka-cadmeed, iyaga oo hoosta ka xarriiqay in aysan aqbalayn faragelin & carqaladeyn.
Dalalku waxa ay kale oo ay xuseen in aysan aqbalayn in hal dhinac uu ku tagri faro biyaha webiga Nayl-ka.
Labadan qodob ayaa loo arkaa kuwo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen iyo Itoobiya oo danaynaya biyaha.
DFS shalay ayey se sheegtey in ay AddisAbab u oggoshahay adeegsiga dekedaha Soomaalida.
WAR-MURTIYEEDKA WADAJIRKA AH
Shir-madaxeedka Wadatashiga Afargeesoodka ah ee Masar, Suudaan, Eritrea iyo Soomaaliya
El Alamein, 4 Oktoobar 2026
1. Iyadoo laga jawaabayo martiqaadkii uu Mudane Cabdifataax Al-Siisi, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, u fidiyey Mudane Isaias Afwerki, Madaxweynaha Dowladda Eritrea; Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; iyo Jeneraal Cabdifataax Al-Burhaan, Guddoomiyaha Golaha Madaxbannaanida Ku-meelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Suudaan, madaxweynayaashu waxay maanta, 4 Oktoobar 2026, shir-madaxeed afargeesood ah ku yeesheen magaalada cusub ee El Alamein. Waxay yeesheen wadatashiyo mug lehoo ku dhisan walaaltinnimo, kuwaas oo ku saabsanaa arrimaha gobolka iyo kuwa caalamka ee taagan, iyo sidoo kale siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga siyaasadda, ganacsiga iyo dhaqaalaha ee afarta dal, laguna adkayn karo wadatashiga iyo isku-duwidda dhexdooda.
2. Shir-madaxeedku wuxuu ka hadlay baahida loo qabo dhowrista mabaadi’da iyo tiirarka aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah, kuwaas oo saldhig u ah xasilloonida iyo iskaashiga gobolka; gaar ahaan ixtiraamka madax-bannaanida, xasilloonida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka gobolka; dhowrista mabaadi’da deris-wanaagga; diidmada faragelinta arrimaha gudaha ee dalalka gobolka, marmarsiiyo kasta oo loo cuskadaba; iyo ka shaqaynta taageeridda hay’adaha qaranka iyo dhiirrigelinta xalalka siyaasadeed iyo kuwa nabadeed ee khilaafaadka.
3. Shir-madaxeedku wuxuu ka wada hadlay isku-duwidda dadaallada wadajirka ah ee lagu xaqiijinayo xasilloonida gobolka, lagu abuurayo jawi ku habboon horumar la wadaago oo waara, laguna horumarinayo xiriirka dhaqaalaha, ganacsiga iyo dhaqanka. Dadaalladan waxaa loo wajahaya hab gacan ka geysanaya isdhexgalka dhaqaale iyo isku-xirnaanta, dhiirrigelinaya horumarka waara, isla markaana xoojinaya xiriirka ka dhexeeya shucuubta dhammaan dalalka ka qaybgalaya, iyadoo la tixgelinayo ujeeddooyinkooda guud iyo aayaha ay wadaagaan.
4. Shir-madaxeedku wuxuu ka hadlay arrimaha soo socda, kuwaas oo ay madaxda ka qaybgashay isku raaceen:
a. Taageeridda midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Suudaan iyo hay’adaheeda qaranka; diidmada dhismaha hay’ado barbar socda hay’adaha qaranka; dhiirrigelinta dib-u-bilaabidda hannaan siyaasadeed oo ay dadka Suudaan leeyihiin, hoggaankiisana iyagu hayaan; taageeridda hay’adaha qaranka; iyo si buuxda u diididda taageero kasta oo la siiyo calooshood u shaqeystayaasha.
b. Taageeridda midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo diidmada faragelin kasta oo lagu wiiqayo midnimada iyo madax-bannaanidaas, gaar ahaan aqoonsiga waxa loogu yeero “Somaliland”.
c. Taageeridda dadaallada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee la-dagaallanka argagixisada iyo u suurtagelinta hay’adaha dowladda inay awooddooda ku fidiyaan dalka oo dhan; iyo ugu baaqidda saaxiibbada gobolka iyo kuwa caalamka inay Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) siiyaan maalgelin ku filan, waarta, lana saadaalin karo, si uu u guto waajibaadka loo igmaday.
d. Adkaynta mabda’a xorriyadda isu-socodka maraakiibta iyo in maamulka Badda Cas uu yahay mas’uuliyad u gaar ah dalalka xeebaha ku leh baddaas.
e. Adkaynta muhiimadda ixtiraamka sharciga caalamiga ah ee nidaamiya webiyada xuduudaha ka gudba, oo uu ku jiro webiga Niil, gaar ahaan mabda’a ah inaan waxyeello la geysan, iyo waajibka iskaashiga ee loo marayo wargelin horudhac ah, wadatashi iyo isku-raac; iyadoo si buuxda loo diidayo tallaabo kasta oo hal dhinac uu qaado, taas oo si taban u saamaynaysa isticmaalka biyaha ee hadda ka jira labada dal ee ku yaalla qaybta hoose ee webiga Niil.
f. Sii wadidda xoojinta wadatashiga iyo isku-duwidda ka dhexeeya afarta dal.
DHAMMAAD
See less
Khudbaddii uu Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulaahi Cartan ka jeediyey baaqii nabadeed ee beesha Muxumud
Beesha Nuux yuusuf (Muxumud ) ayaa baaq nabadeed kasoo saartey Colaadi ka taagneyd deegano Ka tirsan gobolka sanaag.
Jabahad SNM ah oo ay cunsuriyiinta reer Galbeedku soo maal geliyeen si uu bulshada Islaamka ah uga hor keeno shacabka dalalka ay ku nool yihiin
Islam Is NOT Compatible With Western Values I This Interview Left Me STUNNED Full interview available from 6pm, Sunday 04th October on YouTube & Spotify: The Dozen with Liam Tuffs 🎥🎧 https://t.co/0PoDuYouoA
— Liam Tuffs (@liamtuffs1) October 3, 2026
"Islam Is NOT Compatible With Western Values" Liam Tuffs Interview https://t.co/MU5GYgI309
— Saajid Lipham (@SaajidLipham) October 4, 2026
@drogbaregenn @AdalUnion @MuhammadS9128 Listen to the video buddy he was calling for somaliland to rule by sharia and kick out gaalo https://t.co/TuYIQPzhzv
— Caynaashe (@offth3radar) October 4, 2026
Jaaliyadda Beesha Ogayslabe ee Minnesota oo kulan Sagootin u sameeyey Xildhibaanka ku matala Dowladda Fadraalka Somaaliya Xil Saciid Daahir.