26th November 2026  admin  Category :

Shirkii Jaaliyadda Maakhir ee magaalada Toronto ee Dalka Canada.

Maanta oo ay taariikhdu tahay Tuesday, September 29, 2026. waxa magaalada Toronto ee dalka Canada ka qabsoomay shir aad looga soo shaqeeyey oo ay qabsadeen jaaliyadda reer Maakhir ee magaaladaas ku nool..

Shirkan ayaa markii laysugu yimid halkii lagu balansanaa ee shirku ka dhacayey waxa Aayadaha Quraanka ku furay Sheekh Abdiraxmaan Maxamed Kalce, ka dibna waxa halkaas khudbad qiimo leh oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey Guurti Garaad Maxamed Cali Geeldoon, oo isagu maanta shir gudoominayey shirkan Toronto lagu qabtay

Guurti Geeldoon ayaa ku dheeraaday nabadaynta labaddii beelood ee dhowaan ku dagaalmay gobolka Sanaag, isaga oo ka codsday dadkii shirkii ka soo qayb galay ay ka qayb qaataan nabadaynta gobolka ka socota oo dhowaan ka soo qayb gelayaan guud ahaan beesha Daarood., Geeldoon sidoo kale wuxuu aad u bogaadiyey nabadaynta ay qaateen labada Beelood.

Sidoo kale waxa halkas ka hadlay Oday Jaamac Cumar, Aqoonyahan Axmed Saciid, Ing. Faysal Ducaale intuba waxayku dheeraadeen muhiimadda ay leedhay midnimada , xiriirka iyo iska war haynta guud ee Jaaliyadda

Khudbadaha ka dib waxa la go’aansaday in GuddI guud la doorto , oo gacan taag loogu codeeyo. Guddiddii Jaaliyadda hogaamin lahayd ayaa la doortay oo waxa howshaas Culus lagu aamniay

1-Axmed Saciid Warsame

2 Axmed Shire Cabdulaahi Ducaale

3. Faysal Ducaale Cilmi

4- Jaamac Axmed Jaamac

5 Cabdirisaaq Maxamed Xasan

6-Axmed Xaaji aw Ismaaciil

7- Mahdi Maxamed Xasan

8- Cabdiraxmaan Kalce

9- Maxamed Suute

Ugu danbayntii Jaaliyaddu waxay u mahad celiyeen Gabdhihii goobta shirka qurxiyey ee waqtiga badan geliyey in Jaalliyaddu ku shirto meel ay wax walba ka heli karaan intu shirku u socday.. Gabdhahan isxilqaamay oo ay jaaliyadduumahad celisay ayaa kala ahaa Sameexa Waraabe, Jawaahii Cabdi Maxamed iyo Samsam Cawad

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*