
26th November 2026 admin Category :
Ma noo aqoonsan tihiin inaanu degaanada kale ee gobolka Bari la midna nahay.m sidaas waxa yidhi Allah u naxariistee nabadoon Shiine Xuseen Gurxan oo maanta la dilay
Allah ha u naxariistee Caaqil Shiine Xuseen Gurxan, oo ka mid ahaa nabadoonada gobolka gaar ahaan kuwa gobolka Hayland iyo degmada Galgala ayaa maanta u geeriyooday Miino loo dhigay
Dhowr iyo tobankii sano ee ugu danbaysay ayaa Isimada degmada Galgala miinooyinka loo dhigayey laguna dilayey. Dadkii lagu dhawacay qaraxyadan waxa ka mid ahaa Isimka maanta la dilay aabihiis Nabadoon Xuseen Gurxan sida qoraalka hoose ee Allsanaag qortay 16 sano ka hor lagu sheegay.
Allah ha u wada naxariistee dadkii lagu dilay qaraxyadan waxa ka mid ahaa dadkam hoos ku qoran gobolka Bari ayaa lagu dilay.
Taliye ku xigenkii ciidanka Booliiska Puntland Gaashaanle sare Jaamac Saxardiid.
Taliyihii Saldhiga booliiska Biyo kulule ee magaalada Boosaso Axmed Xasan Xaaji Dhoonge Waxa lala dilay walaalihiis Axmed caalim iyo Cali Nirig. Intuba waxay la dhasheen Cabdi Jamaal,. Waxa la dilay Cabdi Jamaal wiilkiisii., oo horay adeeradiis loo dilay. Cabdi jamaal dhowr mar ayuu bad baaday.
Waxa la dilay Saalaxo Sool, Adan Jaamac Soolo
Waxa lala dilay Cali diib Gurxan, Minjir Xuseen Gurxan, Faysal Cakaal, Ciga dheere, Bucurde Jaamac Gaab, naba doon Xasan Gurxan, fuaad Qoryood, Halab Axmed Jaamac.
Ugu danbayntii Su’aashii ugu danbaysay ee Caaqilku waydiiyey maamulka Puntland waa ka been sheegeen markii ku yirahdeen Carmo iyo Galgala ayaa waa isugu kaaya mid.
https://web.archive.org/web/20110404140932/https://allsanaag.com/Details.asp?id=7175







