Isku aadka tartanka ciyaaraha gobolada Puntland oo la shaaciyay

Isku aadka tartanka ciyaaraha gobolada Puntland oo la shaaciyay
Nabadoon Guule Sheekh Xuseen oo qaraxii Kulliyadda Jaalle Siyaad ku sheegay xasuuq lala beegtay beesha Biyamaal
Qalliin lagu sameeyey ilmo yar oo uu sanka ka galay Beytari
Muddo laba sano ah, wiil lagu magacaabo Rajesh ayaa waxaa sanka uga jiray 3 baytari oo ah nooca ay carruurtu ku ciyaarto.
Rajesh ayaa la sheegay in ay xitaa ku adkeyd in uu caruurta qeyrkiisa ah la ciyaaro maadaama ay baytariyahan sanka uga jireen.
Balse hadda batariyada sanka uga jiray ayaa laga saaray, waxa uu la ciyaari karaa asxaabtiisa kale. Dhakhaatiirta dowladda ee Kallakuri ayaa qalliin ku sameeyay, waxayna ka saareen baytariyadan.
Viswanathan iyo Surya, oo ah lamaane ka soo jeeda tuulada Kachimailur ee degmada Cuddalore ee Tamil Nadu, waxaa u jooga wiil lagu magacaabo Rajesh oo wax uu xilligaas ahaa fasalka labaad.
Rajesh hooyadii waxay u sheegtay in ay ahaayeen dadka iska xamaasha oo la daala dhaca noolasha Surya. “Wiilkaygu wuxuu la daalaa dhacayay dhibaatadan muddo saddex sano ah, dhibaatadiisan ugu dambeyntii way dhammaatay”.
Labo sano oo ay dhib ku ahayd in uu neefsado
Hooyada dhashay Rajesh Surya ayaa tiri, “Wiilkeyga mar walba wuxuu la ciyaaraa caruur da’diisa ah, labadii sano ee la soo dhaafay, wuxuu ka cabanayay dhiig ka imaada sanka, sidaas darteed waxaan u qaadnay dhakhtar nagu dhowaa, waxay-na u qoreen dawo ah kuwa sanka lagu dhibciyo iyo kaniiniga.
Rajesh ayaa hooyadii u sheegay laba sano ka hor in uu sanka ku dhuftay meel darbi ah oo uu dhaawac soo gaaray, balse hooyadii wax dan ah kama galin.
Balse dhibaatadii haysatay ma noqon mid istaagta gaar ahaan waxaa uu xanuun dareemayay xilliyada roobka uu da’ayo oo ay neefta ku dhagi jirtay.
“Suurtagal ma ahayn in isbitaal weyn la aado dhaqaala la’aan darteed, sidaas awgeed waan iska indhatirey aniga oo is leh xanuunka wuu ka fiicnaan doonaa dhowr maalmood ka dib.”
Intii uu beytariga ku jiray sankiisa ayaa waxaa aan la ciyaari jirin caruurta ay iskuulka wada dhigtaan iyaga oo sidoo kale aan ag-fadhiisan jirin.
Surya waxay tiri, “Rajeesh maalin walba wuu noo iman jiray isagoo ooynaya, maalin maalmaha ka mid ah ayuu macalinkiisii iskuulka noogu yeeray”.
“Macalimiintu waxay noo sheegeen in Rajesh sankiisu uu aad u urayo, ardayda kalena waxay sheegeen in uu inta badan sankiis ka soo daadato malax,” ayay tiri Surya.
Markaa macalinku wuxuu nagula taliyay inaan si degdeg ah aan xaaladiisa ula tacaalno oo aan tallaabo qaadno. Waxa uu sidoo kale sheegay in hadii kale ay saameyn doonto mustaqbalkiisa.
Intaa ka dib, “Isla markiiba waxaan tagnay isbitaal u dhow tuuladayada. Laakiin waxaa uu dhakhtarka i siiyay dawo sanka lagu shubo iyo kiniinno.”
Markii ay xaladu halkaasi maraeyso ayaa mid ka mid ah qaraabadeena ku sugan Kallakuri ayaa nagu taliyay inaan aadno isbitaalka dowladda ee halkaas ku yaal.
Rajesh hooyadeed tuhunkeedu wuu sii kordhay markaas. Sidaa darteed waxaa loo geeyay Dr. Ganesh Raja oo ka howlgala Isbitaalka Dowladda ee Kallakurichi.
Surya ayaa tiri, Dr. Ganesh Raja wuxuu naga qoray macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan dhacdooyinka nolosha Rajesh.
Intaa ka dib, waxay u tageen dhakhaatiir kala duwan, waxayna u sheegeen in canuga uu ka dareemayo xanuun sanka.
Dhaqtarkii baaray Rajesh ayaa ka codsaday in la dhigo isbitaalka dowladda ee Kallakuri si loogu daweeyo.
“Waannu dhegaysannay taladii dhakhtarka, waxaanan dhignay isbataalka”.
Rajesh aya ka dib waxaa lagu sameeyay baaritaan, waxaana la saaray mashiinta loo yaqaano CT scan markasi oo shaaca la qadaay in sanka uu wax uga jiro.
Dr. Vasvi oo ah borofisar ka tirsan Kulliyadda Caafimaadka ee Dowladda Kallakuri ayaa BBC sheegay in markii isaga iyo kooxda caafimaadka ay baareen sanka Rajesh, ay ogaadeen in sanka uu uga jiro wax madow.
Dhakhtarka ayaa intaa ku daray in islamarkii ay ogaadeen-ba in sanka uu wax uga jiro ay go’aansadeen in qalliin lagu sameeyo.
Markii Rajesh lagu sameeyay qalliinka ayaa waxaa laga soo saaray saddex beytari oo ah nooca loo isticmaalo bombalaha ay caruurta ku ciyaaraan.
“Ilaa qaliinka aan ka sameyno, waxaan kali ah ee aan ogeyn ayaa waxay ahayd in uu wiilkani sanka uga jiro wax madow, ayuu yiri Dr Usha”.
Waalidiintu ma ay ogayn in baytariyada ay carruurtu ku ciyaaraan ay ku dhegan yihiin sanka ilmahooda. Maxaa yeelay wiilku waxa uu sheegay oo kaliya in uu sanka uu meel ku dhuftay isaga oo ciyaaraya.
Rajesh ayaa waxa la siiyay dawooyiinkii uu u baahnaa islamarkana sida ay dhakhaatiirta sheegeen waxaa isbataalka laga saaray 3 bishii July.
Somali and Czech Ambassadors Meet in Addis Ababa to Strengthen Cooperation
Addis Ababa, SONNA – The Ambassador of Somalia to Ethiopia, Abdullahi Mohamed Warfaa, welcomed his Czech counterpart, Miroslav Kosek, at the Somali embassy in Addis Ababa on Thursday.
The meeting, which was part of Ambassador Warfaa’s efforts to strengthen and promote cooperation between Somalia and the rest of the world, focused on enhancing relations between the two countries. Ambassador Kosek underlined the Czech government’s full support for Somalia and its commitment to working with the country on issues related to good governance.
The meeting is seen as a positive step towards strengthening ties between Somalia and the Czech Republic, as both countries seek to deepen their cooperation in various fields.
Ciidamadii laga keenay gobolka Shabeelada Hoose ee lagu qarxiyey magaalada Muqdisho ayaa boqolkiiba boqol ahaa shirqool. Dhalinyaradan ayaa u badnaa beesha Biimaal, waxeeyna shaqo fiican ka hayeen deegaanadaas, iyagoona dhulkaas ka difaacay argaggixisadda iyo beesha gobolada dhexe ka timid ee dhul ballaarsiga ka wadda Shabeelada hoose.
Sababta Muqdisho loo keenay ayaa aheed in halkaas lagu qarxiyo, waayoo ah weey ku adkaatay kuwa doonayey ineey ciidankaas deegaanadooda ku laayaan, balse Muqdisho ayaa lala yimid taas oo sahashay in la qarxiyo.
Shakiga ugu weeyn waxa uu dul hoganayaa beesha gobolada dhexe dhulballaarsiga uga soo duushay taas oo waqtigan Madaxweeyne Xasan uu jeebka ugu jiro iyaga. Hadaba sidee ayeey wax u dhacayn?
Bil ka hor ayaa la sheegay in qarax uu ka dhici doono xeradda si marka la qarxiyo dhalinyaradan loo yiraahdo qaraxa mar horaa laga digay;
Ninka ciidanka qarxiyey waxaa lagu keenay gaari ah kuwa aan xabbaddu karin, waxaana laga soo dhigay sarkaal indho indheenaya ciidanka, wuxuuna dhexmaray ciidanka dhexdooda, kadibna waa is qarxiyey;
Ciidanka in la soo raro waxaa diiday saraakiisha ciidanka qaarkood iyo guddoomiyihii hore ee Shabeelada Hoose, iyaga oo oggaa in la doonayo in ciidanka la shirqoolo;
Been waxaa laga sheegay ninka is qarxiyey, dawladdana waxeey warbaahina Carabta qaarkood ay u sheegeen in ninka is qarxiyey uu ahaa tababare ciidanka tababarayey, waxaana meesha laga saaray ninkii wax qarxiyey ee gaariga aan xabbaddu karin lagu keenay;
Markii uu qaraxu dhacay, ciidanka looma fidin wax gargaar degdeg ah, sidoo kale, dhaawacyadii cuslaa looma qaadin dalka dibadiisa, waxaana qorshaha uu ahaa in ay wadda dhintaan kulligood;
3 sarkaal oo u dhashay beesha Raxanweeyn ayaa la xiray inta la ogyahay sarkaal kale oo kamid ahaa ragga eedeeysan oo u dhashay beesha Habar Gidir ayaan la soo xirin, waxaa Iyana aan la soo xirin raggii illaalinayey xeradda, talliyihii illaaladda, saraakiishii lahayd amarka ciidankan lagu soo qaaday iyo iyadoon la soo qaban baabuurkii keenay ninka is qarxiyey.
Waxaa markii qaraxu dhacay lala xiriiray dhammaan warbaahinta, iyaga oo loo sheegay in warka qaraxaas aysan tebbin, waxaana warbaahinta loo qeeybiyey lacag. Qaraxyada kalle marka ay dhacaan, markiiba gurmad ayaa loo diraa, dhaawaca culus dalka dibadiis ayaa loo qaadaa, ehelka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa ka qeeyb qaata, madaxda ayaa isbitaalada booqata, balse qaraxaan waa mid ka duwan dhammaan qaraxyadii horay u dhacay.
Waxaa la diiday in qaraxaas wax baaritaan ah lagu sameeyo, waxaana qorshaha uu yahay in dhacdadaan foosha xun ee dhallinyaradaa lagu wanjalay qashinka lagu darro. Hadaba, baarista arrintaas ku saabsan oo faahfaahsan fadlan muuqaalka hoose kaga bogo.
Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha beesha Isaaq Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta kulan la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing, kulanka ayaa diiradda lagu saaray Wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha Isaaq iyo Safarkii ay Wakiilku ku tagtay dhawaan Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.
Ergayga ayaa Wakiilka uga warbixiyay dedaalka Dowladda Soomaaliya ugu jirto suurtagallinta hanaan rasmi ah oo ay labada dhinac kuwa wada hadlaan, kuna heshiin karaan iyo Safarkii Midnimada oo ay dhawaan ku gaareyn Ergayga iyo wafdi uu hoggaaminayo Magaalada Baydhabo, halkaas oo ay kulamo wadatashi ah kula soo qaateyn Madaxda iyo Bulshada Dowladda Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u sheegay hoggaamiyayaasha iyo mas’uuliyiinta waddamada Afrika Khamiistii in Moscow ay siin doonto qamadi iib ah ama bilaash ah waddamada ugu baahida badan, si looga hortago hubanti la’aanta cuntada caalamiga ah ee ay sababtay diidmada Ruushka ee dhoofinta qamadiga Ukraine ee mara Badda Madow.
Putin oo ka hadlayay furitaanka shir-madaxeedka Afrika iyo Ruushka oo laba maalmood ka socda magaalada St. Petersburg ayaa yiri “Waxaan horay u sheegay in waddankeenu uu bedeli karo qamadiga Ukraine, labadaba ganacsi ahaan iyo deeqaha dalalka Afrika ee u baahan.”
“Waddankeenu wuxuu sii wadi doonaa taageerada uu siiyo dawladaha iyo gobollada u baahan, gaar ahaan, gargaarka bini’aadantinimo,” ayuu yiri Putin. oo intaas raaciyayy
“Waxaan raadineynaa inaan si firfircoon uga qayb qaadano dhismaha nidaamka qaybinta kheyraadka. Waxaan sameyneynaa intii karaankeena ah si aan uga hortagno dhibaato cunto oo caalami ah. .”
Laakiin, Aqalka Cad ayaa diiday sheegashada Putin ee ah inuu doonayo inuu xalliyo dhibaatada cunnada ee saamaysay waddamada ugu saboolsan adduunka.
Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka John Kirby ayaa u sheegay VOA, “Waxaan rajeynayaa inuu u sheego, ‘Aniga ayaa sabab u ah sababta qiimaha cunnada uu u kacsan yahay. Aniga ayaa sabab u ah inaad dhibaatooyin badan kala kulmi doontaan gaajada, iyo helidda cunto iyo hadhuudh wadamadiina.’”
Nin toban iyo todobo sano u xirnaa kufsi uusan geysan
Waxaa markii ugu horeysay dareenkiisa ka hadlay nin laga siidaayay xabsi, gaar ahaanna sida dareenkiisu ahaa habeenkii ugu horeeyay ee uu noqday qof xor ah, isagoo sheegay inuu aad ugu farxay go’aanka maxkamadda.
Andrew Malkinson, ayaa la soo siidaayay Isniinti, waxaana xabsiga loo taxaabay sanadkii 2004-tii, isagoo laga soo qabtay magaalad uu ku dhsahay ee Grimsby, kaddib kufsi loo geystay gabar toban iyo todobo sano jir ah oo ku noolayd magaalada Salford ee dalka Ingiriiska, wuxuuna xirnaa muddo 17 sano ah.
Kiiskiisa ayaa la laalay kaddib markii cadeymo la soo bandhigay lagu ogaaday, in qof kale uu geystay falkaasi kufsiga ah.
Wuxuu ku jiray galbiska xaaskiisa labaad markii ay xaaskii hore tooraysay
Dhacdo aad u Xanuun badan ayaa Goor dhow ka dhacday degmada Guriceel, Nin iyo Naag Aroos ahaa ayaa Xiligii Galbiska waxaa lagu dhuftay Min Toban Tooreey Waxaa Falkaasi Gaystay Haweeynaydii Ninku Qabay oo ahayd Xaaskiisa Weeyn.
Wararka ayaa sheegaya in maanta oo dhan ay Arooskiisa Ka shaqeeyneeysay balse marka lagaaray Xiliga Galbiska ay mar qura is badashay oo u dulqaadan weeysay waxayna labadan lamaane ay galisey dhowr toorey.
Lamaanaha ayaa hada xaala dooda caafimad lagula tacaalayaa goob caafimaad.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashid Yuusuf Jibril Cawl ayaa ugu hambaleeyay dhammaan shacabka reer Puntland, dhaqangalka Wax-ka-bedelka 1aad ee Dastuurka Dawladda Puntland oo Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda maanta ku soo saaray Faafinta Rasmiga ah.
” Waxaan ugu Hambalyeynayaa shacabka Puntland dhaqangalka wax-kabedelkii lagu sameeyey Dastuurka Dawladda Puntland 25 – July, 2023, kaas oo maanta oo taariikhdu tahay 27 July, 2023 dhaqan-galay faafinta rasmiga ahna kusoo baxay.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl.