19th May 2024  admin  Category :

Qalliin lagu sameeyey ilmo yar oo uu sanka ka galay Beytari

Muddo laba sano ah, wiil lagu magacaabo Rajesh ayaa waxaa sanka uga jiray 3 baytari oo ah nooca ay carruurtu ku ciyaarto.

Rajesh ayaa la sheegay in ay xitaa ku adkeyd in uu caruurta qeyrkiisa ah la ciyaaro maadaama ay baytariyahan sanka uga jireen.

Balse hadda batariyada sanka uga jiray ayaa laga saaray, waxa uu la ciyaari karaa asxaabtiisa kale. Dhakhaatiirta dowladda ee Kallakuri ayaa qalliin ku sameeyay, waxayna ka saareen baytariyadan.

Viswanathan iyo Surya, oo ah lamaane ka soo jeeda tuulada Kachimailur ee degmada Cuddalore ee Tamil Nadu, waxaa u jooga wiil lagu magacaabo Rajesh oo wax uu xilligaas ahaa fasalka labaad.

Rajesh hooyadii waxay u sheegtay in ay ahaayeen dadka iska xamaasha oo la daala dhaca noolasha Surya. “Wiilkaygu wuxuu la daalaa dhacayay dhibaatadan muddo saddex sano ah, dhibaatadiisan ugu dambeyntii way dhammaatay”.

Rajesh waxaa uu ku dhibanaa neefsashada

Labo sano oo ay dhib ku ahayd in uu neefsado

Hooyada dhashay Rajesh Surya ayaa tiri, “Wiilkeyga mar walba wuxuu la ciyaaraa caruur da’diisa ah, labadii sano ee la soo dhaafay, wuxuu ka cabanayay dhiig ka imaada sanka, sidaas darteed waxaan u qaadnay dhakhtar nagu dhowaa, waxay-na u qoreen dawo ah kuwa sanka lagu dhibciyo iyo kaniiniga.

Rajesh ayaa hooyadii u sheegay laba sano ka hor in uu sanka ku dhuftay meel darbi ah oo uu dhaawac soo gaaray, balse hooyadii wax dan ah kama galin.

Balse dhibaatadii haysatay ma noqon mid istaagta gaar ahaan waxaa uu xanuun dareemayay xilliyada roobka uu da’ayo oo ay neefta ku dhagi jirtay.

“Suurtagal ma ahayn in isbitaal weyn la aado dhaqaala la’aan darteed, sidaas awgeed waan iska indhatirey aniga oo is leh xanuunka wuu ka fiicnaan doonaa dhowr maalmood ka dib.”

Isbataalka lagu qalay

Intii uu beytariga ku jiray sankiisa ayaa waxaa aan la ciyaari jirin caruurta ay iskuulka wada dhigtaan iyaga oo sidoo kale aan ag-fadhiisan jirin.

Surya waxay tiri, “Rajeesh maalin walba wuu noo iman jiray isagoo ooynaya, maalin maalmaha ka mid ah ayuu macalinkiisii ​​iskuulka noogu yeeray”.

“Macalimiintu waxay noo sheegeen in Rajesh sankiisu uu aad u urayo, ardayda kalena waxay sheegeen in uu inta badan sankiis ka soo daadato malax,” ayay tiri Surya.

Markaa macalinku wuxuu nagula taliyay inaan si degdeg ah aan xaaladiisa ula tacaalno oo aan tallaabo qaadno. Waxa uu sidoo kale sheegay in hadii kale ay saameyn doonto mustaqbalkiisa.

Intaa ka dib, “Isla markiiba waxaan tagnay isbitaal u dhow tuuladayada. Laakiin waxaa uu dhakhtarka i siiyay dawo sanka lagu shubo iyo kiniinno.”

Markii ay xaladu halkaasi maraeyso ayaa mid ka mid ah qaraabadeena ku sugan Kallakuri ayaa nagu taliyay inaan aadno isbitaalka dowladda ee halkaas ku yaal.

Rajesh hooyadeed tuhunkeedu wuu sii kordhay markaas. Sidaa darteed waxaa loo geeyay Dr. Ganesh Raja oo ka howlgala Isbitaalka Dowladda ee Kallakurichi.

Surya ayaa tiri, Dr. Ganesh Raja wuxuu naga qoray macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan dhacdooyinka nolosha Rajesh.

Intaa ka dib, waxay u tageen dhakhaatiir kala duwan, waxayna u sheegeen in canuga uu ka dareemayo xanuun sanka.

Dhaqtarkii baaray Rajesh ayaa ka codsaday in la dhigo isbitaalka dowladda ee Kallakuri si loogu daweeyo.

“Waannu dhegaysannay taladii dhakhtarka, waxaanan dhignay isbataalka”.

Rajesh aya ka dib waxaa lagu sameeyay baaritaan, waxaana la saaray mashiinta loo yaqaano CT scan markasi oo shaaca la qadaay in sanka uu wax uga jiro.

Dr. Vasvi oo ah borofisar ka tirsan Kulliyadda Caafimaadka ee Dowladda Kallakuri ayaa BBC sheegay in markii isaga iyo kooxda caafimaadka ay baareen sanka Rajesh, ay ogaadeen in sanka uu uga jiro wax madow.

Dhakhtarka ayaa intaa ku daray in islamarkii ay ogaadeen-ba in sanka uu wax uga jiro ay go’aansadeen in qalliin lagu sameeyo.

Markii Rajesh lagu sameeyay qalliinka ayaa waxaa laga soo saaray saddex beytari oo ah nooca loo isticmaalo bombalaha ay caruurta ku ciyaaraan.

“Ilaa qaliinka aan ka sameyno, waxaan kali ah ee aan ogeyn ayaa waxay ahayd in uu wiilkani sanka uga jiro wax madow, ayuu yiri Dr Usha”.

Waalidiintu ma ay ogayn in baytariyada ay carruurtu ku ciyaaraan ay ku dhegan yihiin sanka ilmahooda. Maxaa yeelay wiilku waxa uu sheegay oo kaliya in uu sanka uu meel ku dhuftay isaga oo ciyaaraya.

Rajesh ayaa waxa la siiyay dawooyiinkii uu u baahnaa islamarkana sida ay dhakhaatiirta sheegeen waxaa isbataalka laga saaray 3 bishii July.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*