26th July 2024  admin  Category :

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha beesha Isaaq Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta kulan la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing, kulanka ayaa diiradda lagu saaray Wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha Isaaq iyo Safarkii ay Wakiilku ku tagtay dhawaan Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Ergayga ayaa Wakiilka uga warbixiyay dedaalka Dowladda Soomaaliya ugu jirto suurtagallinta hanaan rasmi ah oo ay labada dhinac kuwa wada hadlaan, kuna heshiin karaan iyo Safarkii Midnimada oo ay dhawaan ku gaareyn Ergayga iyo wafdi uu hoggaaminayo Magaalada Baydhabo, halkaas oo ay kulamo wadatashi ah kula soo qaateyn Madaxda iyo Bulshada Dowladda Koonfur Galbeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*