26th July 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u sheegay hoggaamiyayaasha iyo mas’uuliyiinta waddamada Afrika Khamiistii in Moscow ay siin doonto qamadi iib ah ama bilaash ah waddamada ugu baahida badan, si looga hortago hubanti la’aanta cuntada caalamiga ah ee ay sababtay diidmada Ruushka ee dhoofinta qamadiga Ukraine ee mara Badda Madow.

Putin oo ka hadlayay furitaanka shir-madaxeedka Afrika iyo Ruushka oo laba maalmood ka socda magaalada St. Petersburg ayaa yiri “Waxaan horay u sheegay in waddankeenu uu bedeli karo qamadiga Ukraine, labadaba ganacsi ahaan iyo deeqaha dalalka Afrika ee u baahan.”

“Waddankeenu wuxuu sii wadi doonaa taageerada uu siiyo dawladaha iyo gobollada u baahan, gaar ahaan, gargaarka bini’aadantinimo,” ayuu yiri Putin. oo intaas raaciyayy

“Waxaan raadineynaa inaan si firfircoon uga qayb qaadano dhismaha nidaamka qaybinta kheyraadka. Waxaan sameyneynaa intii karaankeena ah si aan uga hortagno dhibaato cunto oo caalami ah. .”

Laakiin, Aqalka Cad ayaa diiday sheegashada Putin ee ah inuu doonayo inuu xalliyo dhibaatada cunnada ee saamaysay waddamada ugu saboolsan adduunka.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka John Kirby ayaa u sheegay VOA, “Waxaan rajeynayaa inuu u sheego, ‘Aniga ayaa sabab u ah sababta qiimaha cunnada uu u kacsan yahay. Aniga ayaa sabab u ah inaad dhibaatooyin badan kala kulmi doontaan gaajada, iyo helidda cunto iyo hadhuudh wadamadiina.’”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*